Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

SAMO-TALIS: “X. Cabdi dhacdadii ugu adkayd ee aannu isku qaabbilnay waxay ahayd...” Axmed Y. Yaasiin Q. 16

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ka mid yahay hal-doorka aan wax ka weydiiyay aqoonta, xidhiidhka iyo dareen-celinta doorka Xaaji Cabdi-Waraabe, waxaanu ku jawaabay sidan:

“Xaaji Cabdi waxa uu la soo shaqeeyay illa 5 ama 4 jiil inta u dhaxaysa. Waxa laga yaabaa in uu hadda la shaqaynayo nin uu la soo shaqeeyay awoowgiisii labaad. Waa nin in muddo la ah soo shaqaynayay. Laakiin annagu muddo waanu is-naqaannay, ee dhacdadii ugu adkayd ee aanu isku qaabilnay waxa ay ahayd tii Golaha Wakiillada. Arrinkaas, waa tii labada Xisbi (UCID iyo KULMIYE) isku soo caleemo-saareen meesha la yidhaahdo Ambassador, oo dabcan ay sharci-darro ahayd in ay isku soo sharraxaan meel hudheel ah. Markii uu arrinkii aad u sii murgay waxa loo dhiibay guurtida. Annagu (UDUB) waxaanu filaynay in aanu nahay xisbiga ugu aqlabiyadda badan golaha Wakiillada. Subaxii ay Guurtidu go’aanka noo keenayeen waxaanu fadhinay oo aanu ku shiraynay gurigayga, aniga iyo 33-kii Xildhibaan ee UDUB, waxaanu nidhi hadday nimankaasi (guurtidu) meel inagaga dhacaan oo inagu gefaan, waa haddii ay inaga qaadaan guddoomiyaha (chairman). Waxaanu qorshaynay in Xildhibaan C/Qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo UDUB ka tirsani uu noqdo xubinta noo gelaysa Shir Guddoonka Golaha Wakiillada.
Iyada oo aanu go’aankaas gaadhnay, ayaa waxa ila soo hadlay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo ay la joogaan Xildhibaanno ka tirsan Guurtida oo uu hoggaaminayo Xaaji Cabdi-Waraabe, oo Madaxweynaha ku qanciyay in ay aqbalaan go’aanka ay mucaaridku ugu codeeyeen shir guddoonka Wakiillada. Markii aan u imi ayuu Madaxweynuhu guurtidii ku yidhi “Waa kan Axmedna inoo yimi, ee go’aankiinna u sheega”. Xaaji Cabdi oo af-hayeenka guddiga ayaa ayaa yidhi “ Waxaanu go’aaminnay in aan laga daba tegin saddexdaas nin ee la doortay, UDUBna ay sidaas nagu aqbalaan”. Waan diiday hadalkii, waxaan u sheegay in go’aankani yahay mid aan la aqbali karin. Laakiin waanwaan ka dib ayaan aqbalay, oo aan idhi “Haddaad Xaaji Cabdoow sidaas go’aamiseen, waxaan leehayay Ilaahay idinka idinku sallid raggaa aad daaya tidhaahdeen”. Dabcanna waa tii Golihii Wakiillada lagu salliday Golihii Guurtida, ee ay Wakiilladu sharci-darro ku tilmaameen go’aankii ay Golaha Guurtidu muddada afarta sanno ah isugu kordhiyeen sannadkii 2006-da.
Meelaha kale ee aanu Xaaji Cabdi ka wada shaqaynay waxa ka mid ahaa Khilaafka Wershad Hargaha lagufarsamaynayo oo ku taallay Aw Barkhadle, xilligii uu Madaxweyne Cigaal dalka madaxda ka ahaa, oo ay isku hayeen beeshayda iyo beesha Xaaji Cabdi. Weliba xilligaas Xaaji Cabdi beeshayada wuu u maahmaahay. Xaaji Cabdi waa nin guurti ah oo nabadda ka shaqeeya. Waxaad dareemi kartaa markii uu beeshiisa ka soo hadhay sannadkii 1994-kii ee uu dagaalku Hargeysa ka  dhacay. Waxan xasuustaa kelmad uu yidhi AHN Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ah “Somaliland waxay Soomaaliya dheer tahay Xaaji Cabdi”. Waa nin aan dawladaha ku mucaaridin. Xaaji Cabdi waxa aan u aqaannaa “mucjiso”, waxaanan idhaahdaa Xaaji Cabdi dhiman maayo illaa inta Somaliland la aqoonsanayo.
7.1.4                      Axmed Yuusuf Yaasiin,Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga UDUB.  09/Julaay/2011, Hargeysa.
© Xuquuqda qoraalkani waxay u dhawran tahay qoraaga ku suntan.
La Soco Qaybta 17aad haddii Alle idmo
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
FACEBOOK: Saeed Mohamoud Gahair
Sooyaal © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.