Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

NINKA YIDHI I DOORTOOW! Maanso si Xeel fog uga hadlaysa guud ahaan Doorashooyinka! – W/T. Maxamed Aadan Muxumed

Maansadani waxay bah-wadaag xagga siyaasadda ah la tahay maansada kale ee Dawladnimo Ma Mood baa? Waxay soo baxday oo ay ku soo baxday wargeyska Haatuf, Hargeisa 1/1/2009; Waxa kale oo Maansadani ka qayb gashay

tartan suugaameedkii 2009 ka Dhacay jaamacadda Hargeisa waxaanay ku guulaysatay kaalinta 3aad; Waxa ay tixdani la hadlaysaa dadka oo ay leedahay (wixii hore idiin soo maray, mar labaad ha moogaanina. Ama “muuminka god qudha laba goor laguma wada qaniino”)
“Dadyow garaasho laga maray,
Daluuntii abeeskee,
Kolal aad ku daganteen,
Mayska doorinaysaan”

Waxa kale oo ay ka hadlaysaa taariikhda dawladahii soo maray geyiga iyo sida ay ku yimaadeen ilaa dawladii ugu horaysay ee dhalatay 1960kii, 26kii June:
“Dawladii bukootee,
Dadka ugu horaysiyo,
Ilaa doorashadan taal,
Mid dumaala mooye,
Miday doorratoo haga,
Dadkan laga horjoogee,
Misne lagu danaystee,
Danahooda laga jiro”

Maansadu inteeda badan waxay la hadlaysaa siyaasiga u diyaarka ah in la doorto waxay leedahay:
“Ninka yidhi I doortow,
Danbaa meesha taalee
Ma daryeeli karaysa
Dakharbaygu yaale,
Ma dawayn karaysa”

Waxay mar labaad isla siyaasiga waydiinaysaa adiga ‘siyaasi ahaan’ iyo dadkan aad doonayso in aad hogaamiso waa maxay xidhiidhka idinka dhexeeyaa?
“Ninka yidhi I doortow,
Waxa jira dad diirkiyo
Dunta nala wadaagoo,
Naga doorsan dhaqankee,
Dadkan maxaad wadaagtaan,
Ma dirkaad wadaagtaan,
Ma diirkaad wadaagtaan,
Ma danbaad wadaagtaan,
Ma diintaad wadaagtaan,
Ma dalkaad wadaagtaan,
Danyar weeye baahane,
Damqashadu ha joogtee,
Ma dareemi karaysa”

Jiiftadani waxay la hadlaysaa Qaranka, bulashada iyo xoolaheeda, iyo si gaar ah dhalinyarta u dareerta doorashooyinka ee soo doorta musharaxiinta u taagan doorashada waxay leedahay:              
“Qaranyohow dad li’idaa,
Adigiyo dadnimadaa,
Ninkaad dooranaysaa,
Isaguna ku doorshee,
Duug hadhkaaga yeelkii,”  

“Bulshayahay dawaradaa,
Ninkaad dooranaysaa,
Dalawadaada maaloo,
Caanaha ka duugee,
Adigiyo dan yaridaa”
“Da’ yar yahay tahriibtaa,
Adigiyo dan-garadkaa,
Ninkaad dooranaysaa,
Adigana ku dayrshee,
Adigiyo dadnimadaa”

Dawladii xiliga talinaysay ee uu madax weynaha ka ahaa mudane Dahir Riyale Kaahin waxay tiraba dhawr jeer dib u dhigtay doorashooyinkii dalka ka dhici lahaa, sida tii dawladaha hoose oon ilaa maanta qabsoomin, mudo 10 sano ahna golayaasha deegaanku waxay ku fadhiyaan korodhsiimo aan doorasho lahayn. Iyada oo taasi jirto waxa kale oo dadka damqayay wax qabad la’aan, lunsi umadeed, iyo caga juglayn xad-dhaaf ah. Waxa sawirkaas oo kooban oo abaar quman le inoo sawiraya tuducan ka tirsan maansada:
“Ninka yidhi I doortee,
Daglayda iyo dabatada,
Cunay duunyadeedee,
Dirir noola joogow,
Kugu dooran maynee,
Cirka sare badh soo dumi,”
Maansadii dhamays tiranina waa tan:
1.    Dayrtii timaadaba,
2.    Dadku waa dadkiisii,
3.    Dana waa halkeedii,
4.    Dacar iyo xildooniyo,
5.    Dakharaa is doorshoo,
6.    Doobigooda laastoo,
7.    Isku dira dan-kalidooda,
8.    Dadku hayb ku raacaa.

9.    Dawladii  bukootee,
10.    Dadka ugu horaysiyo,
11.    Ilaa doorashadan taal,
12.    Mid dumaala mooye,
13.    Miday doorratoo haga,
14.    Dadkan laga horjoogee,
15.    Misne lagu danaystee,
16.    Danahooda laga jiro.

17.    Marka ay doorashada tahay,
18.    Adaa reer dixoodiyo,
19.    Reer doodi loo tubo,
20.    Si dantooda loo tiro,
21.    Adna duunyo iga hoo,
22.    Dadka doolar gaadhsii,
23.    Reer hebelna doondoon,
24.    Ilayn waa dadkeenee,

25.    Dadyow garaasho laga maray,
26.    Daluuntii abeeskee,
27.    Kollal aad ku daganteen,
28.    Mayska doorinaysaan?
29.    Daanyeer xil qaada,
30.    Dadku ay ka sheegeen,
31.    Mar I dage allaha daggo,
32.    Dal jiraanu leenahay,
33.    Duunyana waanu dhaqanaa,
34.    Danyarna waanu wada nahay,
 
35.    Ninka yidhi I doortow,
36.    Danbaa meesha taalee,
37.    Ma daryeeli karaysa?
38.    Dakharbaygu yaale,
39.    Ma dawayn karaysa?

40.    Qaranyohow dad li’idaa,
41.    Adigiyo dadnimadaa,
42.    Ninkaad dooranaysaa,
43.    Isaguna ku doorshee,
44.    Duug hadhkaaga yeelkii,

45.    Bulshayahay dawaradaa,
46.    Ninkaad dooranaysaa,
47.    Dalawadaada maaloo,
48.    Caanaha ka duugee,
49.    Adigiyo dan yaridaa.

50.    Da’ yar yahay tahriibtaa,
51.    Adigiyo dan-garadkaa,
52.    Ninkaad dooranaysaa,
53.    Adigana ku dayrshee,
54.    Adigiyo dadnimadaa.

55.    Ninka damal hadoodilan,
56.    Darmidiisa jecelow,
57.    Ama laba daryaalaha,
58.    Dudadiisa haybshow,
59.    Dadkan milicdu dubatiyo,
60.    Gabadanada dayrtiyo,
61.    Gaajadu isku doorshaan,
62.    Ma dareemi karraysaa?

63.    Ninka yidhi I doortow,
64.    Dagalkaan ku noolahay,
65.    Dabaa lagu shidaayoo,
66.    Digadaa hulaaqdoo,
67.    Dogobaa ka qiiqee,
68.    Mayga damin karaysa?

69.    Ninka yidhi I doortow,
70.    Ma taqaan dal iyo duud,
71.    Dadka jooga maantuna,
72.    Dir inay wadaagaan,
73.    Duna ay ka simanyiin?

74.    Nin qabiilo doojoow,
75.    Darxumada adaa dhigaya,
76.    Danbarkana adaa dhami.

77.    Ninka yidhi I doortow,
78.    Waxa jira dad diirkiyo.
79.    Dunta nala wadaagoo,
80.    Naga doorsan dhaqankee,
81.    Dadkan maxaad wadaagtaan?
82.    Ma diirkaad wadaagtaan?
83.    Ma dirkaad wadaagtaan?
84.    Ma danbaad wadaagtaan?
85.    Ma diintaad wadaagtaan?
86.    Ma dalkaad wadaagtaan?

87.    Danyar weeye baahane,
88.    Damqashadu ha joogtee,
89.    Ma dareemi karaysa?

90.    Dugsiyada aqoontiyo,
91.    Darsigaad Na baraysa.
92.    Ma mid diin islaamkiyo,
93.    Danahayga qorayaa?
94.    Mise waa digrii iyo,
95.    Dalahsiga shisheeyahay?

96.    Ninka yidhi I doortow,
97.    Maxaad duunyadaydiyo,
98.    Dagalkayga beeraha,
99.    Damac aad ka leedahay?

100.    Ninka yidhi I doortow,
101.    Dirac iyo haldooriyo,
102.    Miyaad deeqsi tahayoo,
103.    Danyaraha u hadasha?

104.    Ninka yidhi I doortow,
105.    Jidkuu Eebe dooriyo,
106.    Jidkii daalimiintuba,
107.    Waa laba is dacal yaal.
108.    Midkeebaad ku darartaa?
109.    Dariiqeed Na Marin layd?

110.    Ninka doobi caano ah,
111.    Duunyada ka maalee,
112.    Isagoon dareen qabin,
113.    Durduurtuun u kacayow,
114.    Ma ogtahay dadkaagii?

115.    Ninka duubka boqorkiyo,
116.    Dunta waraca jecelow,
117.    Haku tiranin daalkee,
118.    Dalawida rag baa loo,
119.    Waa layskaga danbeeya,

120.    Nin ka yidhi I doortow,
121.    Diblomasi baan ahay,
122.    Dibadaan ku noolaa,
123.    Hogaan laguma doortee,
124.    Doolarkaaga haysoo,
125.    Dalkan waxaad u qabanlayd,
126.    Darsigeeda soo baadh,

127.    Ninka yidhi I doortee,
128.    Daglayda iyo dabatada,
129.    Cunay duunyadeedee,
130.    Dirir noola joogow,
131.    Kugu dooran maynee,
132.    Cirka sare badh soo dumi,

133.    Ninka diraca sheegtee,
134.    Loo yaqaan darwiishkow,
135.    Dirir maaha noloshuye.
136.    Doco kale ka eeg-eeg.

137.    Ninka yidhi I doortow,
138.    Waxba dabaqyo dheer iyo,
139.    Hanoo hidin duunyee,
140.    Inaad daacad tahayoo,
141.    Danyaraha u roon tahay,
142.    Noogu dhaaro diintiyo,
143.    Curad kaaga doorka ah,

144.    Ninka yidhi I doortow,
145.    Riyi haday dub leedahay,
146.    Dabadeeday ku qarin layd,
147.    Ninka yidhi I doortow,
148.    Ku duraaman maynee,
149.    Deeq laha aduunkee,
150.    Daruuraha godlinayee,
151.    Duunyo noo irmaanshiyo,
152.    Eebaanu dayaynaa,
153.    Adiguna dadaalkaa,

Hawraar © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.