Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Guddoomiyaha XAQSOOR “Dhalinyaro rayid ayaa samaynaya mudaharaad salmi ah ayaa ciidamadii qaranka loo addeegsaday oo xabad lala dhacay”

Hargeysa (Weedhsan) Dec 7,2012 – Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac ayaa ka hadlay Rabshadihii khasaaraha keenay ee taageerayaashiisu Hargeysa ka sameeyeen.

Xasan Ciise Jaamac, waxa uu sheegay in Mudahraadada ay keeneen boob lagu sameeyay buu yidhi codadkii Xaqsoor ee deegaanada dalka qaarkood, isaga oo tilmaamay in dadka loo addeegsaday ciidamadda qaranka isla-markaana rasaas lala dhacay.

 

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo maanta u waramay idaacadda BBC-da ayaa isaga ugu horeyn ka hadlaya khasaaraha rabshadaha ka dhashay ayaa yidhi  “Dhalinyaro rayid ayaa samaynaya mudaharaad salmi ah ayaa ciidamadii qaranka loo addeegsaday oo xabad lala dhacay, shalay ilaa xalayna hal qofbaa dhintay lix qof oo rag iyo dumarba lehna way dhaawacmeen”

 

Xasan Ciise, waxa kale oo uu tilmaamay “Dhalinyaradda waxaanu ugu khudbadaynay Istaadiyamka Hargeysa, waxaanuna doonaynaa in nabada Somaliland oo qolyahayaga Xaqsoor aanu naf iyo maalba u hurnay waxaanu doonaynaa in aan lanaga carsha-casrhayn, maadaama oo ururkani taariikh baal-dahab ah ku leeyahay, waxaanu dhalinyaradda ku baraarujinay inaan wax la siistaa jirin qaranimada Somaliland, xoriyadiisa iyo nabadgalyadiisa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dadka Mudaharaadayaa waxay u badan yihiin taageerayaasha Xaqsoor waana Caddaan”

 

Xasan Ciise, waxa kale oo uu ka hadlay waxa keenay Mudaharaadka iyo rabashadaha “Waxa keenay Mudaharaadka waxa keenay Mudaharaadka Masar ka socda ee dumiyey nidaamkii hore ee dulmiga ahaa ee Xusni Mubaarak, waxa keenay wixii dumiyey nidaamkii dulmiga ahaa ee Tuusiniya ka dhacay, dulmibaa dhacay heer qaran ah oo la duudsiyey xuquuqdii dadkan Muwaadiniinta ah, doorashadiibaa lagu shubtay beri iyo galbeed, gobolo dhanbaa la yidhi doorashada ka qayb-gali maysaan oo la duudsiyey xuquuqdoodii dastuuriga ahayd, intii dhexena waa la boobay oo Koombuutaradii ayaa laga waayay oo markii dambe la galiyey cod intii hore ka yar”ayuu yidhi.

 

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.