Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabbuuti oo Booqday Muqdisho “Mudanayaal si daacad ah u guta shaqadiinna”

Muqdisho (Weedhsan) December 12,2012 – Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Idiris Aarna'uut Cali iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Muqdisho.

Weftiga Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Idiris Aarna'uut Cali ayaa Magaaladda Muqdisho ku tagay smartiqaad uu ka helay Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliya Prof Jawaari.

Booqashadda Guddoomiye Idiris Aarna'uut Cali ayaa noqonaya Guddoomiyihii ugu horeeyay ee Somaliya booqasho ku taga Somaliya, sida uu sheegay Guddoomiye Jawaari “Booqashada uu halkan ku yimid guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti waa tii ugu horreysay oo guddoomiye baarlamaan oo ka socda dalalka dariska ah uu ku yimaado Muqdisho”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Idiris Aarna'uut Cali oo isna warbaahinta la hadlay ayaa fariin u diray baarlamaanka Somaliya “Waxaad tihiin mudanayaal wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed, shaqadiina waa in ay noqoto mid ay si daacad ah u gudataan, waxaana idinku hambalyeynaynaa hoggaanka aad u soo doorateen Soomaaliya”ayuu yidhi Guddoomiye Idiris Aarna'uut Cali

 

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.