Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Dhaawaca dad badan oo ay ku jiraan Dumar Dahabka Iibiya

Muqdisho, December 6, 2012, (Weedhsan) – Qarax bambaano oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 13 qof oo u badan haween ayaa ka dhacay goor-dhow qaybta dahabka

lagu iibiyo ee suuqa Bakaaraha, iyada oo ay ciidamada dowladdu markiiba halkaas hawlgal ka bilaabeen.
Sarkaal u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin cid dhimasho ay kasoo gaartay qaraxa, ayna gacanta ku dhigeen kooxo ay uga shakisan yihiin inay ka dambeeyeen weerarka bambaano ee suuqa ka dhacay.
“Qarax ayaa dhacay, markiiba waxaan dibadda uga soo baxay dukaankeyga, waxay indhahaygu qabteen dhaawac dad badan oo ay haween ku jireen, ma garan karno sida ay wax u dhaceen, balse waxaa dhacay qarax xooggan,” ayuu yidhi ganacsade dukaan ku leh dahablaha Bakaaraha.
Goobjoogayaal kale ayaa sheegay in weerarka lala beegsanayay askar ku sugnaa suuqa, balse ay dad shacab ah waxyeello ka soo gaadhay, iyada oo ay tani noqonayso markii ugu horreysay ee weerar khasaarahan oo kale geysta uu ka dhaco suuqa tan iyo markii la doortay madaxda cusub ee dalka.
“Ciidamadu baadhitaanno ayay wadaan, xaaladduna waa deggen tahay,” ayuu yidhi sarkaal booliiska Soomaaliya ka tirsan oo ku sugan suuqa, isaga oo sheegay inaanay jirin cid ay hadda ku eedeynayaan inay qaraxaas ka dambeysay, bal se ay baadhitaan wadaan.
Dawladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay hanato ammaanka guud ee Muqdisho iyada oo habeen hore ay ahayd markii hoobiyeyaal lagu weeraray degmooyin ku dhow madaxtooyada, weerarradaas oo sababay dhaawaca illaa shan qof oo rayid ah.
Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan, iyada oo suuqa Bakaaruhu uu yahay midka ugu weyn ee Koonfurta Soomaaliya, waxaanu weerarkani ku soo beegmayaa iyada oo la qaaday isbaarooyinkii yaallay waddooyinka Muqdisho.
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.