Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Dr Gaboose “Haddii Madaxtooyadu U Dabaal-Degayso Guusha Kulmiye, anaguna waxaanu naxash ku sidnaa Dimuqraadiyaddii Somaliland”

Hargeysa (Weedhsan) Dec 11,2012 – Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo ku xigeenkiisa ayaa si wada jir ah uga hadlay xaalada dalka.

War-saxaafadeed ay shirkooda jaraa’id ka dib u qaybiyeen Warbaahinta ayaa u dhignaa sidan  “Daah kama saarna dadweynaha saqiir iyo kabiir  wixii dhacay maalintaas ay doorashadu dhacaysey, waxanse isku deyeynaa inaan in yaroo kooban kasoo ban dhigno khaladaadkii loo badheedhay maalintaas ay ka mid ahaayeen:

  1. Waxaa sanaaduuqda ka yimid goobaha codbixinta ee ku soo xarootey xarunta komishanka laga helay sanaaduuq badan oo xambaarsan cod ka badan waraaqihii goobta la geeyey iyadoo aan laguna xusin inay jireen wax kordhin ahi.

  2. Waxaa sanaaduuqda qaarkood lagu arkay inaanay is waafaqsanayn warqadda natiijada goobta (Summery Sheet) iyo codadka ku jira sanduuqa, ururo iyo musharixiin la danaynayona si gaar loogu badiyey.
  3. Iyadoo sanaaduuqda ku soo xerootey goobaha dusha laga soo saaray baco waaweyn oo ay ka buuxaan waraaqo cod bixineed dushana lagaga soo qoray Ururo magacyadood halkii ay ahayd in sanduuq xidhan lagu keeno.
  4. Iyadoo aan inta badan muraaqibiinta ururada la siin, komishankuna diidey inay bixiyaan warqadda natiijada goobta, si hadhow xilliga hubaal celinta laysugu hubiyo sanduuqa codadka ku jira iyo warqadda natiijada ururku wato.
  5. Iyadoo sanaaduuq badan gacanta loo geliyey masuuliyiinta iyo musharixiinta xisbiga Kulmiye, lana tageen goobo u gaar ah iyadoo aan wax muraqibiin ah iyo komishan tooni la socon, kadibna ay beelo u qaybsadeen natiijadiina ay komishanku u ansixiyeen.
  6. iyadoo marka ay masuuliyiinta ururada la danaynayaa codsadaan waraaqo dheeraada, kuna andacoodaan inay goobihii ka dhamaadeen, inuu komishanku isagoo aan la xiidhiidhin masuuliyiintii komishanka ee goobta uu si degdega ugu rarayey sanaduuq fara badan oo aan wax komishan ahi la socon.  Halka goobaha loo filayo in ururada mucaradku ku badanyihiinna laga raajinayey, goobaha qaarkoodna marka horeba lageeyey tiro ka yar tii loo qoondeeyey.

 

  1. Iyadoo musharixiinta iyo taageerayaasha ururka Kulmiye carqaladeeyeen kuna soo qaadeen weerar hubaysan degaamada ururka UMADDA, si ay u abuuraan xaalad nabadgelyo xumo Komishankuna sidaa ku xidheen goobihii codbixinta. Sida wadaamogoo, Ulasan, Kiridh, Qudbiga iyo Higlo Habariheshay.
  2.  Wuxuu Komishanka doorashooyinku keentay laba qof oo loo bixyey Hubiyeyaal, kuwaasoo joogey albaabada goobaha codbixinta ka baxsan caasimadaha,  ahaana taageerayaasha Kulmiye laguna soo xushay aqoonta ay u leeyihiin dadka deeganka. Hubiyeyaashaasi marka Kuyuugu soo gaadho qof ay u gartaan mucaarad waxay si been ah ugu eedeynayeen inuu hore u codeeyey,  isla markaana ku dirayeen askarta goobta joogtaa sidii muwaadinkaas looga saari lahaa kuyuuga iyagoo u isticmaalayey inay jidhdilaan, ama timaha qayb ka xiiraan.

 Iyadoo dhaqdhaqaaqa gaadiidka maalinta cod bixinta aad loo soo koobay, hadana waxa muuqatey in gaadiid aad u farabadan loo fasaxay xisbiga Kulmiye, kuwaasoo hawlgalkoodii noqday sidii maalin olole oo kale inay codbixiyeyaashooda kolba goob ugu raraan.

  1. Iyadoo cabashooyinka masuuliyiinta ururada bartilmaameedka ah iyo gal-dacwadeedyadooda ka imaanayey goobaha ee ku jirey sanaaduuqda aan midna komishanku dheg jalaq u siin.
  2. Iyadoo aanu hayno cadaymo in waraaqihii shacabku noogu codeeyey ee sanaaduuqda ku dhacay la qubay si urur kale loogu baneeyo weelka lagana soo ururuiyey goobaha qashinka ee magaalada ceerigaabo una  geyney  xafiisyada  komishanka ee heer degmo, gobol iyo qaranba waxna laga qaban waayey.
  3.  iyadoo degmooyinka Laascaanood iyo Xudun lagu dhawaaqay natiijadii doorashada nala siiyeyna iyadoo qoraal rasmi ah, taasna aanu ka qabney shaki fara badan iyo isdabamarin in usbuuc kadib nala siiyey waraaq kale oo ay yidhaahdeen waa natiijo labaad taasoo ay ku fadhateysteen kuraastii laascaanood iyo xudun ee ururka umadda  nalakana jaray degmo walbaha hal kursi.
  4. In cabsi gelin iyo cago juglayn loo geystey shacabkii ugu soo dareeray goobaha codbixinta inay si xor ah codkooda uga dhiibtaan goobaha codbixinta.
  5. Iyadoo codbixinta loo qaybiyey Saddex qaybood.

 

Idinkoo ka dheregsan dhibaatooyinka dalka ka dhacday, oo aanu qaarkood xusnay, Cidii danaynaysana xogo dheeraada ay ka heli karto hay’adaha xuquuqal insaanka, warbaahinta  ardaydii jaamacadaha, ee uu komishanku goobaha codbixinta dalka, kuwaasoo ka sheekeynaya dhacdooyin iyo sawirro foolxun oo ay kala soo kulmeen safaradoodii shaqo.

Waxaynu dooranay nidaamka Dimuqraadiyadda iyo in hogaanka dalka lagu bedeli karo rabitaanka dadka,  Waxaynu isu diyaarinay inaynu galno doorasho, waxanu ku bixinay fikir, waqti, dhaqaale iyo tamarba wixii aanu awoodney.

 Inkastoo shacbiga reer Somaliland muujiyeen bisayl siyaasadeed xilligii ololaha, kadibna u dareereen goobaha cod bixinta si nabad-gelyo leh, una taagnaayeen si niyad-sami ah safaf dhaadheer  bacadka saacado badan, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran, iyakoo ay ka muuqatey walaaltinimo iyo kalgacayl ay ku dheehantahay kalsooni iyo wax wada lahaansho.

Inkastoo ay bulshada Caalamku gacan wax-ku-ool ah ka geysteen isla markaana malaayiin Dollar ku bixyeen hanaqaadka Dimuqraadiyadda Somaliland iyo sidii ay u qabsoomi lahayd doorashadani,  waxa dedaalkoodii  iyo tacabkii shacabkaba  ka dhigay hal bacaad lagu lisay boobkii, dhacii iyo awood sheegashadii baahsanayd ee marag ma doonta ahayd ee ay ku keceen Xukuumadda iyo Komishanka oo is bahaystay, iyakoo ku maamulay doorashada sharciga kaynta iyo guryaha hoostooda, laguna soo buuxiyey sanaaduuqda gaarka loo danaynayo, dalka iyo dadkana wax tudhaale iyo masuuliyad ah toona u muujin.

 

Doorashadani waxay halisgelisay wadajirka, xasiloonida iyo Nabadgelyada dalka, iyadoo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawacyo ay sababtay doorashada sida foosha xun loo maamulay.

Doorashadani  waxay hoos u dhigtey hankii iyo sumcaddii Somaliland ay ku lahayd mandaqaddan iyo caalamkaba,  wiiqdayna rajadii qadiyadda ictiraaf raadinta Dalka.

Doorashadani waxay mugdi gelisay  kalsoonidii geeddi socodkii horumarka Dimoqraadiyadda iyo aaminaadii shacabku ku qabey in doorasho xor ah oo xalaal ahi  qabsoomi karto mustaqbalka danbe inta xukuumaddan iyo komishanka noocaan ahi joogaan.

Doorashadan waxa ka muuqata inay ahayd mid hore Xukuumadda iyo Komishanka Qaranku u sii qorsheeyeen inay u dhacdo sidan boobka ah, si loogu xalaalaysto in la soo saaro saddex Xisbi Qaran oo magac ahaan kala duwan balse nuxur ahaan xukuumadda ka soo jeeda, si meesha looga saaro codka mucaaradka dhabta ah iyo in xildhibaano badan loo boobo, si xukuumaddu gacanta ugu dhigto maamulka Degmooyinka Dalka (Maayarada).

Ururka Umaddu wuxuu ku caan baxay in bulshada reer Somaliland ka sugto dhawaaqqa xaqqa ah ee dhibaatooyinka maamul ee jira, taasoo dhaxalsiisay in xukuumaddu cadaawad gaar ah u qaaddo kuna hamido sidii looga reebi lahaa ka mid noqonshaha saddexda Xisbi Qaran.

Waxanu Golaha Guurtida, madax-dhaqameedka iyo waxgaradka reer Somaliland u sheegeynaa in la leexiyey ujeedadii laga lahaa doorashadan, taasoo aanu u aanaynayno Komishanka Qaranka iyo  Xukuumadda maanta jirta oo ku xadgudbey labaduba milgiha iyo xeerarka doorasho xor ah oo xalaal ahi inay ka qabsoonto dalka, waxanuna ka codsanaynaa inay arintan soo dhexgalaan, lana yimaadaan xal badbaado qaran sidii caadada inoo ahaan jirtey.

Haddii Madaxweynuhu guul u haysto guuldarada qaranka, haddii fariidnimadu noqotey foolxumadii dhacday maalintii doorashada, haddii madaxtooyadu isu diyaarinayso damaashaadka iyo dabaaldega kulmiye, anakuna waxanu xabaalaha malka durduro  naxash ugu sidnaa maydkii dimuqraadiyadda Somaliland.

Anaku marnaba damiir ahaan kuma qanacsanin, kumana qanci karno natiijadan dulmiga ku timid ee uu komishanku ku dhawaaqay, hasayeeshee markaanu xeerinay wax badan, xogogaal dhab  ahna u nahay duruufaha adag ee ku gedaaman dadkayaga ee leh shaqo la’aan, tahrib, sixirbarar, musuqmaasuq IWM, kadib markaan la tashanay wax garadka iyo taageerayaasha Ururka UMADDA, waxaanu go’aansanay inaanu dhawrno shacabkayaga  jilicsan, anakoo u tudhaynanana waxanu dartood u dugsanaynaa dulqaadka iyo nabaddooda, anakoo ogsoon in maalmo badani danbeeyaan taariikhduna ay is qori doonto.

Waxanu taageerayaasha ururka UMADDA, meelkastoo ay joogaan, uga mahadcelinaynaa sidii baaxadda iyo mugga lahayd ee ay noola garab istaageen hiilkooda, xilligii madaxtirinta, ololaha, iyo maalintii doorashadaba. Waxanuna kula dardaarmaynaa inay muujiyaan dulqaad dheeraada,  ilaashadaanna nabadooda iyo wadajirkooda.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.