QORAALLADA IBRAAHIN HAWD

Raadi

FOLLOW US ON FACEBOOK

Geeridu ma dhab baa? – W/Q. MM Kastan

cimrigiisa inta ay doonto ha gaadhee ugu dambeynta waa kii naxash lagu qaado oo qabriga la dhigo.
Laakiin akhristow, waxaa wanaagsan in lagu tilmaamo dhimashada runta ah jahliga iyo xumaanta oo shaqaysa, maxaa yeelay wanaagga iyo dadka wanaagsan ma dhintaan oo way waaraan, taas oo sababta wanaaggii ay ka tageen dadkana ay u qabteen, immisaana hore u dhimatay laakiin weli nool, immisa se nool laakiin geerida aan waxba dhaamin.
Akhristow miyaanay sidaa ahayn oo kuwa nool oo la mid ah lixda farood, taas oo dheeraad ku ah faraha qofka murugona ay ku hayso qofka, isla markaana aanu iska goyn Karin, kuwa xun oo mugdiga ku nool, mugdiga ka soo toosa, dadkana mugdiga la jecel kuwa danahooda gaarka ah u nool o keliya wanaagga iyo horrumarka aan dadka kale la jeclayn, kuwa wanaagga ummadda, dhididkooda iyo dhibaatadii ay soo mareen aan eegaynin hantidoodana dhaca, miyaanay akhristow ahayn qaar aan dhimasho waxba dhaamin.
Kuwa aan soo xusnay, ee iska nool laakiin nolosha dheeraad ku ah, kuwa mootanna ee dadka wax u qabtay wanaagna ka tagay ahayna ahayn kuwa weli nool.
Markaa akhristow miyaanay geerida dhabta ah ay sidaa sax ku ahayn.
mmkastan@yahoo.com
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

WEEDHSAN MAGAZINE - Download Free

Weedhsan Issue 5

Weedhsan Magazine Issue 2

Who's Online

We have 104 guests and no members online

Find us on Youtube
Find us on Facebook
Follow Us