Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

King Khaalid Iyo Fanaaniin Caan Ah Oo 20 Sanadood Ka Dib Maanta Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay

Muqdisho (Weedhsan) Dec 11,2012 – Muddo labaatan sanadood ah ka dib ayaa waxa maanta Magaaladda Muqdisho booqasho ku tagay fanaaniin Somaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa.

Fanaaniintan oo kala ah Khaalid Shariif Axmed (King Khaalid), Cabdixakiin Ciise Geeddi (Fara-yare) iyo Xasan Cujeer Cajami, ayaa waxa garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ku soo dhaweeyay boqolaal dadwayne ah oo ay ka mid yihiin suugaanyahano, haween iyo dhalinyaro ku lebisnaa dharka hiddaha iyo dhaqanka.

Dadwaynaha soo dhaweeyay fanaaniintan ayaa waxay qaarkood siteen boodhadh waaweyn oo ay ku xar-dhanaayeen weedho soo dhawayn ah oo loogu tallo-galay in fanaaniinta loogu muujiyo niyaad-samaan, iyadda oo barbaarta gaashaaman ee soo dhawaynta qaabilsani ay si gaar ah ciyaar dhaqameed ugu soo dhaweeyeen.

Fanaaniintan ayaa waxa Magaaladda Muqdisho ku marti-qaaday hay’adda wadda-hadalka bulshadda ee CCD, si ay fanaaniinta Somaliyeed ee qurbaha ku dhaqani ugu soo dhiiradaan inay dalkooda hooyo ku laabtaan.

Fanaaniintan oo mid walba gaarkiisa warbaahinta ula hadlay ayaa dareenkooda cabiray isla-markaana sheegay inay aad iyo aad ugu faraxsan yihiin inay muddo dheer ka dib Muqdisho booqdaan isla-markaana soo arkaan xaaladeeda nabadgalyo oo ka soo raynaysa.

Fannaanka caanka ah ee King Khaalid, ayaa isagu sheegay inay Muqdisho ugu dambaysay muddo labaatan sanadood ka hor ah, maantana ku faraxsan yahay inuu dib ugu laabto Muqdisho.

Fanaaniintan ayaa lagu wadaa inay Magaaladda Muqdisho ka dhigaan bandhig faneed shacabka reer Muqdisho dib u xasuusiya waayo-waayo iyo wakhtiyadii golaha murtida iyo Madadaaladu sida aadka ah u shaqeyn jiray.

 

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.