Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Qaybintii Nafsadeed ee Soomaalida – W/Q. Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

Suugaantu waxa ay muujisaa heerka hodantinnimo ee dhaqanka iyo afka ummad walba. Waxa ay qayb weyn ka tahay isku xidhka sooyaalka iyo siiyaalka nololeed iyo taariikheed ee dadkaas. Mar kalena waa dareenka wanaagsan ee

dadka isu haya iyo wacyiga wadareed ee lagu qiimaysto wax badan oo garasho iyo dhaqan ah. Labada qof ee isku dadka ah waxa isu soo jiidaa dhiigga uun ma aha ee waa waaya’aragnimada iyo wacyiga wadajirka ah ee ay wadaagaan. Dareenkaa midaysan waxaa ugu weyn ee beeraa waa fanka iyo suugaanta oo ah ruuxda bulsho ku nooshahay.
Maqaalkii ciwaankiisu ahaa ”Daraawiishi yaa ay ahayd?” waxaa igu dhaliyay baraarug iyo barasho weyn oo aan dhowaanahan u yeeshay nafsiyadda bulshada soomaaliyeed iyo sida ay isu aragto, iyo sida ay fikirkeeda cusub taa ugu muujiso. Baadhis aan ku sameeyay silsiladdii caanbaxday ee Deelley oo aan buug ka qoray ayaa baraaruggaa igu ridday. Deelley oo ah silsiladda maanso ee ugu dheer, ugu dad badan, ugu ilbaxsan, ugu tacliin sarraysa idil ahaanba silsiladihii hiddaha soomaaliyeed soo maray, baadhistiisa afar wayddiinood baan ka abbaaray: 1) maxa silsiladdaa keenay? 2) maxaa la isku diiday? 3) sidee loo garnaqsaday? 4) sidee wax ku dambeeyeen? Dabadeed waxaan si wacan u gartay burburkii dhacay sababtiisa dhabta ah, waxaanan dhab u ogaaday heerka hooseeya ee fiirada qoomiyadeed ee soomaalida.
Daraasaddaa oo buuggeeda la yidhaahdo ”Gorfaynta Silsiladdii Deelley” dadka aan akhriyin aan halkan ugu sheego qisada Deelley sidii ay ahayd. 1979, oo ah sannadkii ay silsiladdaasi Xamar ka curatay, Jamhuuriyaddii tolalku ku midoobeen ee Soomaaliyeed waxa ay taagnayd meel xil leh. Waxaa si foolxun loogu soo jabay dagaalkii la la galay Xabashida. Dhaqaalaha dalka waxaa ku dhacay burbur weyn. Isla markaa Kacaankii Oktoobar, ee samaha laga fishay laakiin lagu hoogay, wuu toban jirsaday, waana la nacay. Isla markaa waxaa dhicisoobay afgembi la doonayay in Maxamed Siyaad Barre talada lagaga qaado. Kelitaliyuhu afgembigaa wuu qabyaaladeeyay oo reer soomaaliyeed buu miyi iyo magaalaba birta ka aslay. Waxaa abuurmay mucaarad hubaysan oo dhacdadaa ka dhashay. Waxaa soo noolaatay maanso qabyaaladeed oo tii geeljiraha ka sii liidata. Bulshada waxaa ka dhex kacay hugun dhiillo leh oo ah ”war horta yaa na haysta?”.
Halkaa marka ay marayso ayay niman erayga iyo aqoonta soomaalida ugu tugtug roonaa waxa ay istuseen in waxqabad loo baahan yahay si qarannimada loo badbaadiyo. Hayeeshee waxa ay isku raaci kari waayeen sida wax loo qabanayo. Qaarkood cudurka qaranka haya waxa ay u arkeen maamulxumo dawladeed oo ay qabyaalad iyo musuqmaasuq ugu darraayeen, sidaa darteed askarta dalka haysata taa waa in loo sheegaa. Qaar kale waxa ay hayb ahaan isu xijiyeen kelitaliye Maxamed Siyaad Barre oo ay dhaliil u diideen, taa beddelkeedana waxa ay dooneen in la weeraro shacbiga iyo mucaaradka oo ay eedda saareen. Dabadeed waa la isla keeni waayay.
Dooddii Deelley kooxda dhinaca mucaaradnimada ka taagani haddii ay soomaali oo dhan ahayd, dhinaca kale niman isku hayb ah baa caddaysatay Dawladdu in ay tahay toodii, tii tolkooda, sidaa darteed ay ciddii wax ka sheegta la dagaallamayaan. Kolka ay sidaa yeelayaan waxa ay dhabarka ku hayaan oo hiil aan ka la reebbanayn ka haystaan kelitaliyaha oo ay isagana u ahaatay. Kelitaliyaha waxa ay la noqotay kol haddii kacdoon bulsheed bilawday dantiisu in ay ku jirto in qabiilooyinka la ka la daadiyo. Maalintaas baa toban jaho loo ka la dareeray, dib dambena laba qof oo soomaaliyeed siyaasad isku ma ay afgaran, waayo nafsaddii la isku afgaran lahaa baa dhimatay. Halabuurkii iyo aqoonyahankii maalinta ay xun tahay loo irkan lahaa iyagana badankooda sidaas baa ku dhacday.
Dabadeed natiijadu waxa ay noqotay dawlad sheyddaan ku guuro oo dano gurracan lagu qunsado, iyo dadweyne sida kuul qubatay u ka la filqay. Waayaha siyaasadeed ee soomaalida maanta haystaa halkaas ayuu horta ka soo ifbaxay. Sidaas ayay haddaba horta ku timid kooxdan laga qayliyay ee aynnu maqaalkii hore kaga hadallay ee Maxamed Siyaad Barre Xamar ku masruufi jiray, ee falkin jirtay dhagaraha lagu dilayo nafsadda bulshada laguna ka la qaybinayo.
Dhaawicidda iyo qaybinta nafsadda waddaniyadeed ee bulshada gabyaagii mucaaradka qudhooda qaar baa wax ku lahaa, laakiin hagardaamada lagu fuliyo awood dawladeed la mid ma aha waxa uu qof madaxbannaani meelahaa ka yidhaahdo. Taas ayay ahayd halista weyn ee kooxdani.
Dawladnimadii la isu dhaarsaday sidii loo afduubay, nacabnimadii dadka lagu gumaaday, magaalooyinkii quruxda badnaa ee la dumiyay, iyo wixii hanti dadweyne la dhacay, waa xusuus wadareed oo isirka soomaaliyeed inta uu jiro meel baas kaga oolli doonta. Ha ahaatee dadkii waa kaa tarmay ee intii hore toban goor ka badan, daarihii burburay kuwo ka badan durba waa taa la taagay, hantidii luntayna mid ka badan waa taa la dhaqday. Laakiin burburka aan lagu wada baraarugsanayni waa kii loo geystay suugaanta iyo hiddaha.
Dad badan baan fiiro u lahayn sida xun ee loo jarjaray duntii xariirta ahayd ee ay sooheen waddaniyiintii ilbaxnimada cusub ee soomaalida horseeday (xagga tacliinta, fanka, maansada, saxaafadda, iyo fikirkaba). Waxqabadkii suubbanaa ee nimankaasi soomaalida cusub ku gardaadiyeen si ay ay dawladnimadu u noqoto hoy ummadeed oo la wada galo, waa la shiiqiyay wax silloon ayaana lagu dooriyay. Haddii maanta la arkay soomaali iswada gumaadday, ka la qaxday, oo ka la irdhowday, oo wax walba ka la sheeganaysa, sababtu waa burburintii nafsadeed ee muddada dheer la waday, taas oo in badan oo ka mid ah loo adeegsaday suugaan iyo hidde la afduubay.
Dal waliba waxa uu lee yahay dad xilkoodu yahay isu ilaalinta iyo isku adkaynta bulshada iyo wacyigelinteeda togan. Dadkaasi waa ay ka awood badan yiihiin siyaasiga, waayo siyaasigu waxa uu matalaa dano xilliyaysan, laakiin iyagu waa damiirka iyo danta wadareed ee waartada ah. Haddaba kooxdii qabyaaladeed ee Maxamed Siyaad Barre maalgashaday taa beddelkeeda waxa ay maleegtay tabo qarankii lagu doorinayo qabiil, oo wax allaale wixii dan ummadeed ahaa dan qolo loo rogayo. Halkaas ayay ka timid in hiddihii, suugaantii iyo taariikhdii la qaybiyo oo qolooyin lagu ammaano qolooyin kalena lagu maago. Suugaanta heerka qaran halkii ay ahaan lahayd agab lagu kobciyo dareenka wanaagsan iyo midnimada, waxaa laga dhigay wax lagu ka la didiyo oo la isku nacsiiyo. Sidaas ayay ku timid in xertii daraawiisheed la reereeyo, oo dhacdooyinkeedii loo qaybiyo xumaan tol ku jeedda iyo faanin tol kale u jeedda.
Maansadii badnayd ee xafiiltanka hiddaha ayaa ka mid ah qaraxyada ay kooxdani reeraha dawladoobay ku dhex tuurtay. Suugaan aad u badan oo caynkaas ah oo la ujeeddeeyay, oo tebinteeda cidaha loogu ka la hiiliyay, ayaa la duubay oo dadka dhegaha lagaga afuufay. Ama waa la qoray oo taariikh ummadeed baa lagu sheegay. Amaba iyada oo maldahan baa warbaahinta lagaga xareediyay. Dabadeed wixii lagu dhisi lahaa baa lagu dumiyay.
Musiibada kale ee dhacday waa kooxda hawlahan fulisay oo la waayay cid joojisa, taasna waxa ay lahayd duruufo saddex ah. Waa mide, kolka ay kooxdani sidaa yeelayso bulshada weli waxaa ka buuxday niyadsamidii lagu dawladoobay, sidaa darteed cidiba burka bahal ka ma filan. Midda labaad, kooxda sidan fashay dadkii u dhigmay ee waxaa diiddanaa waa ay isu quudhi waayeen reer ammaanka iyo reer cayga liita ee ay kooxdani caadaysatay. Midda saddexaadna, awooddii Qaranka Soomaaliyeed oo dhan baa kooxdan loo midiidimay, erayga aan kooda ahaynna waa la godobeeyay, oo halabuurkii kale waxaa laga dhigay mid god lagu riday, mid xabbad madaxa lagaga hayo, mid halgan hubaysan u kacay, iyo mid naftiisa debedda u la firxaday.
Haddaba xeeladihii qabyaaladeed ee ay kooxdani aadka uga shaqaysay si bulshada loo ka la faquuqo, waxaa ka mid ah in tolalka qaar lagu sheego dad gaalada jecel oo gumaysi la shaqaysta. Suurtagal ma aha waxaa in ay dhab u rumaysan yihiin, waa se marmarsiinyo ay doonayaan in ay cid ku takooraan oo ku aflagaaddeeyaan cid kalena ku wanaajiyaan. Iyaga oo aan garasho ahaan iyo aqoon ahaan waxaa rumaysnaan karin ayay haddana cawo iyo dharaar ka shaqaynayeen.
Ilbaxnimadii Yurub waxa ay ahayd daafad xoog leh oo dunida oo dhan jiidhay. Imaatinkeedii dhulka soomaaliduna muddo ayuu ku socday sahamin, barasho iyo ganacsi. In badan oo ah bulshadii xeebaha ku dhaqnayd dhacdadani dhadhan badan ayay u lahayd. Midi waa dhiillo uu imaatinka shisheeyuhu dadka geliyay, taas oo lagaga falcelyay dagaallo, dilal iyo dhac. Ta labaadna waa dan dhaqaale iyo ilbaxnimo cusub oo soo korodhay. Xaqiiqo kalena waa Yurub oo berigaa noqotay awood aan loo babac dhigi karin, oo qabsatay bulshooyin soomaalida aad uga xoog weynaa kana tiro badnaa. Tu kalena waa tartan Yurub dhexdeeda ah oo dunida lagu boobayay.
Waa aynnu og nahay tirada ciidan iyo ta hub, iyo awooddii dhaqaale iyo aqooneed ee Yurub maalintaa dhaqaajisay. Taa waxaa looga qiyaas qaadan karaa malyuumaadkii askari ee ay ku dagaallameen Dagaalweynihii Kowaad. Isla jeerkaa waa la qiyaasi karaa bulshada soomaalida oo dhan berigaa tiradeeda iyo tabarteedu inta ay ahayd.
Dabadeed waxaa la iswayddiin karaa, heshiiska Ingiriisku tolalka soomaalida la galay, ee nuxurkiisu ahaa in uu xeebahaa ku danaysanayo, isla markaa Yurubta kale ee soo qamaamaysa ka difaacayo, soomaalida ma dan buu u ahaa mise dandarro? Haddii la eego sidii loo ka la daadsanaa, ee reero loogu qaybsanaa, iyo sidii maamul dawladeed looga fogaa, heshiiskaasi ma waxtar buu lahaa mise waxyeello? Waxyaalahaas oo dhan in si xilkasnimo leh loo qiimeeyo waxaa innaga gabbaanaday baaqyadii waddaniyadda lagu hirgelinayay oo caaddifaddeenna aad u fogeeyay, oo wax walba innoogu ka la dhambalay xumo iyo samo, gaal iyo muslin, madow iyo caddaan, nacab iyo nasteex... Runtu se waxa ay tahay, xilli walba waxaa jira dano iyo duruufo la xeeriyo oo aan gaalo-jacayl iyo gaalo-nacayb waxba ka gelin.
Dadka kooxdan ka tirsan ee heshiisyadaa gaalo-jacaylka ku sheegaa, run ahaantii reeraha soomaalida ee heshiisyadaa galay oo dhan ma eedeeyaan ee cid keliya ayuu sheyddaanku tusay. Waa mid ka mid ah tabahoodii dirsooca. Taa waxaa dheer, nimanka heshiisyadaa ceebeeyaa badanaa waa kuwo ka dhashay reero berigaa xeebaha ka durugsanaa oo aan heshiisyadaa looga baahnayn. Laakiin reerahaasi in aanay heshiisyo caynkaas ah gelin ku ma eedaysna ku mana ammaanna, maqnaantooduna diricnimo iyo dabbaalnimo midna ma ahayn. Kolkii se reer Yurubku dalka gudaha u wada galeen, cidaha oo dhami xukunkaas ayay wada hoos joogeen oo ka shaqaysanayeen waxna ka baranayeen. Geeljiruhu haddii uu ninka cad ”uf” odhan jiray, arrinku waxa uu noqday ”caano geel dhame, adaa soo dhici”.
Maxamuud Axmed Jaamac ”Jengeli” oo qoraalkaygii hore kaga jawaabay qabyaalad iyo qabiil weerar, sida muuqata waxa uu ka soo qalinjebiyay dugsigii kooxda. Waxa uu ku hadlay oo dhami waa wada necbaysi, gooniyayn, aflagaaddayn iyo masabbid tol ku jeeda. Isaga oo doonayay in uu kooxda eedda ka difaaco ayuu ku raray, waayo inta xumaato iyo khuraafaad ah ee uu yidhi waa isla intii ay nimankaasi weligoodba ka shaqayn jireen. Tabtii gabowday ee la yaqaannay ayaa qabiil dhan hayb ahaan xukun lagu wada ridayaa. Heerkaasi ma aha aniga kaygii, waan se hubaa oo dad badan baa waxaa madaxa looga soo buuxiyay.
Maxamuud qudhiisa ayaa qiray qaar ka mid ah reerihii Ingiriiska heshiiska la galay in ay haddana colaadinta Ingiriis ugu darraayeen. Taasi haddaba isaga iyo kooxdiisa xadgudubka badan maxay u tusi wayday in aanu jirin tol abuur u leh gaalo-jacayl, ee goor walba waayaha iyo dantu dadka ku hagaan talada iyo tallaabada habboon?
Daraawiish wax ay ahayd iyo cid ay ahaydba, haddii ay dooddu tahay Ina Cabdalle Xasan dal iyo diin buu gaalo ka difaacayay, waa in dhab looga jawaabaa wayddiimo badan oo meesha imanaya. Weli ma la arkay cid darwiishnimo diin ka soo baratay oo sheekhnimadii Maxamed Cabdalle Xasan ka soo aflaxday? Ninkaasi diinta miyuu badbaadiyay mise wuu bi’iyay? Imisa wax oo diinta iyo dhaqanka ku xun oo aan isaga hortii wadaad iska daaye qof kale isu quudhin buu ku kacay? Imisa kun oo soomaaliyeed oo aan dembi lahayn buu nafta ka jaray? Imisa cidood oo nabad ku hoyday buu mooraduugay? Imisa ilmood oo cayddi ah baa inta kor loo tuuray waran loo dhigay? Imisa marwo ayuu si damiirku ka yaxyaxo u jaa’ifeeyay? Imisa qof iyo imisa qabiil buu afxumo aan mid la mid ah hore loo maqal ku yidhi? Arrinka sidaa u fooshaxun baa lagu dedadayaa hadal madhan oo ah diin iyo dal baa la difaacayay.
Maxamuud Jengeli isaga oo macallin Axmed-Idaajaa faaninaya waxa uu ka soo wariyay hadalkan yaabka badan:
”Sayid Maxamed wuxuu ahaa madaxdii dalkeenna ka soo baxday kii ugu horreeyey oo gartay inuu tol-sheegadku yahay sababta uu gumeysigu ugu soo dhiirraday goor barqo ah inuu Berbera ka soo dego, kuma guuleysto isagoon qori lagu tuurin, inuu shiddo yaraan dalka, dadka iyo diintaba ku weeraro. Runtaas iyada ah ayaa horseedday inuu abuuro bulsho uu tol-sheegadku ka xaaraan yahay oo Daraawiish lagu magacaabo, markii la rabana Dariiqo lagu naanayso. Dadku wuxuu ahaa Daraawiish, Gaalo iyo Gaalo-raac labadaa qolo ee dambena uma kala soocnayn.”
Bal eega hadalkaa yar oo keli ahi sida uu runta iyo garashada hagaagsan labadaba uga leexsan yahay! Ma Ina Cabdalle Xasan baa tol-sheegadku ka xaaraansanaa?! Oo muxuu haddaa qaban jiray ama ka gabyi jiray aan ahayn tol-sheegad iyo tol-caayid iyo tol-weerar iyo tol-dhicid? Ta kale, umaddii soomaaliyeed ee Geeska Afrika ku dhaqnayd xerta daraawiisheed mooyee intii kale oo dhan in gaalo iyo gaalo-raac lagu sheego, dabadeed dhiiggeeda iyo dhaqaalaheeda la banneeyaa, ma waalli iyo jariimad ka weyn baa jirta? Amakaagga ay taasi innagu ridayso waxa qudha ee aynnu iskaga dabiibi karraa waa in aynnu xusuusanno maantaba in ay jirto koox soomaaliyeed oo la yidhaahdo takfiiriyiin, taas oo muslinka kale oo dhan gaalo u haysata. Laakiin nimanka waxan qoraya toodu caqiido diineed ma aha ee waa caqiido qabyaaladeed.
Fikirka sidaas ah mid ka gurracani ma jiro. Reeraha soomaaliyeed ee mashriq iyo maqrib geelashooda ku raacanayay maxaa ka galay Ina Cabdalle Xasan iyo dariiqadiisa Xijsaas laga soo waariday? Maanta umadda soomaaliyeed ee iska celinaysa xagjirka al-Shabaab ma gaalaa? Dagaalkan in loo kaashaday Xabashi, Sawaaxili, Yugaandhiis, Burundi iyo jin iyo jaan, ma gaalo-raacnimaa? Haddii uu nin geeliisa iyo naftiisa ilaashanayay iska celinta Ina Cabdalle Xasan ku eedoobay, maxaa tan maantana loogu eedoobi waayay? Dabcan al-Shabaab waxaa la gashan kari waayay ujeeddo qabiil oo jacaylkooda loogu marmarsoodo. Malaha al-Shabaab waxa ay u baahan yihiin amiir kooxdan la hayb ah si ay u noqdaan wax ”dalka iyo diinta lagu difaacayo”.
Gunaanad ahaan, badankeennu waxa aynnu soo gaadhnay dad soomaaliyeed oo degaan wal iyo tol walba lahaa, kuwaas oo si isku mid ah uga sheekayn jiray hoog iyo ayaandarro ay daraawiishi reerahooda badday. Xusuustaa midaysani waa mid laga wada hayo geyiga intii daraawiishi gaadhay. Kooxdani taa maanta ma beeniso ee keliya waa ay xalaalaysaa. Waxaa se hubaal ah sida ay wax u waddo haddii aan laga joojin in la gaadhi doono maalin ay taana ku dhiirradaan. Runtiina daraawiishi tol ma ahayn, dadkii la dirirayna tol kale ma ahayn. Waxaa se sidaa looga dhigay in lagu qaybiyo nafsadda iyo dareenka bulshada soomaalida, iyada oo weliba la moodayo in tol wax loo kordhinayo tol kalena wax loogu dhimayo. Haddaba soomaalidu siyaasad ahaan ha ka la maqnaato ama ha midowdee, horta waa in la ururiyaa nafsadda iyo dareenka ummadnimo ee sidaa loo ka la qubay.
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.