Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Hargeysa: Haweenay Nafteedu Halis U Gashay Urur Ay Ku Sheegtay Inuu Hadhay

Hargeysa (Weedhsan) Dec 4,2012 - Nin tuma Biraha Baabuurta oo la yidhaahdo Siciid Muxumed Cali (ina Cirro weyne) ayaa Makhribkii Caawa Qoorta kaga jaray Saldhiga Dhexe ee Hargeysa agtiisa Gabadh Jaadlay.

Haweenaydan oo Magaceedu yahay Ardo Muumin taasoo ku ganacsanaysay meel dhawr talaabo u jirta Saldhigaasi,  ayaa dhaawaceeda lagu daweynayaa Cisbitaalka Hargeysa iyadoo sida ay Eheladeedu noo xaqiisay xaaladeedu aad u liidato, dhaawacyadda soo gaadhayna yihiin dhawr meelood oo Qoorta,  Gacmaha iyo Calooshu ay ka mid yihiin.

 

Ninka gabadhan Toorayda galiyay ayaa is geeyay Saldhiga Dhexe ka dib markii uu Meyd ahaan uga tegay isagoo Booliiska ka codsaday inay xidhaan maadaama uu falkaasi soo geystay.

 

Ilaa hada lama oga sababta rasmiga ah ee uu Ninkaasi u bireeyay Haweenaydaas oo ah Hooyo da’’ ah, balse sida ay Eheladeedu noo sheegeen wax jawaab ah kama hayaan dhacdadan oo goor dhaweyd uun ahayd.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkani ka cadhooday kalmad gabadhu afkeeda ka soo baxday la xidhiidha ururrada tartamaya oo ay sheegtay in mid uu ka cadhooday dhacay, taasi oo keentay in toorey uu qoorta kaga qabto isla-markaana uu gaadhsiiyo dhaawacyo aad u helis ah.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.