Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Raysal-wasaaraha Itoobiya: “ZENAWI in ka badan 50-jeer ayuu i weydiistay inaan Wada-hadal la furo AFWERKI”

Addis Ababa, December 6, 2012, (Weedhsan) – Ra’iisul waasaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Al-Jazeera ku sheegay inuu doonayo in wadahadallo uu la furo dalka ay deriska yihiin

ee Eritrea oo 12 sanno uu kala dhexeeay dagaal ay ku dhinteen 70,000 oo qof.
Ma jirin wax wadahadal ah oo dhexmaray hoggaamiyeyaasha dalka Itoobiya iyo hoggaamiyaha Eritrea, Issaisa Afeworki tan iyo markii uu go’ay xidhiidhkii labada dal sannadkii 2000 kaddib muran dhinaca xuduudda ah oo soo dhexgalay labada dal.
“Haddii aad i weydiiso, “Ma doonaysaa inaad Asmara tagto oo aad la fadhiisato Isaias Afeworki?” Waxaan ku odhanayaa ‘haa’,” ayuu yidhi ra’iisul wasaaraha Itoobiya isagoo intaas ku daray inuu ka shaqeynayo sidii uu u soo celin lahaa xidhiidhka Eritrea kala dhexeeyay dalkiisa wixii ka horreeyay dagaalka.
Labada dal ayaa waxay ku dagaallameen lahaanshaha deegaan lagu magacaabo Badme oo ku yaalla xuduudda labada dal, iyada oo dal walba uu sheeganayo inuu isagu leeyahay magaaladaas oo ay dad aad u yar ku nool yihiin.
“Arrintan muhiimadda noo leh waa inaan la dagaalanno faqriga. Arrinta kale ee noo ah muhiimka waa inaan sameysanno xidhiidh wanaagsan. Haddii aannu labadayadu taas sameynno waxaan filayaa inay faa’iido weyni noogu jirto,” ayuu Hailemariam mar kale yidhi.
Eritrea ayaa ku guuleysatay sannadkii 1993-kii inay ka madaxbannaanaato Itoobiya inteeda kale, kaddib 30-sano oo ay arrintaas u dagaallamaysay, waxaase dalkaas ka jira xukun adag oo uu majaraha u hayo hoggaamiye aad u adag.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam ayaa xafiiska la wareegay bishii Ogost ee sannadkan kaddib markii uu geeriyooday Meles Zenawi oo in ka badan 20-sanno ra’iisul wasaare ka ahaa Itoobiya.
“Hoggaamiyihii iga horreeyay Zenawi in ka badan 50-jeer ayuu i weydiistay inaan aado Asmara oo aan wadahadal la furo Isais Afwerki,” ayuu yidhi ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo saddexda sano ee soo socda hoggaamin doona Itoobiya.
Dawladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxay midba midda kale ku eedeysaa inay taageerto jabhado labada dal la dagaallama, iyada oo ay Itoobiya bishii Maarj ee sannadkan weerartay saldhig milateri oo ay Eritrea leedahay, kaddib markii ay ku eedeysay dalkaas dilka shan dalxiise oo reer galbeed ah.
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.