Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Hambalyo: Dhalinyarada Rumaysay Riyadii Da’yarta – W/Q. Faysal Cumar Madar (Qumuj)

Waxa sharaf ii ah aniga iyo qayrkayba in dhallin ka  caafimaad qabta xagga dammiirka iyo dadnimadaba in ay doortaan shacbigoodu oo ay maanta ku fadhiyaan codka bulshadooda. Waxay tani rumaysay riyadaydii iyo rajadii dhalinyarada.

Waayo waxa biyo kama dhibcaana in ay dhalinta Somaliland quus ku dhawaadeen markii ay ku khasaareen isbadaldii dhacay dalka oo dhan marka laga eego dhinacyada dhaqan dhaqaale,
Taasina waxay sobobtay in dhalinyaradu isku qanciyaan in ayna waxba badali Karin taasina sobobtay umad dhan oo jiilkeedii bari uu niyad jabsan yahay oo aanu wax qorsha ah lahayn taasina waa ta dhaxal siisa umadaha caalamka burburka iyo kacdoomada hada ka tagan wadamo badan oo dunida ka mida
Waxaan marlabaad farxad ii ah in musharixintii dalka ka tartamayay ay 70% dhalinyaro ahaayeen oo waliba aan ku rajo weynahay in 40% ay ku guulaysteen. Waxaan iyaguna aan guusha ka maqnayn dhalintii istijaabisay ee aanay manta malintoodii noqon.
Hadaba waxaan kula dardaarmayaa in ayka midho dhaliyaan waxyaabihii u muuqday markii ay dawadayaasha ka ahaayeen talada dalka ee ay guud ahaanba ka maqnaayeen kudarsoo xaladihii bulshada ku wareegsanaa waa halkoodii waliba ha u mudnaadeen kuwa dhalinta iyo caruurta gaarka u ahaaye.
Waxaan qormadaydan hambalyada ah ku afmeerayaa heestii odhan jirtay:
    Alla doorigii, Lagu iishayee, Adhax lagaga jabo,
    Ama waxaydun noqon, Dhalinyaro sanoo,
    Ifka aayo iyo, Intifaac ka taga

Faysal Cumar Madar (Qumuj)
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.  
Hargiesa Somaliland
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.