Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo dib u dhigtay Ciyaarihii Gobollada oo ku beegnaa 15-ka bishan December

Hargeysa (Weedhsan) December 12, 2012 - Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland ayaa dib u dhigtay ciyaaraha gobolada dalka oo hore loo qorsheeyay inay bilaabmaan 15-ka bishan December.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland Cabdi Siciid Raygal oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in buuqa doorashadda ka dhashay awgeed ay doorashadda dib ugu riixeen 15-ka bisha January ee sanadka dambe ee 2013-ka.

Wasiirka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Sababta aan shirkan jaraa’id u qabtay waxa weeyaan ciyaarihii goboladda ee sanadlaha ahaa oo aanu u qabanay in muddo cayiman la qaban doono, mudadaasi oo ahayd 15 December oo saddex maalmood inooga hadheen”

Wasiirka ciyaaruhu waxa kale oo uu soo qaaday “Waxa aynu ogsoonahay in ay doorashadii dalka ka dhacday ee ay ka qayb galeen todobada urur, arintaasi wax ay noqotay arin baaxad badan leh, taasi oo dad badan oo ciyaaraha ka qayb galayey oo dhalinyaro u badan ay ka shaqaynayeen Komiishanka, kuwaasi oo mudadii ay ku diyaar garoobi lahaayeen Komishanka ka shaqaynayey, markaa arintaa Komishanku  waxa ay noqotay inay dad badani kaga habsaamaan shaqooyin badan oo ay fulinayeen oo ku saabsan ciyaaraha, waxaana isku soo beegmay laba arin oo labaduba yihiin arrimo qaran, kuwaasi oo ah arinta doorashooyinka iyo arinta ciyaaraha, markaa dad badan oo ay ku jirana ciyaartooy iyo dad garsoorayaal ah ayaa waxa ay ku mashquuleen arrimaha doorashooyinka, dabeetana way suurto gali wayday in nin komiishankii ku mashquulsanaa oo doorashadii ka shaqaynayey uu ciyaarta 15 December dhacaysa ka soo qayb galo, Si kastaba ha ahaatee laga bilaabo maanta ciyaarihii dib ayaa loo dhigay oo halkii laga qabanayey 15 December, waxa la qaban doonaa 15 January 2013, waxaananu u sheegaynaa dadkii u sii diyaar garoobay ee ay ahayd inay gobolada ka soo baxaan inay tababaradoodii iska sii wataan”

 

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.