Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Madaxtooyadda Oo Ka Jawaabtay Eedaymihii Dr Gaboose “Dimuqraadiyadda Somaliland dhiman-mayso Ee way Dhismaysaa”

Hargeysa (Weedhsan) Dec 11,2012 – Madaxtooyadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay eedaymo Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose u jeediyay Xukuumadda.

 

Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in eedaymahaasi yihiin kuwo aanay waxba ka jirin, isaga in hadalka Dr Gaboose ku sheegay in dimuqraadiyadda Somaliland la soo aasayo uu yahay mid aan qabban shacabka reer Somaliland iyo kuwa u coddeeyay ururka Umadda.

 

Afhayeenka Madaxtooyadda oo ari,ahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Waxaan jecelahay inaan kalmad ka idhaahdo hadal Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umaddu ku sheegay in dimuqraadiyada Somaliland la soo aasayo, runtii arintaasi arin shacabka reer Somaliland qabata maaha, arin dadkii ururka Umadda u coddeeyay u qalanta maaha, waxay ugu coddeeyeen in la kobciyo oo la koriyo dimuqraadiyadda”

 

Afhayeenka Madaxtooyaddu waxa kale oo uu soo qaaday “Tartanka loo galayey xisbinimaddu wax la wadda ogaa ayay ahayd in cidna ku soo baxayso, cidna ku hadhaysay oo taa waa la wadda yaqiinsanaa, Dr Gaboose waxaan leeyahay dimuqraadiyadda Somaliland maaha wax lagu cabiri karo rabbitaanka shakhsi kaliya, dimuqraadiyadu maaha wax lagu bilkeedinayo, ama lagu cabirayo ama laga qiyaas qaadanayo hal shakhsi doonitaankiisa oo kaliya, waa doonitaan shacabka reer Somaliland oo dhan ka dhaxaysa dimuqraadiyaddu, dimuqraadiyadda Somaliland-na dhiman-mayso ee way dhismaysaa runtii, dimuqraadiyadda Somaliland muddo dheerbay shacabkani ku soo tabcayeen, hareeraha ay ka soo joogeen, guulbayna ka gaadheen, dimuqraadiyad dhimanaysaana ma jirto ee way dhismaysaa, in shacabka Somaliland erayo noocaas ahi dhagahooda ku dhacaana waa ayaan daro, oo ay waliba ka soo baxaan qof doonaya inuu hogaanka dalka qabto”ayuu yidhi.

 

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.