Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

XAQSOOR oo sheegay inaanay aqbali doonin Natiijada Hargeysa “Najiitada soo baxdaa maaha mid aannu aqbali doonno”

Hargeysa (Weedhsan) December 6,2012 – Ururka Xaqsoor oo la waayay codadkii uu ka helay degmada Axmed Dhagax ee Caasimadda Hargeysa ayaa sheegay in aanay ku qancaynin natiijada ka soo baxda doorashada.

Masuuliyiinta Xaqsoor oo shir-jaraa’id ku qabtay huteelka Imperial ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Komishanku si u kas ah u masaxay codadkii Xaqsoor ka helay degmadda Axmed Dhagax, sidaa daraadeedna aanay aqbali doonin natiijadda ka soo baxda Hargeysa.

Madaxii Olaha Ururka Xaqsoor Eng Kayse Saajin oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Maanta waxa la masaxay Codadkii degmada aanu ugu awoodda badanahay ee Axmed Dhagax, waxa lagu masaxay Xarunta dhexe si ku talo-gal ah ayaa loo masaxay, waxaana la tuuray codad badan oo aanu lahayn”

Kayse waxa uu sheegay in aanay aqbali doonin natiijadda ka soo baxda doorashadda Hargeysa “Halkaasi Najiitada ka soo baxda maaha mid aanu aqbali doono”ayuu yidhi.

Kayse waxa kale oo uu soo qaaday “Anaga oo ah ururka hogaaminayey doorashadda waxaanu leenahay doorashaddaasi hala kansallo, Komishankana hala kala diro”ayuu yidhi.

Shirka jaraa’id waxa fadhiyey Afhayeenka ururkaasi iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah ururka Xaqsoor, kuwaasi oo iyaguna sheegay in aanay natiijada aqbali doonin.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.