Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Waa Maxay Xorriyaddu? – W/Q. Xamda Maxamed Cigaal

Waagii aan yaraa waxa aan dugsiga hoose ku dhigan jiray sheekooyin badan oo ku saabsan isticmaarkii guud ahaan qaaradda gaar ahaanna dalkeenna haystay qarnigii 19aad dhammaadkiisii

iyo kii xigay bilawgiisii, waxa ay bareyaashu noo dhigi jireen gabayo tiro badan oo abwaanno Soomaaliyeed u tiriyeen iyagoo ku caydhinaya gumeeyaha, ugu danbeyna waxa ay hadal gaw ku siin jireen dedaalkoodaa ka dib in waddanku xorroobay. Xorriyadda iyo waxa ay tahayba waxa aan u aqaannay, Ingiriiskii innaga tegay iyo calankii aynu taagnay inay gebigeeduba tahay, waa danbese waxaan ogaaday in ay intaa ka sino ballaadhan tahay, sadaradeeduna galaan illaa sanku-neeflaha.
Muddo badanbaan is weydiinayay anoo aan u dhugmo la’ayn waxa hareerahayga habeen iyo maalinba ka dhacaya waxa ay tahay Xorriyaddu? Halka uu ereygani kasoo jeedo, halkase uu  ku abtirsado? Qofka bini aadamka ahi goorta la odhan karo waa xor? Xorriyaddu ma wax lagu dhashaa mise gadaalbaa laga hantiyaa nolosha? Haddii ay tahay wax lagu dhasho maxaa qofka xorriyadda ka qaada? Maxaase xor ka dhiga?, waydiimahan iyo kuwo kale oo badanba waa kuwo warcelintoodu ay mudnaan lahayd in marar badan la gorfeeyo.
Asal ahaan ereyga Xorriyad waxa uu kasoo jeedaa luuqadda Carabiga, isticmaalkiisa badan ee bulshadeena dhexdeeda ayaa u ekeysiisay inuu yahay erey inaga mida, waynuse soo ergisannay iyada oo aan baahi inoo hayn. Afkeenna haddii aynu u noqonno waxa halkaa inoo geleya MADAX-BANNAANI, haddaba bartii weedhaasi inoogu jirtay aynu ku beddelanno teennan danbe kadibna u tafo-xaydanno warcelinta waydiimaha aynu sare ku xusnay. Waxa la yidhaahdaa qofka bini aadamka ahi wuu madax-bannaanyahay, marka fikirkiisa iyo falkiisaba go’aamintooda aanu cidna uga daba fadhiyin, waa marka uu qofku isaga laftiisu tiisa hadlayo ee aan laga dhex hadlayn, waa marka aad jalleecdo ee aanad ka dhex arkayn hummaaggii hebel ama heblaayo oo ka dhex muuqda.
Madax-bannaanidu waa wax qofka bini aadamka ah la dhalata oo la kawsata jiritaankiisa. Qofkasta waxa la abuuray iyada oo waxkasta loo dhammaystiray, waxa loo sheegay in abuurtiisa laga lahaa ujeeddo oo uu macno u noolyahay, macnahaas loo uummayna lagu imtixaami doono hadba wixii uu ka gutay xilkii guudkiisa la saaray, looma sheegin in hebel kale wax uu falay wanaag iyo xumaan kuu doonaba ha ahaadee in isaga lagu xisaabin doono maalinta qiyaamaha.
Hab-dhaqanka dhabta ah ee ka jira qoysaskeenna ayaa qaabeeya oo soo saara hadba cidda aynu nahay, aragtideenna, arrinkeenna, fekerkeenna, ficilkeenna, hankeenna iyo himiladeenaba kaas ayaa sargooya. Barbaarinta guryaheennu waxa ay inaga dhigtay inaynu ahaanno qof qof kale ku tiirsan oo aan isagu iskii isku taagi karin, markii koowaad ee aad dunida timid waxaa loox laguugu xarriiqay inaad ilmo yartahay oo aad dadka waaweyn maqasho mabay xumaateene waxaa laguu sii raaciyay qof kaa weyn waxba looma sheego, dhawr jeer oo aad itaal is biddayna afka ayaa lagaaga booday, maalintaa wixii ka danbeeyayna waad baraq-jabtay dibna hadal danbe lagaagama maqal, waxaanad si dhab ah u yaqiinsatay inaanad adigu hadli karin, adigu hugmi karin, adigu hanan karin, adigu hormuud noqon karin, inkasta oo aad barbaartay haddana dhacdooyinkii kala danbeeyay ee qofnimadaada ku aaddanaa saamayn taban oo dhinac walba leh ayay kugu yeesheen, maantadaana adiga oo si walba isku leh qofbaad tahay waadiga aan ahayn qof ee qofka kale qofnimadiisa ku ah qof.
Waxbarashada, Mansabka, Maalka iyo Haybta midna kama dhigaan qofka mid madax-bannaan, imisa aqoon aad ku tuhmaysay oo maankooda iyo maskaxdooduba u dabranyihiin cido kale ayaa muush meel walba ka ah? Intayse la kulanka duulkaasi qalbigaaga xanuun iyo xaradhaamo kaga tagaan, waxa weliba xanuunkaa ka daran sida ay rajo-da aan darkaa ka qabo uga dhigaan mid aan waxba kasoo naaso-caddayn. U malayn maayo inta kale ee aan xusayna inay horseedi karaan madax-bannaanida dhabta ah e aynu kasoo sheekaynay.
Inaad qof jeclaato oo ladhacdo kuna qanacdo noloshiisa iyo fikirkiisuba waa wax caadi ah oo nolosha ka dhaca, laakiin in caashaqaasi ku geyeysiiyo inaad si indho la’aan ah u raacdo waxkastoo qofkaa kasoo fula waxay ku dhaxalsiinaysaa inaad addoon u noqoto hadba rabitaanka qofkaa. Sidoo kalena haddii aad qof ugu dooddo isla mar ahaantaana ku difaacdo sababta haybta aad wadaagtaan ama wixii la halmaala, waxa aad tahay oo ku sifaysantahay LA HAYSTE, waxa aad u baahantahay gurmad si lagaaga xoreeyo cidda ku haysata ee ku gumaynaysa, tallaabada koowaad ee gobannimaduna waa inaad yaqiinsato inaad aragti iyo rabitaan cid kale u nooshahay ee aanad noolayn noloshaadii ay ahayd inaad noolaato, in aanad abuurin mabaa’diidii ay ahayd inaad u noolaato oo u halganto rumayntooda, taas macnaheeduna ay tahay inaad tahay qof iska nool berri marka ay tiisii noqotana iska dhiman doona iyada oo aan habayaraatee dheef laga dhaxlay aanay jirin.
Qoraalkan kooban waxaan u hibaynayaa, Alle swt raalli haka ahaadee Aabahay Maxamed Xuseen Cigaal oo aan si dadban iyo si toos ahba uga bartay sida fekerkaaga iyo falkaagaba loogu madax-bannaanaado.
Xamda Maxamed Xuseen Cigaal
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.