Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

WAR-SAXAAFADEED: Xuska 40-Guurada Far-Soomaalida

Xuska 40 guuraada farsoomaalida ayaa lagu qaban doonaa magaalada Jabuuti (Jamhuuriyadda Jabuuti) 17ka ilaa 22ka bishan Disambar ee 2012ka. Xuskan, oo noqon doona mid ballaadhan, waxa lagu martiqaaday madaxda

dhulka Soomaalidu degto ee geeska Afrika, kuwaas oo kala ah: Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, Madaxweynaha Somaliland, Madaxweynaha dawladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo mas’uuliyiin ka socda Gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.
Xafladda furitaanka oo uu guddoomin doono, haddii Alla yidhaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxa lagu daahfuri doonaa Qaamuuskii ugu weynaa ee afka Soomaaliga laga qoro. Qaamuuskan oo uu hindisihiisa iyo maalgelintiisaba lahaa madaxweyne Ismaaciil Cumar waxa wadajir u diyaariyey Machadka Afafka ee Jabuuti iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal’abuurka Soomaaliyeed ee loo yaqaan "Somali-speaking PEN Club".
Maalmaha xusku socdo, waxa kale oo jiri doona buugaag cusub oo iyagana halkaa lagu gardaadinayo. Intaa waxa dheer oo barbar soconaya bandhig-buugaaneed ballaadhan. Aqoonyahannada ka soo qaybgelaya xuska 40 guuraada farsoomaalida ayaa iyaguna yeelan doona dood-cilmiyeedyo ku saabsan sidii Afsoomaaliga iyo fartiisa loo qabyo tiri lahaa. Doodahaasi waxay ka dhici doonaan qolka shirarka ee Jaamacadda Jabuuti. Waxa kale oo jiri doona caweys-suuganeed ka dhici doona isla Jaamacadda Jabuuti oo ay soo bandhigayaan Abwaannada iyo hal’abuurka Soomaaliyeed ee la martiqaaday.
Xuska 40guuraada Farsoomaalida ee Jabuuti martigelisay waxa ka soo qaybgelaya Barafasoorro, qoreyaal iyo hal’abuurro Soomaali iyo shisheeye ba ka kooban oo ay ka mid yihiin : Pr. Cabdalla Maansuur, Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame "Hadraawi", Dr Maxamad Daahir Afrax, Boobe Yuusuf Ducaale, Pr. Giorgio Banti, Aw-Jaamac Cumar Ciise, Xuseen Sheekh Axmad "Kadare", Axmad Faarax Cali "Idaajaa", Dr. Jaamac Muuse Jaamac, Cabdillaahi Sheekh Axmed, Cabdillaahi Macallin "Dhoodaan", Xasan "Ganey", Pr. Annarita Puglielli, Xasan Cabdi Madar, Axmed Aw Geeddi, Maryan Caarif, Aamina Muuse Weheliye, Siciid Saalax Axmed, Seynab Daahir, iyo qaar kale oo badan.
Waxa kale oo la martiqaaday Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha kala ah : Jaamacadda Hargeysa, Jaamacadda Jigjiga, Jaamacadda Banaadir, Jaamacadda Muqdisho, Jaamacadda Puntland, Jaamacadda Camuud iyo Jaamacadda Burco.
23ka bisha Desaambar waxa la qaban doonaa shirweynihii Naadiga Qalinleyda iyo Hal’abuurka Soomaaliyeed ee "Somali-Speaking PEN".
Wixi warar ah, ee ku saabsan xuska 40 guurada Farsoomaalida, waxaad kala socon kartaan Websiteka Naadiga oo ah : www.sspen.org  
Xoghaynta Guddida Qabanqaabada
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.