Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Somaliland: Wakaaladda Wararka Ee IRIN Oo War-bixin Ka Qortay Korodhka Tahriibka Dhalinyaradda

Hargeysa (Weedhsan) Dec 5,2012 – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dhalinyaradda dalka ka tahriibaysaa aad u korodhay sanadkan 2012-ka.

 

Agaasimaha waaxda dhalinyaradda ee Wasaaradda ciyaaraha Somaliland Mr Cumar oo u waramay Wakaaladda wararka Qaramadda Midoobay ee IRIN, ayaa sheegay in saddexdii bilood ee u dambeeyay sanadkii 2011-kii ay dalka ka tahriibeen dhalinyaro uu ku qiyaasay 150, balse saddexdii bilood ee u dambeeyay sanadkan 2012-ka ay aad ugu kordheen oo dhalinyaro tiradoodu u dhaxaysay 300 ilaa 350 ay dalka ka baxeen.

 

Agaasimaha waaxba dhalinyaradda ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Mr Cumar, waxa uu sheegay in aanay haynin tiro sugan, balse ay marka qiyaaseen ay dadka tahriibay intaasi yihiin “Ma jirto xog rasmi ah, laakiin markaad qiyaasto saddexdii bilood ee u dambeeyay 2011-ka 150 kaliya oo dhalinyaro ah (ayaa tahriibtay) marka aad barbar dhigto saddexdii bilood ee u dambeeyay sanadkan 2012-ka oo ay (tahriibeen) 300 ilaa 350 qof”ayuu yidhi agaasimaha waaxda dhalinyaradda ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyaradda Somaliland.

 

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan laanta socdaalka ee Wajaale ayaa isaguna Wakaaladda u sheegay in bilihii January iyo November ee sanadkii 2011-kii ay Somaliland dib ugu soo noqdeen dhalinyaro uu ku sheegay ilaa 150, ka dib markii buu yidhi maamulayaasha Itoobiya ay ku qabteen xuduudka Itoobiya iyo Suudaan, ka dibna ay dib u soo celiyeen, halka tiro ilaa 200 ahna dib loo soo celiyay 11-kii bilood ee sanadkan.

 

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.