Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Dabaq loo dhisayo Wasaaradda Caddaaladda “Horaannu u ballanqaadnay inaannu Caddaaladda wax ka qabanno, tanina..” Siilaanyo

Hargeysa (Weedhsan) Dec 5,2012 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhagax dhigay dhisme laba dabaq ah oo ay dhisanayso Wasaaradda Caddaaladdu.

Madaxwayne Siilaanyo, ayaa Xarunta Wasaaradda Caddaalada ku tagay lug isla-markaana halkaasi ka jeediyay hadal kooban oo ku taxaluqay Muhiimadda dhismahani u leeyahay hawlaha Caddaalada oo uu sheegay inuu hore u balan-qaaday inay hagaajinteeda wax badan ka qabban doonaan.

Madaxwayne Siilaanyo waxa uu u Mahad-celiyay hay’adda bixinaysa Kharashka dhismahan oo ah hay’adda UNODC iyo dawladda Ingiriiska, waxaanu yidhi “Farxad weyn ayay ii tahay inaan ka soo qeyb galo xafladan dhagax-dhiga dhismaha cusub ee wasaaradda cadaalladda Somaliland. Waxaan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa, uguna bogaadinayaa dawladda ingiriiska iyo Ha’yadda UNODC ee nagala qeyb galay mashruucan dhismaha ee qiimaha iyo qaayaha leh,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay ahmiyadda cadaaladdu u leedahay dawladnimadda, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Cadaalladda meesha loogu shaqaynayo, dhismaheeda iyo maamulkeeduba waa waxyaabaha ugu waaweyn ee dalka iyo ummadduba u baahan tahay in wax laga qabto, hore ayaanu u balan qaadnay in hawshaasi cadaaladda wixii aanu ka tari karno ka tarino. Maantana tani waxay ka mid tahay tallaabooyinka ugu horeeyay ee dawladdu qaado ee wax ka qabashadda cadaaladda.”

“Farxad weyn ayay ii tahay inaan daartan dhagax dhigo, inshaalaahu wuxuu noqon doonaa mid ummadda iyo qaranku ku guulaysto, intii ka qeyb gashay oo dhanna waan u mahad celinayaa,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.