Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo cajalad cusub soo saaray: “Waxa la joogaa casrigii Jihaadka iyo Kacdoonka. Waa in…”

Muqdisho, December 13, 2012, (Weedhsan) – Hoggaamiyaha Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abu-Zubeyr ayaa farriin maqal ah oo la soo dhigay bar Internetka ah oo taageerta

Al-Shabaab ku sheegay inay weli iyagu ka taliyaan gobolladii ay Kenya qabsatay, isaga oo fariin u diray muslimiinta ku nool dalalka Kenya iyo Itoobiya.
Sheekh Abu-Zubeyr wuxuu sheegay in Kenya ay isku dayday inay burburiso ku dhaqanka shareecada Islaamka; bal se ay ku guul-darreysatay, isaga oo xusay in weli ay iyagu ka taliyaan deegaannadii ay la wareegeen ayna rajeynayaan inay dib uga qabsadaan deegaannadaas.
“Kenya waxay isku dayday inay baabi'iso sharafta, sumcadda iyo caqiiqada muslimiinta Soomaaliya ku dhaqan, waxay isku dayeen inay na khiyaanaan bal se Alle ayaa iyaga dhagray. Gobollada Kenya ay sheegtay inay qabsadeen innaga waxay noola muuqdaan inay weli gacanteenna ku jiraan, weli halkaas waxaan ka faafinnaa kalimadda towxiidka, zekada ayaan ka qaadnaa, amniga ayaan sugnaa, tacliintii islaamiga ahna waan ka fidinnaa, taasina waxay ku tusaysaa inaan weli ku leennahay galaangal lama odhan karo way naga qabsadeen,” ayuu yidhi hoggaamiyaha Al-Shabaab.
Sidoo kale, hoggaamiyuhu wuxuu sheegay inay weerarro la beegsadaan saldhigyada ay Kenya kaga sugan tahay Soomaaliya, sidoo kalena ay Kenya gudaheeda ay ka geystaan weerarro, taasoo uu ku sheegay inay muujinayso awoodda ay leeyihiin u leeyihiin inay ka aargutaan Kenya.
Amiirka Al-Shabaab wuxuu dalalka deriska la ah Soomaaliya uu ku eedeeyay awood ballaadhan u isticmaaleen duullaankii ay ku soo qaadeen Soomaaliya, si ay ku dhaqanka sharceeda Islaamka cunaha u qabtaan, bal se taasi uma suurogelin ayuu yidhi, isaga oo xusay in lagu qabto Soomaaliya shirar lagaga arrinsanayo dagaal ka dhan Islaamka.
Hoggaamiyaha Al-Shabaab ayaa sidoo kale wuxuu farriintiisa baaq ugu diray muslimiinta ku nool dalalka Kenya iyo Itoobiya isaga oo ku boorriyay inay la dagaallamaan xukuumadaha dalalkooda ka jira, wuxuuna si gaar ah ula hadlay muslimiinta Itoobiya isagoo ku boorriyay inay ka faa'iideystaan geeridii ku timid Meles Zenawi oo ku sheegay inay tahay fursad weyn.
“Hadda waxaa la joogaa casrigii jihaadka iyo kacdoonka, waa inaadan ku qancin inaad tihiin dadka laga tiro badan yahay, waayo waxaa fursad idiin ah geeridii ku timid Meles Zenawi,” ayuu yidhi Abu-Zubeyr.
Farriintan ayaa noqonaysa tii labaad oo hoggaamiyaha Al-Shabaab uu soo saaro tan iyo markii ay ciidamada dawladda oo kaashanaya AMISOM iyo Itoobiya ay deegaanno badan kala wareegeen Xarakada Al-Shabaab.
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.