Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Qormo Muhiim u ah inaad Fahamto SUUGAANTA - W/Q. Siciid Gahayr

Waa taxane aynu ka soo minguurinnay buugga CULUUMTA MAANSADA ee aan qorihiisa ahay oo lagu daabacay dalka Sweden sannadkan 2012-ka. Qormadan waxa aynu ku eegi doonnnaa Qeexidda Suugaanta iyo Qaybaha Afka

QEEXIDDA SUUGAANTA:
Afka Soomaaliga dhuuxiisa waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah:
1.    Tix iyo iyo
2.    Tiraab
Tixdu, waa hadalka leh dhawaaqa gaarka ah ama luuqda, xaraf-raaca, miisaanka, iyo habdhaca sugan.
Tiraabtuna, waa hadalka ka kooban erayada la isku fahmi karo ee aan habdhaca lahayn.
Nuxurka iyo xikmadda tixda iyo tiraabta marka la isu geeyo ayaa la isku yidhaahdaa “Suugaan”.
4.1                       Farqiga u dhexeeya tixda iyo tiraabta
1.  Tixda waa la soo xigtaa, oo waxa la isticmaalaa erayadii qofka tixda sameeyay uu adeegsaday, tiraabta se erayada uu qofku doono ayuu ku tabin karaa, waxase mihiim ah in macnihii la rabay uun la sheego.
2. Tixdu waxa ay leedahay xaraf-raac, tiraabtana xaraf-raacu shardi uma aha.
3. Tixdu waxa ay leedahay hab-raac(hab-dhac) iyo cabbir sugan, tiraabtu malaha hab-raac iyo cabbir sugan
Mar kalena Afka Soomaaliga waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah :Hadal iyo Hawraar
Hadal :Hadalku waa inta caadiga ah ee lagu wada hadlo la iskuna fahmo, waa hadalka qaraxa ah ee aan suugaanta ahayn, waxa la yidhaahdaa “Hadaloow ninba in ku yidhi”, mar kale Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa “Hadalna la kala odhan og, Allena la kala baryi og”, dadkana hadalkoodu waa kala soocan yahay, qaar waxa ay ku hadlaan hadal dabka bakhtiiya, dadka isu soo dhaweeya, nuxur badan xambaarsan, aadna loogu diirsado, dadka qaar waxa ay ku hadlaan hadal qallafsan oo aan faa’iido badan lahayn.
Hawraar: Hawraar, ama murti ama suugaanina waa eray kasta oo xikmad leh, waxaanay hawraartu ku timaaddaa xaalado gaar ah iyo wakhtiyo gaar ah sida xilli guurka, wakhtiga  gar-naqsiga iyo xaaladaha kale ee la midka ah.
Hawraari waxa ay asal ahaan ka soo jeedaa, waayadii hore marka qof lagu yidhaahdo “Hebeloow sidaas yeel”, waxa uu qofku ku jawaabi jiray “Hawraarsan”, erayga hawraarsan waxa uu ka kooban yahay laba eray oo la isu geeyay oo kala ah “hawraar” iyo “san”, taas oo macnaheedu yahay  “waa hadal wanaagsan”.
Haddaba waxa is weydiin leh
•    Maxaa lagu qeexaa erayga suugaan?
•    Soomaalidii hore imisa siyaabood oo kala geddisan ayay u taqaannay erayga suugaan?
Soomaalidii hore siyaabo kala duwan ayay u qeexi jirtay erayga suugaan, siyaabahaas oo ay ka mid ahaayeen:
1.    Suugaan, waxa loo yaqaanay “hadalka gunuuska ah” oo ah hadalka lagu yidhaahdo cod hoose  ee aan si wanaagsan dhagtu u maqli karin, waxaana jirtay Maahmaah Saddexley ah oo odhanaysa:
 Hilib sooryo ma aha
Socod raaxo aha
Suugaanina hadal ma aha (Erayga Suugaan halkan waxa uu ugu jira micne u dhigma, “Gunuusku hadal ma aha”).
2.    Suugaan waxa kale oo loo yaqaanay oo ay reer guuraaga ama xoolo dhaqatadu u taqaanay madawga geedaha , waxaana la odhan jirey “Meel Heblaayo Suugaan ayay leedahay” oo uu macnaheedu yahay  meeshaasi waa dhul daaq leh.
3.    Suugaanta waxa kale oo loo yaqaanay, oo ay beeralaydu u taqaanay qaybta budada  ah ee soo hadha marka garawga (badarka) la ridqo.
4.    Suugaanta waxa kale oo meelaha qaar looga yaqaanay “Saxansaxada”, oo marka ay saxansaxo dhabanayso waxa la odhan jiray “Suugaan ayaa dhabanaysa”
  Inkasta oo siyaabahaas kala duwan loo sharixi jiray erayga Suugaan, imaka waxa la odhan karaa micneyaashaas hore may hana qaadin waxaana hadda Suugaan loo yaqaanaa:
1.    Suugaani waa ta ka aloosanta marka aadmiga dhexdiisa ay ka dhashaan wada dhaqan, wada noolaansho, isbahaysi, wax is weydaarsi iyo garaad ururis si uu u daryeelo jiristiisa iyo kor u qaadka noloshiisa ugana guuleysto dabeecada aan u jixinjixayn haddii aanu karti ugu jilib dhigin.
2.    Suugaanta waxa lagu qeexaa in ay tahay mid ka kooban Maansada, riwaayadaha, halxidhaaleyaasha, halqabsiyada, maahmaahyada, murtiyaha, iwm.
3.    Suugaanta waxa kale oo lagu sharraxaa in ay tahay iidaanka dhadhanka u sameeya hadalka, si la mid ah sida ay milixdu dhadhanka ugu samayso cuntada, ama ay sonkortu u macaanayso una wanaajiso tayada shaaha. Suugaantu waa kuruska hadalka, waa qaybta ugu qiimo badan Afka.
4.    Suugaani waa eray kooxeedka kulmiya qoraal iyo odhaahba wax kasta oo la xidhiidha nolosha, dhaqanka, hiddaha, sooyaalka iyo dadnimada bulsho inta ugu qiimaha iyo qaayaha roon ee dhaxal u gasha ummad. Suugaani waa qoraal ama odhaah la qabo inuu leeyahay qiime naf ahaaneed.
 Goorma ayaa erayga Suugaan uu qaatay micnahan hadda loo yaqaano? Yaase u bixiyay?
Erayga suugaan waxa uu qaatay micnahan hadda loo yaqaano, wakhti aan sii fogeyn waxaana eraygaas sidan aynu hadda u naqaano markii koowaad u adeegsaday,  Xuseen Xasan oo noolaa dhamadkii Qarnigii 19aad illaa bilawgii Qarnigii 20aad,  Xuseen Xasan ayaa beri lagu xidhay “meel doonni ah”, ama Markab dhexdiis,  kadib markii la is yidhi waxa uu carqaldayn doonaa heshiis la rabay in uu dhex maro Beeshiisa iyo Beel kale oo diriray, waayo Xuseen waxa uu ahaa Abaanduule Dagaal geliye ah , isla markaana ah Hal-Abuur curin kara Colaad.  Xuseen xidhitaankiisaas isaga oo aad uga xun ayuu tiriyay Gabaygan oo uu u adeegsaday Erayga Suugaan macnaha aynu hadda u naqaano.
Suugaanta Gabay maalintaan sadar ka sheegaayo
Weligey ma saranseeriyee waan susumiyaaye
Soofaha lab-baan kaga jaraa saxalka baallaaye
Anigoo siyaakhadiyey bay sare u qaadaane
Markaasay safruhu ula kacaan sabo Mareexaane
An sifeeyo maantana tixdaan saaxi u abbaaro
Ninba sadada meel buu Ilaah, uga sameeyaaye
Anse taydu waxay saaran tahay, sud iyo geel waabe
Senge dhabarki saymiyo colbaan saami ku lahaaye
Weligayba saar iima qaban suudhan Doonyaha’e
Si alliyo faduul baan ku imi, sabadan xeebeede
Anba waan ka soo saari jirey saymo kii galaye
Sahlanaa amuurtaydu sow lalama sooyaamo
Taariikhdaas ayay ahayd markii koowaad ee erayga suugaan loo isticmaalay micnahan aynu hadda ku sharaxnay. Waxaana si rasmi ah (caalami ah) loo qaatay erayga Suugaan 1972 markii la qorayay Af-Soomaaliga.
Qoraalkan oo dhammaystiran waxaad ka heli kartaan buugga CULUUMTA MAANSADA oo ku diyaar ah maktabadda Red Sea Onlinee ku taalla Faras-magaalaha Hargeysa, gaar ahaanna Oriental Hotel.
La Soco Qaybta 2aad haddii Alle idmo
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
FACEBOOK: Saeed Mohamoud Gahair
Hawraar © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.