Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Halabuurka Maankayga – W/Q. Maxamed Foodcadde

بسم الله الرحمن الرحيم. السلام عليكم. (Nabadgalyo Guudkiina Ha-ahaato) dhammaan Ummadda ku hadasha afka Soomaaliga.
Mahadnaq: Waxaa mahadi u sugnaatay Rabbiga kawnkan,sokodiina Bahwaynta

saxaafadda Soomaalida sida wayn ugu Adeegta Gaar ahaan Bahda Mareegta iyo Warsidaha WEEDHSAN oo noo suurogaliyay Rayi kala qaadashada Bulshada Soomaliland iyo Iswaydaarsiga doodo cilmiyaysan isla markaana warar la hubo noogu soo tabiya Goobaha aanu ku suganahay, hubaal waa hawlwadeeno xilkas ah.
Hadaan usoo gondo dago maqaalkaygan waxaan ugu talo galay inaan kaga qayb qaato Horumarinta dalka iyo dadkaba isla markaana aan jaclaystay inay ila wadaagaan Bulashada jecel Horumarka dadka iyo dalkaba.
Isla markaana kusoo qaadan doono qaybo kala geddisan oo quseeya baahiyaadka aqooneed ee bulshada gaar ahaan ciday qusayso hadba Aragtida aynu ka hadlayno.
Waa barnaamij aan ugu talo galay inaan si taxane ah ugu soo gudbiyo bulshadayda aan jeclahay haduu alle ogolaado,isla markaana waxii waayo aragnimo ah ee quseeya qaab nololeedka bulsheed iyo sidii wax looga badali lahaa oo u baahan in loo bisleeyo dhamaan bulashada kala duwan .
Hadda markaynu ka hadlayno Horumar waa isbadal nololeed iyadoo laga guuraayo habka hada lagu suganyahay loona guuraayo habkale oo ka gadisan danna ay ku jirto ayaynu odhankarnaa waa horumar.
Waxaynu wada ogsoonahay in dalkeena somaliland gabbi ahaanba ay aad uga curteen mawjado horumarineed oo ay dhamaan ku taamayaan bulshada kala gedisan iyo deegaamaduba sidii noloshan maanta hore looga soconlahaa,haatana iskugu jira guux iyo fal hada gacanta lagu hayaba, sida abuurista wadooyin,goobo caafimaad,goobo waxbarasho,abuurista illo biyood sida ( ceelal ,baliyo ,baraago...) I.w.m.
Waxa kale oo aynu ka warqabnaa in Jamhuuriyada somaliland ay ka bilaabmayaan Doorashooyinkii Dawladaha Hoose oo aad moodo in dhankooda gaabisku kaga yimi bulshada qolada haatan waqtigoodu sii gabaabsiga yahay hadaba inagoo ka duulayna habsanka ay sababeen golayaashii hore ee daagaanku cudurdaar wal oo ay leeyihiin ma noqonayso mid aynu rabno inaynu ku sii nagaano ama dhigooda oo kale inagu soo celisa. Fursadda kaliya ee maanta bulshada hortaalaa waa inay gacmahooda ku soo xushaan cidii ay doorbidayaan isla markaana isleeyihiin ha'idinku hageen jidka horumarka waana lagama-maarmaan taasi.
Anigoo halkaasi ka-shiidaalqaadanaaya ayaan anna ugu talo galay maqaalkaygan inaan kaga hadlo deegaanka iyo siyaabaha loo horumariyo si ay faaiido ugu noqoto xildhibaanada cusub ee aan waaya aragnimada u lahayn xilkan loo igmanaayo balse jecel inay waxsoo kordhiyaan ayaan xoogaa uga iftiimin doonaa aasaasiyaadka horumarinta degmooyinka iyo deegaankaba maqaalkayguna ku aroori doonaa oo aan ku balaysimi doonaa taxanahan aan ugu magac daray Hal-abuurka maankayga ee ku wajahan dhanka horumarinta dadka iyo dalkaba qaybtiisa 1aadna aan ku soo qaadan doono Deegaanka iyo horumarintiisa.
Marka deegaan laga hadlaayana looma jeedo buuraha iyo dhirta waloowba aanay ka madhnayne hadana qasdigu waa shacabka ku nool deegaankaas iyo siyaabaha loo harumariyo noloshooda,dawladaha hoosena waa dawlada shacabka ee dhabta ah iyagaana laga sugaa dhamaan adeegyada daruuriga ama aasaasiyaadka nolosha xataa way u madaxbanaan yahiin siyaasadooda ay ku maamulayaan inta sharcigu ogolyahay iyagoon kutasarufayn maamulka.
Waxaan meesha ka madhnayn iyana inay bulshadu garato adeega ay u qaabilsantahay D.H
Si loo hello cid kudaba gasha waxay tabanayso bulshadu.
Hadaba yaanu qalinku ila taraarine waxaynu sugnaaba waa qaybteena 1aad ee maqaalkaygan taxanaha inoo noqon doona inshaa-Allaahu oo aynu ku Daahfuri doono Deegaanka iyo siyaabaha loo horumariyo............La soco…..
Allaah mahadleh......Nabigaa sharafleh (S.C.W)

Mohamed Saed Foodcadde
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.