Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

PUNTLAND oo ka hadashay Dagaal Ciidamadoodu la galeen Al-Shabaab “Puntland waxa dagaalka kaga dhintay 10 askari”

Boosaaso (Weedhsan) December 5,2012 – Maamul Goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyey in 10 askari lagaga dilay dagaal ciidamadoodu la galeen Al-Shabaab.

Ciidamadda Puntland oo xalay saqdii dhexe dagaal qadhaadh aaga Suqure ee duleedka Magaaladda Boosaaso kula galay dagaalyahano Al-shabaab ah, ayaa waxa ka dhintay 10 askari, halka ay Al-shabaab ah ka dileen 7, sida uu xaqiijiyey Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo maanta Warbaahinta la hadlay.

 

Wasiirka ammaanka Puntland Khaliif Ciise Mudan oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa xaqijiyay in xoogagga Al-shabaab ay xalay saqdii dhexe soo weerareen ciidamada Puntland ee ku sugan aagga Sugurre, isagoo sheegay inuu soo gaadhay khasaare xooggan, iyaguna ay khasaare u geysteen xoogaggii Al-shabaab “Dhanka Puntland waxa dagaalka uga dhintay 10-askari, dhinaca Al-shabaabna waxaan kaga dilnay toddoba dagaalyahan oo afar ka mid ah maydadkooda aan gacanta ku hayno”ayuu yidhi Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan.

Cisbitaalka Magaaladda Boosaaso ayaa waxa Warbaahinta lagu tusay maydadka saddex qof oo Wasiirka aminga Puntland ku sheegay inay yihiin Al-shabaab, inkasta oo aan wararka Madaxa-banan ee halkaasi laga helayaa aanay ilaa hadda cadaynin tiradda dadka dagaalkaasi ku dhintay.

 

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.