Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Somaliland: Garyaqaanka Guud oo ka hadlay Muranka Doorashada “Musharrixiinta cabanayaa Dacwadahooda ha gudbiyaan”

Hargeysa (Weedhsan) Dec 12,2012 – Gar-yaqaanka guud ee Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan natiijada doorashadda ee gobolka Hargeysa.

Gar-yaqaanka guud ee Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in komiishanku ay dawladaha hoose ee degmooyinka dalka ku dhajiyaan xildhibaanada ku soo baxay natiijadii hor-dhaca ahayd ee ay hore ugu dhawaaqeen isla-markaana ay liisaskaasi nuqulo ka mid ah Maxkamada siiyaan.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Maxkamada looga baahan inay muddo 7 maalmood gudahood ah go’aan kaga gaadho natiijada oo ay ansixiso natiijada loo soo gudbiyey, isaga oo ururada iyo Musharixiinta natiijadaasi dooda ka qabana ugu baaqay inay todobadaa maalmood ka faa’ideystaan oo ay dacwadahooda geystaan Maxkamadaha ay khusayso “Ururadda iyo Musharixiinta ka cabanaya natiijadan waxa la gudboon inay mudada todobada Maalmood ah ka faa’ideystaan oo ay Maxkamadaha dacwadahooda geystaan”ayuu yidhi Gar-yaqaanka guud ee Somaliland Ibraahim Iidle Saleebaan.

Gar-yaqaanka guud ee dawladda Somaliland oo maanta u waramayey Wariye Xamse Cali Bulbul oo ka mid ah Telefiishanka Qaranka Somaliland (SLNTV), ayaa Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) inuu muddo 15 maalmood ka dib marka Maxkamadu natiijada go’anka ka soo saarto uu fadhiga ugu horeeya u qabto golayaasha deegaanada ee la soo doortay, si ay iskaga dhex doortaan Maayarka iyo Maayar ku xigeenka degmadaasi “Wasiirka arimaha gudaha waxa la gudboon inuu 15 cisho gudahood uu fadhiga ugu horeeya u qabto golayaasha deegaanka, haddii uu u qabban waayana iyagga ayaa sharci u leh inay qabsadaan”ayuu yidhi.

Hadalka Gar-yaqaanka guud ee qaranka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili la sheegay in Maxkamada gobolka Hargeysa ay komiishanka dib ugu celisay natiijooyin dhowr ah oo ay u gudbisay.

 

© Weedhsan Corporation

 

Weedhsan Magazine: Download Free

.