Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Gabayga HAASAASE iyo Halaanbaynta Kala-guranta Nabadda iyo Colaadaha – W/T. Sakariye-Awaare

Gabaygan oo sida muuqata ku suntan, looguna wan-qalay, “Haasaase” wuxuu soo baxay hilaaddii 18/06/2009. Waxay ahayd ammin uu hal-abuurku ku muunaynayo muhiimmadda nabadda iyo halisaha dacallada

fidsan ee colaaduhu keensadaan. Si xeel-dheer oo cabqariyad iyo far-shaxannimaba leh ayuu gabaygu u suuraynayaa badbaadooyinka lama-maleeyaanka ah ee xasilloonida, taas beddelkeedana, u faydayaa hadimooyinka waaqsan-waaga curiya ee ay xurgufaha iyo masaa’ibka dagaalladu leeyihiin. Maaha Maanso-goboleed/waddameed midna, waa se Gabay si heer caalami ah u sawiraya godka uu ka ibo-furanayo iyo ka uu ku gorarayo labadaba. Waxaanu leeyahay:
Taariikhdu waa hir’e markaan, hore u sii raaco,
Hareeraha markaan fiiriyee, baadho hiyigayga,
Dhallinyarada hodankaa markaan, hoga-tusaaleeyo,
Hirdankiyo colaadaha ka dhacay, dunida heelkeeda,
Hubka culus hujuun iyo dagaal, ciidan is hor-jooga,
Awood buu Hitleer sheegtayoo, huriyay duullaan’e,
Lama arag halkii uu mariyo, isku-hallayntiiye,
Halqiguba afkaartiyo ra’yiga, ma wada haabaane,
Qaar baan higgaaduba la marin, hilinka toolmoone,
Marka hadalku meel adag galiyo, hirrigta oodaysan,
Ee hundaha loogu dego, xaajadii hilay-adayg keentta,
Ma hubsadaha, hiinrraaca iyo, ku wax hallaynaaya,
Minka hele, hograac iyo ninkii ,arar ku haaneedsha,
Hoggaankii la miidhaa midiba, hab u gorfeeyaaye,
Inta hayb-wadaagtiyo, kuwii hooyo wada keentay,
Haabiilyo qaabiil illaa, haatan iyo maanta,
Inkastoo hanfade jiidhayaa, yara hareer dhaafo,
Hawlaha dulqaad lagu galaan, cidi ku heermayne,
Hurin dani dhextaallaa, tashiga kama habaabaane,

Geed hadhaca weeyoo mar qudha, laga helaa jiif’e,
Waa hoy bulsheed iyo in badan, lama-huraankiiye,
Waa nolosha tiirkii hayiyo, guul aad hanataaye,
Waa hogob caleen iyo dhirloo, lagu hayaamaaye,

Nimaan hayni wuu garanayaa, heerka ay tahaye,
Marka lagu heshiiyaa hurdiyo, gama’ hagaagaaye,
Waxa lagu hirtaa meelihii, hilow ka muuqdaaye,
Haasaasahaa laga arkaa, horumar deegaan’e,
Halkan aynu joognaad ka garan, hab iyo muuqaal’e,
Ku hagoogta shay lama heliyo, hibo ka roon taas’e,
Habi laawe liitaa ka rida, jar iyo haadaan’e,
Hore looma tiigsado kolkay, furato heemaal’e,
Haadaaqsigeedaa wax badan, hebello eedaan’e,
Jid hallaasiyaa loo maraa, haansi nabadeed’e,
Hantaaqadana waa laga jiraa, holacyo naareed’e,
Waa loo huraa guunyadiyo, gacanba haynteed’e,
Ku hammiya waxaad haysataan, haqab-tirkeediiy’e!

Sakariye Saxardiid Axmed (Awaare)
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Hawraar © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.