Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

SOMALIYA: Sarkaal Ka Tirsan Hay’adda FOA Oo Baydhabo Ugu Xidhan Inuu Al-shabaab La Shaqeyn jiray

Baydhaba (Weedhsan) Dec 7,2012 - Taliyaha ciidanka booliiska degmada Baydhabo Mahad Cabdiraxmaan  ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan hay'adda FAO ay u qabteen inuu Al-shabaab la shaqeyn jiray.

Taliyaha booliska gobolka Bay, waxa uu sheegay inay sarkaalkan ka soo qabteen gurigiisa ka dib markii ay ogadeen inuu Al-shabaab la shaqeeyo “Sarkaalkan anaga ayaa xidhnay waxaanuna ka soo qabannay gurigiisa, ka dib markii aanu helnay fariin ah inuu la shaqeeyo Al-shabaab”ayuu yidhi Taliyaha boolisku, waxaanu intaa ku daray “Ma jirto hay'ad ka tirsan qaramadda Midoobay oo nagala hadashay xadhiga sarkaalkan, waana nin reer Baydhabo ah oo hay'adaha caalamiga ah si aad ula shaqeyn jiray”

 

Taliye Mahad, waxa uu sheegay oo kale “Haddii aan sarkaalka siin lahayn fursad waxaan ka baqnay inuu nagu dalbado kuwa wax toogta oo magaalada ka buuxa”ayuu yidhi.

© Weedhsan Corporation

 

Weedhsan Magazine: Download Free

.