Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Muqdisho: Baarlamaanka Somaliya Oo Su’aalo Waydiiyey Wasiirrada Dibadda Iyo Gaashaandhiga

Muqdisho (Weedhsan) Dec 11,2012 – Baarlamaanka dalka Somaliya ayaa maanta su’aalo waydiiyay Wasiirrada arimaha dibada iyo gaashaandhiga Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden Iyo C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

Xubunaha baarlamaanka Somaliya ayaa Labada Wasiir ka wareystay arimo la xidhiidha hawlaha ay masuulka ka yihiin, sida maaanka qaranka iyo siyaasada arimaha dibada, waxayna labada Wasiir u soo bandhigeen baarlamaanka qorshayaashooda Muqtaqbal iyo dhow ee wax lagaga qabanayo hawlaha dib loogu dhisayo Somaliya.

Wasiirka arimaha dibada, ahna raysal-wasaare ku xigeenka Somaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden oo mudane ka mid ah baarlamaanku waydiiyay waxa uga qorshaysan hantida dawladda Somaliya kaga maqan dalka dibadiisa, sida dhismayaasha, diyaaradaha iyo agabyadda kale, ayaa sheegtay inay arintaasi loo saaray guddi ay iyaddu madax u tahay, kuwaasi oo u xilsaaran soo celinta hantidaasi.

Marwo Foosiya oo arimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi  “Waxaa naga go'an inaan ka daba-tagno dhammaan hantida Qaranka Soomaaliyeed ee dibadda ku maqan, sida guryaha, diyaaradaha iyo maraakiibta. Laakiin su'aasha aad i weydiiseen waa mid aniga iga horreysay. Aniga iyo ra'iisul wasaaruhuna waan ka hadalnay mowqifka dowladda ee ku aaddan hantida Qaran ee maqan”

 

© Weedhsan Corporation

 

 

Weedhsan Magazine: Download Free

.