Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Abwaan Saxardiid Jebiye: Halabuurkii Gardaadiyey Xornimada – W/Q. Ilyaas Cabdi Carte

Saxardiid hagoog siduu u galay, heesna tirin waaye

Intuu  kaddeedkani  hirgallay, muu  hallaanhaline

Sabaabtuu  fanka uga hadhgalay , la hubsan doone. Cali Banfas

Dhawaan ayaan si kadiso ah u helay buug yare looga magac dhigay SOOYAALKA JABIYE IYO SUUGAANTIISII; si kooban ayuu uga hadlayaa noloshii iyo curintii abwaanka rugcadaaga ah ee Saxardiid  Maxamuud  Cilmi oo ku magic-dheer  Jabiye. Ka sakow qiimaha uu ii laha dhiganahan  yari , waxaa aad ii xiiso-galisay in cidii ururisay ee diyaarisay ay noqotay  dhalinyaro, kuwaas oo gartay  in ay ka daba tagaan oo kaydiyaan suugaantii  muga waynayd  ee abwaan  Saxardiid. Runtii waa wax loo baahnaa in la qoro  suugaanta daryeel la’aan darteed u lumaysa , hanoqoto tan abwaan saxardiid ama mid kale. Sidaa dartee kolka hore aan u mahad- naqo dhalinyartii jaamacada hargaysa ee wakhtigoodii iyo tamartoodii ba ku bixiyey diyaarinta buugan. Marka xiga aan u mahad celiyo saxiibkay  Ismaaciil oo runtii  ii fududeeyey in aan helo oo akhriyo buugan .

Abwaan Saxardiid  Maxamuud Cilmi  ‘Jabiye’ waa da’adiii ku dhalatay magaalada Hargaysa sanadkii 1938kii . waa halgamaa sugaan-dhaadhiya  oo ka qayb-qaatay dagaalkii suugaameed ee lagu kicinayey gumaystihii  gayiga somalida gawdiidsaday horaantii lixdamaadkii. Waa fanaan farshaxan ah  oo alle awood u siiyey  curinta iyo falkinta badaha maanso. Waxa uu safka hore kaga jiraa hal-abuurkii maanseed ee kartida u yeeshay in ay u balweeyaan  oo suugaan sooca oo ka mida suugaantooda hodanka ah ku mariimaan oo xus iyo xusuus ma guuraan ah uga dhigaan xornimadii lixdankii ee umada somaalida qalbiyadooda ku dheerayd ilaa hadan ku dheer. Abwaan Saxardiid waxa uu ka mid ahaa labeentii koodii caanka ahayd ee WALLAALAHA HARGAYSA ee wacdaraha ka gaysatay fanka somalida intii u  dhaxaysay sanadihii 1945-1960kii.

Inkastuu ahaa abwaan wakhtiyar oo kooban ku hal-abuuray wax-qabad suugaameed mugleh , hadana mudo ku dhawayd  labaatameeyo sano  abwaanka laguma arag fagaarayaashii fanka iyo suugaanta. Aamuska iyo ka gaabsiga sugaanta ee abwaan saxardiid yar iyo wayn aad baa loo tabay bulshaduna u dareentay.hadal iyo hawraar ba uu ku soo arooray oo lagaga  dayriyey aamuska abwaan saxardiid. dhanka tixda  Sawkii lahaa  abwaanka caanka ah ee CALI XASAN AADAN  BANFAS  mar uu ka dar daar warinyey  aamuska abwaan saxardiid  ee dhanka suugaanta :

Saxardiid hagoog siduu u galay, heesana tirinwaay

Intuu kadeedkani hirgalay , muu hallanhaline

Sababtuu fanka uga hadhgalay, la hubsan doonee.

Laakinse , maxaa wacay aamuska abwaanka?.  Sida dhabta ah inkasta oo aanu saxardiid shaqo ka dhigan hal-abuurka fanka , hadana waxaa la aaminsanyahay in ka aamuska suugaanta ee abwaan saxardiid ay daaranayd saluug uu abwaanku ka muujiyey heerka ama mustawaha fanka somaliga ah ku sugnaa wakhtigaa

Si kasta ba ha ahaatee, Marka aad abwaan saxardiid  suugaantiisa si mugleh u dhexqaadid , waxaa kuu cadaanaysa  in  dagaalkii gobanimo doonka ahaa ee dadka somaliyeed ee qarnigii tagay ka oognaa dhulka somalida uu mud-muday oo xadanteeyey islamarkaana butaaciyey    hibadii curinneed iyo dareenkii hal-abuurnimo ee ku hilnnaa nafta abwaan saxardiid. Wadaniyadaa ayaa abwaanka ka hadlisay oo ka keentay  inta badan sugaantiisa. Bal hada aynu arintaa u maragsano wax-qabadka sugaameed ee abwaanka.

1954kii markii gumaystihii ingiriisku bixiyey dhulkii loo yaqaanay  HAWD AND RESERVE AREA haatana loo yaqaan kililka shanaad ee somalida Ethiopia , ayuu abwaan saxardiid ka haysan waayey  oo mimbarka fuulay oo tirshay heeskiisii ugu horeey  ee sida la aaminsanyahay rasmiga ahaa. Heeskan waxaa la yidhaa CADAWGA DHEXDEENA MA KA DHOOFINNA. Sidaa darteed waa abwaan wadaniya oo suugaantiisu la kawsatay  xornimo u dirirkii dadka somalida. Wixii ka dabeeyey intaa  abwaanku waxa uu ka mid ahaa indheer-garadkii iyo hal-abuurkii somaliyeed eek u foognaa u horseedida  guudahaan dadka somlida gaar ahaan dadkii  reer Somaliland xoriyad iyo midnimo ay ku waarto.

Anigoo maqaalkaygan qaybo ka soo qaadan doona gabaydii , riwaayadihii , heesihii iyo sheekooyinkii abwaan saxardiid , bal ahda aynu ku yar hakano riwaayadii u horaysay riwaayadihii uu alifay  abwaanku waana riwaayadii  caanka noqotay ee GARDIID WAA ALLA DIID  oo ku sinayd 1959kii.  Waxay ahayd riwaayad  dhumucwayn oo galbinaysay falsafad ama aragti wadaniyadeed oo ku aadanayd shacbiga o somalidda.waxay xambaarsanayd risaalad xoojinaysa bisaylka iyo garawshiyaha dadka reer Somaliland muujiyeen xiligaa si ay u hantaan gobanimo iyo dawladnimo. Gudaha riwaayadan waxaa ku soo arooray  gabayga duurxulka ah ee caanka noqday ee la yidhaa  geeska afrika .  Aynu  wax yar ka soo qaadano gabaygaa.gabaygu waxa uu u dhacayaa wiil iyo aabihii oo wada sheekaysanaya  oo wiiku uu rabo in uu gobanimada u halgamo , odayga aabihiina uu rabo in uu wiilkiisu uu guursado gabadh si uu reerka  mas uul  uga noqdo,balse wiilku waadiidanyhay oo ku ye lixdankaan aabo guursan, yacnihii waa marka aynu xornimada helno.

Nin gaadh haya iyo gudaa mooyee

Dadow xalay goor aad hurideen

Geeskii afrikaa gabyoo wuxuu yidhi

Gaalka iyo nacabkaa iguud dagay

Googooyay hilbihii ee ikala guray

Idinkoon guuto waayin ii guntada

Soomaalay gidigaa markaad gudideen

Miyaad garateen intoo gabataan

Inaan goblan ka ahaado

Gawracyoo ubadkaygii gaajo dishee

Geeraa dhaanta nolosha tii ku gabtee

Xarbaaba gala geedka oo jabiyee

Idinkoon geesi waayin ii galgasha

Soomaalay gidigiin markaad gudideen

Miyaad garateen intoo gabataan

Inaan goblan ka ahaado

Ugaadha garanaysa ganatada

Intay gig ka siis ooda gasha

Hadaanay horgoyn ma gaadhaan

Iyadaan gaban oon dib uga guran

Wiyishaa geeska fiiqda oo galisee

Somaalay gidigaa markaad gudideen

Miyaad garateen intoo gabataan

Inaan goblan ka ahaado

Haduu guluf qaado guunyada

Intaanu galban een la ruga gayn

Waa loo gurmadaa la gaadhi jiree

Iyadooy gobonimo igarab taal

Somaalay gidigaa markaad gudideen

Miyaad garateen intoo gabataan

Inaan goblan ka ahaado

Aan gaabshee guntii waxay tahay

Nin luggi go’antahay ma galo orad

Geesigu ma qarsado godob weyn

Gaaridu ma ogola nin goor xun socda

Kolkuu soo galay guhaada

Gogoshay duubataa kaguurtaa

Dagaalkaa la gudboon ninkaan galin

Ee gabada maalitaa xun ima gayo.

Waakaa gayigii gartii naqsadee

Aan galo anna tii aan garawsaday

Awrkayga gurgur goortii aan raro

Dhigaha ku gigsiiyo gibishii

Gurada uga tuuro labba gaban

Ka goyo qarqarsigeen hogaanka qabsado

Gu roob da’ay geedo uu bixiyay

Horseedku ka gooyay guri wayn

Gortaan dego een gardaadsadiyo

Lixdankaan aabo guursan doonaa.

la soco qaybo kale oo xiiso leh.

raadraac; ardaayada kaydinta suugaanta ee shunuuf, farshaxan iyo buuga sooyaalka jabiye iyo suugaantiisii.

Ilyas Cabdi Carte

kuala lumpur, Malaysia

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Weedhsan Magazine: Download Free

.