Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Beeneey waa Runtii oo weliba Marag leh: “Hoggaanka Wargeyska Hubaal Maaha Kuwo Qalin-daraaleeya ama Xaqiiqada daboola"

Isniintii dorraad ee bishu ahayd 3-da Diisamber, 2012-ka waxa Wargeyska Hubaal cadadkiisii 105 ku daacay War Cinwaankiisu ahaa ‘Salaadiinta  Somaliland oo  Farogelin Ku Samayn Doona Shaki ka dhashay

Codad uu  Xisbul-xaakimku Ku Shubtay Gobollada Qaar”, warkaas oo aanu sheegnay in ay ku kulmi doonaan xubno kamid ah Salaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo la filayo in ay kulankoodaa ku soo qaadi doonaan cabashooyinka ku shubashada ee kasoo yeedhaysa ururrada/Axsaabta ku tartamayay doorashooyinka goleyaasha deegaanka, isla markaana Xukuumadda Somaliland ee Madaxweynaha uu ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ugu baaqi doonaan in la tix geliyo Cabashooyinka ka soo yeedhaya Mucaaridka ee ah in lagu shubtay sanaaduuqdii codka ee gobollada dalka qaarkood, eedahaas oo haddii ay jiraan ah qaar aan la fudayd san karin oo dhabar jab ku ah Haykalka dawladnimo ee Qarankan Doorashadiisii shanaad ku iibgaynaya qaddiyaddiisa aqoonsi raadinka. Salaadiinta aanu xusnay waxa kamid ahaa Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suld. Maxamed Suld. Cabdiqaadir Suld. Cabdillaahi, iyo Suld. Cumar Suld. Maxamed   Faarax iyo weliba Salaadiin kale, kuwaas oo sida aanu ku sheegnay Salaasa-dii shalay yeeshay kulankoodii, isla markaana Komishanka doorashooyinka Qaranka u soo jeediyey in aan la iska dhergo-tirin cabashooyinka jira lana tixgeliyo  qaylo-dhaanta ururrada/xisbiyadda dalka qaarkood kaga dayrinayaan doorashada ka hor intaan lagu dhawaaqin natiijadda codbixintii doorashada ee Arbacada Maanta, Arbacadeedii dalka  ka dhacday ee ay ku soo baxayeen Saddexda Xisbi qaran ee dalku yeelanayo tobanka sanno ee soo socda, laguna reebayay afar urur siyaasadeed oo kamid ahaa Toddobadii tartanka galay. Haddaba, Salaadiin kale oo reer Somaliland ah oo iyagu isniintii toddobaadkan Hoteel Ambassador ku qabtay Shir aan ahayn ku wargeyska Hubaal xusay, isla markaana aragtidoodu u muuqatay mid  dhinac u janjeedha  ayaa fadeexad kula dul kufay Wargeyska Hubaal, Madax dhaqameedkan oo  nuxur ahaan hadalladooda  laga dhadhan sanayay inay diidan yihiin sababta Wargeysku u baahiyey in uu jiro shir salaadiintu yeelanayso waxa ay warbaahintii madasha ku sugnayd u sheegeen in Warka uu Hubaal qoray yahay mid been ah oo aanay waxba ka jirin,  iyagoo warbaahinta tusayay nuqul kamid ah cadadkii Wargeyska ee warku ku qornaa. Si gaar ah  haddaanu u soo qaadano Suldaan Axmed Daahir oo kamid ahaa Xubnihii madasha ku sugnaa isla markaana Kamaradaha isu dhigayay isaga oo kor u lulaya Wargeyska Hubaal,  waxa uu ku andacooday in Jariirada Hubaal Been abuur ka samaysay kulankodoa Hadda garo oo Akhriste Xaajigani kama mid ahayn Xubnaha uu Wargeysku xusay inay shirka qabanayaan, Mana uu soo hadal qaadin.  Sidaa darteed Maadaama oo salaadiintii aanu ku sheegnay Warkayagu ay yihiin kuwa shalay salaasadii ka hadlay arrinata cabashooyinka, Maxay  tahay lurta gaarka ah ee Xaaji Axmed Daahir kaga gubanayo xaqiiqada, Salaadiinta dalku way ka  badan yihiin intoodii koobnayd eek u kulmay Ambassador Hotel.  Waxa Xusid Mudan Akhriste in Subaxnimaddii hore inta aanay Shirka jaraa’di qaban Madax dhaqameedkani uu Suldaan Axmed-Daahir Telefoon uu isagoo Maqiiqan u  soo diray  Guddoomiyaha iyo  Tifaftiraha Wargeyska Hubaal, kuna dul kufay ereyo ka madhan Maamuuska uu huwan yahay iyo Xasaanadda ay leedahay Cumaamadda guudka loo saaray. Waxa la yidhi ‘Haddii lagu sheelo waa la is sheegaa, haddii lagu sheegana waa la is sheellaa, sidaa darteed Ma aha in xaqiiqada daah la saaro, iyo in Wargeysku ka aamuso qadafka Fagaarayaasha lagugu ceebaynayo. Marxaladdan oo kalena waxa aanu Xaq u leenahay in aanu Iska tirtirno Liiska Been-ma-sheegayaasha ee Xaaji/Suldaan Axmed nagu qoray. Sidaa awgeed Jawaabta aanu  doonaynaa waxa ay tahay in Saladiintu Cudur-daar iyo xaal-marin ka bixiyaan Ceebta intaa le’eg  ee ay Wargeyska Hubaal ula badheedheen,  bacdamaa Warkii aanu daabacnay rumoobay, salaadiintii aanu xusnayna shalay hadleen. Midna waanu xusuusinaynaa Axmed-Daahir iyo inta la jaalka ahba, Mas’uuliyiinta Hubaal iyo Qalinley-dooduba Maaha kuwo daboola xaqiiqada jirta, mana aha kuwo wax lagu shubto (Prepaid), hal-ku dhigooduna waa “Wallee Qalin-daraalaha, Dembi Qaranka laga galay, kama qariyo Wadhatada.Wallee Qoonta Mililka leh, Qaarka sare ma dhay-dhayo’.
Gebogabadii, Waxaa Weedha Wargeysku Akhristayaasheeda u  ballan qaadaysaa in markasta ay ugu soo hagaagaan Wargeyska Hubaal, Warar Hufan oo Xaqiiqada ku fadhiya, isla markaana aanay u dhutin doonin  jallaafadda uu kula dul ciiray Xaaji Axmed-Daahir oo runtii Maamuus iyo Milgoba naga mudan, Hase yeeshee  reer Hubaal  ay leeyihiin Beeneey waa runtii oo Weliba Markhaati leh.
Amaana Allah
Xasan Xuseen Keefkeef
Tifaftiraha Guud ee  Wargeyska Hubaal

Hargeysa, Somaliland
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.