Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Maxkamadaha Gobollada iyo Degmooyinka oo Awood loo siiyey inay ka Gar-naqaan Cabashooyinka Doorashada

- Dariiqa sharcigu u banneeyey xisbiga ama ururka dhaca ee ku guulaysan waaya doorashada golayaasha degaanka iyo

xildhibaannada uu helayba

-    Garsoorayaasha maxkamadaha kala duwan ee dalka oo lagu tababaray qaabka ururrada iyo xisbiyada loo kala saarayo
-    Ururka amma xisbiga ku qanci waaya go’aanka maxkamadda gobolka waxa uu racfaan u qaadanayaa Maxkamadda Sare, anha Maxkamadda Racfaanka
Hargeysa, December 6, 2012, (Weedhsan) – Maxkamadaha ka jira degmooyinka iyo gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa awood loo siiyey inay ka garnaqaan, isla markaana go’aan ka gaadhaan cabashooyinka iyo tabashooyinka xisbiyada/ururradu ka muujiyaan natiijada doorashada golayaasha degaanka ee dhowaan Somaliland ka qabsoontay.
Sida ku cad xeerarka khuseeya arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan qodobka 8aad ee Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda ee xeer Lr. 14/2011, waxa ururrada/xisiyada u bannaan inay cabashada iyo tabashooyinka la xidhiidha doorashada u gudbiyaan maxkamadaha la dhisan degmada ama gobolka ay wax ka tirsanayaan.
Ururka amma xisbiga ku qanci waaya go’aanka maxkamadda gobolku ka soo saarto natiijada uu cabashada ka muujiyey, waxa u bannaan inuu racfaan u qaato Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo go’aan kama dambays ah ka gaadhi karta muranka ka dhasha doorashooyinka dalka ka dhaca.
Guddida Siiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, ayaa garsoorayaasha maxkamadaha kala duwan ee dalka hore u siiyey tababarro la xidhiidha qaabka ururrada/xisbiyada loo kala reebayo iyo habka loo soo saarayo natoojiiyinka doorashada golayaasha degaanka si garsoorayaashu uga garniqi karaan cabashooyinka loo soo gudbiyo ee la xidhiidha doorashada.
Dhinaca kale, sida ku cad qodobka 24aad ee xeerka nidaamka ururrada iyo asxaabta siyaasadda ee xeer Lr. 14/2011 xisbiga amma ururka dhaca ee ku guulaysan waaya doorashada golayaasha degaanka iyo xildhibaannada uu doorashada ka helayba waxay ku biirayaan saddexda xisbi qaran ee Guddida Diiwaangelintu siiyaan shahaadada xisbinimo, iyadoo ururka amma xisbiga dhacay uu muddo 30 maalmood gudahood ah guddidaas ugu gudbinayo qoraal uu ku caddaynayo xisbiga qaran ee uu ku biiray.
Jamhuuriya
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.