Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Xukuumaddu maxay ka tidhi Rabshadihii Hargeysa? “Xasan Ciise Sumcadda ha ka dilinna” Wasiir Duur

Hargeysa, December 7, 2012, (Weedhsan) – Wasiirka arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa ka hadlay rabshadiihii

xalay iyo illaa maanta ka socda degmada Axmed-Dhagax, waxaanay shacabka ugu baaqeen inay is dejiyaan oo aanay ammaanka caasimadda wax yeellayn.
Wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa tilmaamay inay arrintani tahay mid ay hore uga digeen, waxaanu yidhi “Sida waxa u dhaceen waa sidii aanu ka digaynay ee guubaada badan ka samaynaynnay, waxay ahayd markii Natiijadu soo baxday inay u maraan wixii cabasho ah waddada sharciga ah. Runtii waxa aannu illaa xalay ka shaqaynaynay in aannu helno Salaaddiinta iyo Hoggaanka urur-siyaasadeedka XAQSOOR oo runtii ah Nin dalka u soo halgamay, markaa waxa aannu doonaynnay in arrinta halkaas aannu ku dhammayno oo si dublamaasiyadeed arrinta loo dhammeeyo. Xasan Ciisanna waxaan leeyahay sumcadda ha ka dilinna, kuwa leh Muddaaharaad dhiga ee TV-yada ka hadlayana waxaan leeyahay Adeer ka daaya.”
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal ayaa isaguna sheegay in marka rasbshado dhacaan ay cid uun ku dhimatay, isla markaana uu khasaare baxaadle uu ka dhasho, waxaanu ugu baaqay Ciidanka Booliska Somaliland inaanay Shacabka dhibaatayn, isla markaana aanay Rasaas u isticmaalin Mudaharaadayaasha. “Haddii wax dhacaan cid ayuunbaa wax ku noqota oo dhibaatadu cidbay taabanaysaa, markaa waxaan leeyahay Illaahay Naxariistii janno haka waraabiyo intii ku dhimatay, waxaanan leeyahay intaas ayeynaan sii dhaafin.” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska.
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.