Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

THE MAGAZINE: Dushaadu intee le’eg tahay? – W/Q. Cabdillaahi Cawed Cige

Waa kabkab aan isu soo ururshay, maaha qoraal shir ballaadhan la la tago. Yeelkeeda ee ceesaantii ka soo qaad nin ba ceelka geyn jiray. Mawduucu waa ‘dusha’ iyo ruux ba inta tiisu le’eg tahay, qaad leedahay aan idhaahdo.

Iga dul badan:

Goobtu waa timoxiir Hargeysa ku yaalla. Aniga iyo nin aan timo lahayn oo aannu Liverpool ka wada nimi ayaa muraad timoxiirka u yeelannay, timahayga inuu ii gaabsho ayaannu ugu tagnay. Saddex nin ayaannu meheradda ugu tagnay, laba shaqaale ah iyo nin macmiil ah. Ninka macmiisha ah waxa u soconayay timo jar. Ninka kale ee shaqaalaha ahi marka aannu nimi wuxuu laydha ku qaadanayay meel debedda ah. Kolkuu na arkay ayuu soo kacay. “Maxaan idiin qabtaa?” ayuu nagu yidhi. “Ninkan wax ba loo ma qaban karo, anigu se timo jar ayaan u socdaa” ayaan ku la kaftamay. “Isaga qudhiisa waa loo qaban karaa ee soo fadhiiso” ayuu igu yidhi.

Timoxiirku waa meelaha ugu sheeko macaan. Qofku kol haddii uu kurta dhigto waxa daruuri ah inuu maaweeliyo kan mindida la dultaagan, kollay sidaas uun bay u muuqataa tororogta afkaaga laga turqo marka laguu xiirayo. Maanta se timoxiirkani wuu iiga qiimo badan yahay kuwii aan muddo soo arkayay. Waa qof aannu isku af iyo dhaqan nahay. Si kasta oo aad afka qalaad cabqari ugu tahay, aniga maaha ee waa qolyaha afafka daadshay, hadda na lagu ma ciilbeelo, kaaga hooyo ee aad u dhalatay ayuun baa ka dusdus iyo xeelado badan.

Kaftan toocsi ah ayaa isugu kaaya dhacay, ninkii wax laga xiiro aan lahayn ayaa isna sheekada kursi halkaas loo dhigay kala socda oo kolba doc ka soo dusaya. Inta badan isaga ayaan ku halqabsanayaa, waxa aannu wadaagaynaa daltabyada na haysay. Weli ba isagu reer Hargeysa ayuu ahaa, meesha wuu ku dhashay, siddeed iyo soddon sannadood na wuu ka maqnaa.

Iyada oo sidaas tinta la iga jarayo iyo sheekadu ba u xaddi beeleen ayuun baa laba nin meheraddii soo daf yidhaahdeen. Bariido iyaga oo aan dhiibin ayaa midkood kor u dhawaaqay “waar hebel miyaanu joogin?” ayuu la qalaaday. “Maya, wuu maqan yahay” ayuu ninkii ii xiirayay ku warceliyay. “Waar isagaannu naqaan ee idinka idin garanmayno, adigu maxaad ahayd?” ayuu isaga oo ninkii ii xiirayay la hadlaya ku yidhi. “Ma midgaan reer hebel ah ayaad tahay?” ayuu raacshay. Wuxuu magacdhebay qolo Isaaq ah, midgaan kuwii qoladaas ah miyaad tahay ayuu u jeeday.

Waan naxay, ninkii aan timaha lahayni na waa ila mid. Waannu is eegnay. Isma ba lurin ninkii ii xiirayay; “maya ee ma ihi” ayuu yidhi. Ninkii kale ee kan hadalka dirsooca ah dhuraya la socday ayaa yidhi; “waar nimanku waa midgihii reer hebelkeenna”, wuxuu magacdhebay reer kale oo Isaaq ah. “Waar ma sidaasaa?” ayuu ninkii sheekada xun bilaabay yidhi. “Haa!” qosol deexasho ah hadda na rucdi, bahdil, ciil iyo murugo xambaarsan ayuu ninkii ii xiirayay ku warceliyay.

Mar kale ayaannu labadayadii daltabyadu wadatay is eegnay. Mas inuu i qaniinay ayaad moodaysay. Annaga ayuun baa iska firkanaxnay ee qolyaha kale, gefe iyo dhibbane mid na shiddo ka ma muuqan.

Iga dul yar:

Goobtu waa makhaayad yar oo cunto iyo shaah ba laga helo. In diirka madow u ah, diintu mid u tahay, istaqaan, af hooyo iyo isir wadaagta ayaa dhex fadhida. Nin cad ama naag cad, qof uun midabkiisu cad yahay, dalka isagu leh, badhi iyo buuryo se iskaga gedmeen, maya doortay mid aanu u dhalan ayaa isagu na koob kaafi ah goobta macmiil ugu ah. Sida ka muuqata nin buu u dhashay, wax baa se ku taaray inuu sidii dumarka u lebbisto. Waa qof dherer iyo dhumuc u dhashay. Timo caag ah oo aad boosh cad u ah ayuu madaxa ku cuyuyubay. Afka xamuurad cas oo dhiig ah ayuu diinta kaga beddelay. In uu ugu talagalay in aanay ka go’in abidkeed ayaad mooddaa. Kurdad inyar ruugagga ka hoosaysa ayuu xidhan yahay. Uur siddeed iyo badh ama sagaal bilood lagu qiyaasi karo ayuu samaystay. Isaga oo cifanaya, dhabarka gacan ku taageeraya ayuu makhaayadda soo daf yidhi.

“Waa kan, waa tan, belaayadii waa tan!” ayaa intii istaqaannay, isku afka iyo isirka ahayd isku la xanshashaqday. Dabcan qofku dibi maaha, malaha dibigu na wuu garan lahaa in la xamanayo, waa se bini aadan, indhaha la dadbay iyo afka gees u maroorsamay ayuu ka fahmayaa in meesha munaafaqadi ka socoto, muraad se mid ka leh maaha.

Sidii gabadh xaamilo ah oo sedkeedii buuxsamay ayuu kursi halkeer si dheeldheelli ah salka u dhigay. “Fadlan koofi ii keen” ayuu codsaday. Koob aad u cad ayaa koofi xoorinaya loogu keenay. Shandad tii islaamaha ah oo uu sitay ayuu wargeys kala soo baxay oo koofigiisii iska fiiqsaday.

Reer madoobe, reer Muslin, Afrikaan Samaale talo ayaa ku caddaatay. Xanshashaq ayaa laga badinwaayay. Iska sheekaysta oo wax kale ku mashquula la garanwaa, qofkan sida kale iyaga ka ah ayuun bay xamanayaan.

Nin carab ah, Afrikada waqooyi u dhashay ayaa makhaayaddii soo galay. Cunto uu hore u dalbaday ayuu miis halkeer ah la fadhiistay. Dhawr cantuugo kolkii uu qaatay ayuu dhankiisa midig jalleecay. Filanwaa! Daymada ayuu hadda na dib ugu xaday. Waa ba ka daray kuwii hore ee meesha fadhiyay, iyagu xanshashaq ayay wadeen, isaga qosol baa laga soo taagay.

Goor dambe ayaa cibaaradii koofigii iyo wargeyskii isku dhammaysatay. Lacagtii ayuu tartiib u dhiibay oo kadinka weydaartay.

“Uuuuf… naqaska ayaan isku xejinayay” kute gabadh halkeer fadhiday. “Akhas caleek bal waxa koobkii xamuurad ka buuxda eega” ayay tidhi gabadh makhaayadda ka shaqaynaysay.

“Wuxu waa wax dhintay” kuye nin diktoor ah oo macmiisha ka mid ahaa.

Ka dul yari:

Shaqo saacad ah, saddex saacadood se igu qaadatay ayaan soo dhammeeyay. Waa qabow kii ugu xumaa sannadahaas. Baraf cad oo bilic ifaysa abuuray ayaa meel walba daadsan. Dabayl qadhqadhyo ku gelinaysa ayaa dhan walba kaaga imanaysa. Bas jidkiisu sidii raad mas u astaysan yahay ayaan soo raacay. Toos iyo wax u dhow too na uma socdo baskani, waa mid loo sameeyay inuu luuqluuqyada magaalada oo dhan ku marin karo. Muraad ka ma lihi kol haddii uu gurigayga rukunkiisa i dhigaayo.

Kursi meel dhexe ku yaalla ayaan iska dingiigsaday. Feker badan oo maankayga caranayay ayaan iska maaweeliyay. Mid ba mar baan si u wajahay, ka saaray halkii uu ku jiray, diiradda mid kale u wareejiyay. Maararow iyo meeshii aad ku socotay ha soo dhowaato ayuun bay iga ahayd.

Meel dhexe kolkuu baskii marayo ayuu istaan yar ku waabshay. Gabadh koodh qafilan xidhan ayaa soo fuushay. Muraad badan ka ma yeesheen haddii aan indhahaygu faraheeda wadaha lacagta u dhiibaya ku dhicin. Gamcahaas yaryari ma Soomaali baa tolow mise waa Yaman? Ayaan isweydiiyay. Xiiso gaar ah ayaa ba ii galay jinsiyadda gabadhaas socotada ah. Tigidhkeedii yaraa intay soo qaadatay ayay baskii hore u soo gashay. Indhaha ayaannu isla haleellay, waa Soomaaliyad.

Telefoon bay dhegta ku haysataa oo ku hadlaysaa. Ma se ahayn telefoonka, hadalkeeda, bariido la’aanta aannaan isu juuqin midna ba waxa maankayga dhaqaajiyay, astaan wejigeeda iiga muuqatay ayay ahayd.

Sanka daloolkiisa midig ayay nadh dahab ah ku dhejisatay. Kursi iga horreeyay, iga na sii jeeday ayay iska fadhiisatay oo sheekadii telefoonkeeda iska wadatay. Nadhkii inantaas baska fuushan sankeeda ku nabnaa ayaa ku biiray hawlihii maankayga ruxayay.

Bal waxaas eega, ayaan is idhi. Sandalooshigu sow shaqo Hindi, Bagistaani, Bangaali iyo qolyahaas ma ahayn awel. Kuwii, qoladii hudheelka fadhiday ee ninow-naageedka ka yaabbanaa, anigu na iyaga dushooda ka yaabbanaa ayuun baan ku biiray.

Inkasta oo dulqaadkaygii nadh yar oo san lagu muday buuxdhaafshay, hadda na wax baa isoo celiyay. Xaggee inantu nadhka yar gashan lahayd, ayaan isweydiiyay. Dhegta dacalkeeda yar ee hoose, ama dhegta wareeggeeda sare. Oo maxaa u dhexeeya saddexdaas meelood, sanka daloolkiisa, dhegta dacalkeeda yar ee hoose iyo dhegta wareeggeeda? Wax ba ayay maskaxdaydu soo saartay.

Waxaan xusuustay in dibnaha hoose lagu taxo dahab, in xuddunta caloosha lagu mudo mararka qaarkood. Ka warran dacayda hoose ee looxa tantoomada le’eg la geliyo?

Mar qudh ah ayaa weerarkii damiirkaygu ku qaaday inantaas Soomaaliyeed ee aan wax ba igu samaynin difaac ka horyimi helay, miisaan dhinacyo badan leh wixii ka soo baxay ayaa badhxay. Waan arkayay, sii milicsaday kolkii ay baska ka degtay, maankaygu se ku ma maqnayn nadhkii sankeeda ku mudnaa, waxaan mashquul ku ahaa dulqaadka iyo heerarkiisa kala duwan.

Nuxurka kabkabka meesha yimi:

  • Timoxiirku waa qof, qabiil na cid uun buu ka yahay. In lagu dirqiyo qolo kale oo markasta isaga ka qashaafaysa, mararka ay doonaa na sheeganaysa, isagu na sidaas raalli ku ahaadaa sideeda dulqaad uma aha, in se uu bahdilkaas isaga samraa dul badan ayay u baahan tahay.
  • Duni kale, jiilaalku aanu kul iyo hanfi lahayn, qorraxdu korkaaga ka gooshayn, marti iyo qariib aad ku tahay, haddii aad qayb yar ka noqoto in la yaabkeedu ku diiqo, naqaska na kugu dhejiyaa iyada(dunidaas) wax ba ka beddelimayso, adiga se wadnexanuun joogto ah ayay kugu noqonaysaa. In kolkaas dulqaadkaagu kugu fillaado, kaa bato aan idhaahdee, ayuun baad kaga dabbaalan kartaa.
  • Tayda iyo inantii basku, iyadu ka hadal ma leh, indho ku garaadle ayuun baan kolkii hore noqday. Markii maankaygu shaqeeyay na waxa ii baxay dunidu in aanay qoys iyo xaafad ahayn, noloshu na wejiyo badan leedahay oo mid ba mar ama marar badan ku soo mari karo.
  • Dushaadu inay qaad badataa khasaare marna ba kuu ma aha ayaan is leeyahay! Kollay ba!

F.G. Qormadan waxa markii ugu horreysay lagu baahiyay Tirsigii 8aad ee Majalladda WEEDHSAN, February – March 2013.

Cabdillaahi Cawed Cige

Qoraaga kala xidhiidh barta FACEBOOK

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Halkan ka akhri Qoraalladii hore ee Qoraaga Cabdillaahi Cawed Cige ee lagu baahiyay Mareegta WEEDHSAN.

Qalinleyda © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.