QORAALLADA IBRAAHIN HAWD

Raadi

FOLLOW US ON FACEBOOK

JIIFTO: Allow Xasillooni Waarta! – Waxa tirisay: Khadra Maxamed Cali

dadka doorashada ka qayb galaya sida xisbiyada, komishanka, dadwaynaha i.w.m. Waxayna ku bilawday:
Xisbiyada tartamayee
Kol xafiiltamaayoow
Waa in lays xaq dhawraa;
Dan la xeeriyaayoo
Xushmad laysi siiyaa
Xalaashana la miirtaa
Dibna loo xasuustaa
Xaajadii adkaydiyo
Xarbigii la soo maray
Ciiddayda xalaniyo
Xooggii dalkaygoow
Niman aan xishoonnoo
Xisti lagu abuuroo
Xumaheenna jecelbaa
Xayd xaydanayee
Kuwa wada xasaraddaa
Iyo xaaladaha jaan
Xarumaha bilayskiyo
Xabsiyada la beegsada
Xulufada iblayskiyo
Kuwa xaasidiintaa ah
Xakameeya waligiin
Xukun loo hiloobiyo
Xasillooni waddan jira
Xogta waa la dhuuxaa
Xasuusnaada weedhaa
Xubnihii la doortee
Dadku soo xusheenow
Xallintaa khilaafkiyo
Ku guulaysta xaajada
Alle haydin xafidee
Dharaartaad xadayseen
Markaan xaadir loo koco
Qofka xeeladeeyee
Xayn daabka dhaafoow
Xaaraan cun baad tahay
Gudidii la xulayeey
Xaasha’e gob baad tahay
Xubnihii la doortoow
Xil baa dhabarka saarteen
Xaajada dhexdeenna ah
Xaq inaad u soortaan
Waa xeer inoo yaal

Hawraar © Weedhsan Corporation

WEEDHSAN MAGAZINE - Download Free

Weedhsan Issue 5

Weedhsan Magazine Issue 2

Who's Online

We have 68 guests and no members online

Find us on Youtube
Find us on Facebook
Follow Us