Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Somaliland: Guddoomiyaha Komishanka oo markii ugu horreysay ka hadlay Cabashada Ururrada

Hargeysa, December 4, 2012, (Weedhsan) – Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta ka hadlay guud ahaan qaabkii ay u dhacday doorashadii goleyaasha deegaanka ee toddobaadkii

hore ka qabsoontay dalka, isla markaasna tilmaamo ka bixiyay hannaanka iyo jidka loo mari karo wixii cabashooyin ah.
Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Somaliland Md. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) oo hadal ka jeediyay kulan ay guddidu ugu warramaysay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in doorashada deegaannadu ay u dhacday si xor iyo xalaal ah.
Md. Xamari waxa uu ku dooday in doorashadu ahayd tii golayaasha degmooyinka, isla markaasna go’aankeedu aanu ku koobnayn xarunta guud oo keliya, laakiin natijooyinka hordhaca ah lagaga dhawaqayo degmooyinka, guddida sare ee doorashooyinkuna ay leedahay go’aanka kama danbaysta ah.
Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranku waxa uu sheegay in haddii ay yimaaddaan cabashooyin uu dastuurku u banneeyey dariiqo loo maro dacwadahana loo gudbin karo maxkamadaha heer gobol, muddada toddobada maalmood ah ee ka danbaysa marka lagu dhawaaqo natijada kama danbaysta ah.
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.