Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Muqdisho: Ciidamada AMISOM oo la sheegay inay sumeeyeen Dumar Soomaali ah

Muqdisho, December 5, 2012, (Weedhsan) – Ciidanka AMISOM ee nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya, ayaa lagu eedeeyey inay sumeeyeen haween Soomaaliyeed oo meherado

ku haystay gudaha xarunta ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Sida lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka Soomaalida, lix dumar ah oo meherado ku lahaa xarunta AMISOM ee Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa la arkay iyaga oo si miyir la’aan ah u yaalla albaabka xaruntaas, kuwaas oo la sheegay inay sumeeyeen askar ka tirsan ciidanka AMISOM.
Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah uga hadashay haweenka la sheegay in la sumeeyey, bal se sida warbaahinta Xamar lagu baahiyey, waxa la tuhunsan yahay in dumarkaas sun la siiyey, isla markaana fara-xumayn lagula kacay, inkasta oo aan illaa hadda si cad loo xaqiijin.
Ma aha markii u horraysay ee ciidanka AMISOM dhibaato u geystaan dumarka meheradaha ku leh xarunta ay ka deggan yihiin magaalada Muqdisho, waxana sida la sheegay ay bishii la soo dhaafay toogteen gabadh meherad ganacsi haysatay oo lacag dayn ah ku lahayd qaar ka mid ah askarta AMISOM.
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.