Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Madaxwayne Siilaanyo Oo furay Mashruuc Loogu Magac Daray Horumarinta Cilmiga Oo Ay ku Baxayso 11, 250, 000 Euro

Hargeysa (Weedhsan) Dec, 11, 2012- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa furay mashruuc Malaayiin Euro ka baxayso oo waxbarashadda Soamliland lagu horumarinayo.

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa sidoo kale ka qayb-galay Masuuliyiin badan oo ka mid ah Xukuumadda Somaliland, Madaxda Jaamacadaha dalka, aqoonyahan iyo Saraakiil ka socday Waddamada Midowga Yurub oo Mashruucan Maalgalinaya.

Munaasibadan ayaa waxa hadal ka soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isaga oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay mashruucan lagu horumarinayo waxbarashada dalka, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxbarashada dhalinyaradu waa mid ka mid ah xoogaga sida weyn loogu xisaabtamo adduunka, waxaanan aad ugu faraxsanahay mashruucan lagu horumarinayo waxbarashada Somaliland”ayuu yidhi.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa mahadnaq balaadhan u jeedisay hay’adaha iyo masuuliyiinta ka shaqeeya horumarinta waxbarashada dalka, iyada oo ka warbixisay mashruucan iyo waxyaabaha lagu qaban doono oo  ay ugu muhiimsan tahay horumarinta waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ee Somaliland.

Mashruucan oo loogu magac daray horumarinta cilmiga ayaa waxa ku bixi doona 11, 250, 000 Euro (Kow iyo toban milyan, laba boqol iyo konton kun oo lacagta Yurub ah)

 

 

Weedhsan Magazine: Download Free

.