Raadi

FOLLOW US ON FACEBOOK

Musharrax hadhay: “Codkaygii aan ku riday baan waayaye, Fartayda ma Komishankaa Subagga ku dhuuqay”

uu sida gaarka isugu codeeyay uu ka waayay sanduuqii uu ku riday.

Musharraxan oo lambarkiisii coddeyntu ahaa 419, oo na soo gaadhsiiyay qoraal kooban ayaa ayaa sidoo kale sheegay in goob uu ka filayey 1500 cod, looga soo qoray 21 cod oo kaliya.

Musharraxan oo codkii uu waayay su’aal iska waydiiyey ayaa yidhi “Fartayda ma Komishanka subagga ku dhuuqay”.

Qoraalka Musharraxan oo koobnaa aya u dhignaa sidan “Anigoo ah Musharrax ka sharraxnaa golaha deegaanka Hargeysa, una sharraxnaa ururka Dalsan Magacayguna yahay Maxamed Ismaciil Xuseen, Lambarkayga coddeyntuna ahaa 419

Waxaan ka codeeyay sanduuq yaallay  xaafadda  Xawaadle ee degmada 26-ka june ee magaalada Hargeysa, haddaba waxaan la yaabay meeshii aan anigu iskaga codeeyay waan waan ka waayaay  codkaygii, waxa kale oo aan ka waayay codkii tageerayaashayda, taasi waxay caddaynaysaa inay doorashu ahayd mid  caddaalada ka fog oo aan lagu qanci karin

Waxa kale oo aan  aad ula yaabay meeshii  taageerayaashaydu ku badnayeen oo ahayd degmada Gacan Libaax la iiga soo qoray  21 cod, waxaanan ka filayay 1300-1500- oo cod taasina waxay noqotay fajiciso,

Waxaan filayaa inaan  la arag  doorasho noocan u dhacda abid, waayo cid kale iska daayoo codkaygii aan ku riday ayaan waayay waana wax lala yaabo  haddaba  ma Komishankaa fartayda subagga ku dhuuqay”

© Weedhsan Corporation

WEEDHSAN MAGAZINE - Download Free

Weedhsan Issue 5

Weedhsan Magazine Issue 2

Who's Online

We have 64 guests and no members online

Find us on Youtube
Find us on Facebook
Follow Us