Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Waa la isku haystaa Taariikhda – W/Q. A. Aw Hussein

Taariikh been ah oo la malmaluuqay oo loo sameeyo beel gaar ah guul u noqon mayso Oday Aw Jamac iyo Hadhaagii Ubaxii kacaanka, Axmed Idaajaa. Sideedaba taariikda waa dhacdo hore inoosoo martay oo aan dub loo

cusbooneysiin karrin ama loo badali karrin. Waxase jira dad iyagu, iyagoo ujeedooyin gara ah wata, damca in ay taariikda u dhigaan si gaar oo ay qaloociyaan. Laakiin inta badan waa la-iskaga daba  yimaadaa oo tubtii ay lahayd ee saxda aheydbaa lagu weeciyaa. Sidaasu kolka ay dhacday ceeb iyo wadhibaa ka raacda kuwii isku dayey majarohabaabinta sooyaalka taariikheed.
Taariikhaha sida weyn  beenta looga sheegay waxa ka mid ah ta Maxamed Cabddalle Xasan iyo wixii la odhan jiray Daraawiishta. Taariikhdaas waxa buug ka qorey nin la yidhaa Aw Jamac oo ay badhitaarayaan niman aan kolka horeba ehel u noqno karrin talalaxinta taariikhda dadyowga ku hadla Af-Somaliga. Dadka caynkaas ah waxa ka mid ah ninka la yidhaa Axmed Idaajaa oo ah hadhaagii ubaxii kacaankii Af-weyne ee lagu ababiyey koolkoolinta iyo sara u qaadida magaca beel gaar ah. Axmed Idaajaa ,oo isku dara abwaaniinta dadka Af-Somaliga ku hadla, aqoon yaridiisa waxa u dheer  waa nin qarsan kari waayey neceybka uu u qabo beel gaar ah. Waa nin la kowsaday kacaankii oo gar iyo gardaraba beeshiisa cimaamada halyeynimada madax ugu duuba. Waxa taa daliil u ah barnaamuj uu ka sii daayo idaacada VOA. Barnaamujkaas waxa uu aad ugu eekeysiinayaa in haddii ay Somaliyi taariikh laheyd ay tahay tu u gaar ah beeshiisa, oo aanay cid kale oo soomaaliyeed oo taariikh guuli ku jirto kula dherertami kartaa aanay jirrin. Nasiib daro, maamulka VOA waxa seegtay halkuu kaga tagay dadka intiisa kale. Mise waabay la qabaan sidatan oo Somali kale oo taariikh lihii ma jirto?
Aw Jamac iyo cid kastaa waa u xor in ay taariikhda Ina Cabdalle Xasan wax ka qoraan. Laakiin waa CEEB iyo DAMBI in ay taariikdiisa qaloocshaan oo been ka sheegaan. Waa nasiib darro Aw Jamac  oo wadaad,  sida ka muuqata magaciisa, diinta wax ka yaqaan ahii, in uu u badheedho been oo uu u si khaldan u fasiro ujeedooyinka loola jeeday gabayada Ina Cabdalla Xasan. Sida kolka uu leeyahay tuducdan(CIISAHA BAKHTIGA HIIQAYIYO HAQAY MIDGAANBAA LEH) waxa loola jeeday reerka la yidhaa Ciise Muuse ee loolama jeedin Ciise. Aw Jamac odhan kari mayno waa ka bes laakiin waa badheedhayaa kolka uu gabayada Ina Cabdalla Xasan qaarna soo qorey kuwa kalena ka tagay amaba uu wax yar ka xusay. Taariikda Aw Jamac kaga sheekeynayo  buugiisa iyo marar badan oo wareysiyo  lala yeeshayba wuxu beel gaar ah ku shaabadeynayaa in iyagu ay ahaayeen kuwo gaalka la socda oo neceb in diintu guuleysto. Aw Jamac kamuu sheekeyn afcaashii Ina Cabdalle Xasan ee ka baxsanaa dhaqanka diinteena suuban. Aw Jamac ma sheegin hagardaamadii uu Ina Cabdalla Xasan gaadhsiiyey ummadda waliba reerka uu isagu kasoo jeedo ee libinta aan jirrin ee Daraawiishi laheyd iyagu isa siiyey. Sida taariikda saxda ahii sheegeyso inta gacanta Ina Cabdalla Xasan ku dhimatay ee uu yidhi way xujoobeen, iyo inta Istimaarkii Ingiriiska iyo Talyaniga oo la isku daraa dileen waxa intay doonto ka badan inta ku nafweyday gacanta Ina Cabdalla Xasan. Waxa ka darran inta maal muslim uu dhacay ee uu xalaashaday.Waxa iyana la sheegaa dumarka uu qabay oo uu u qabay si ka baxsan sida diinteenu ina fartay.
Taariikhaha kale ee beenta ah ee la isku heysto sida loo wariyo waxa ka mid ah:
1.    Taariikhaha laga been sheego iyadoo ujeedadu tahay in beelna loo sameeyo faan iyo taariikh kuwa kalena la aaaso waxa ka mid ah halgamadii gobonimo doonka ahaa. Waxad arkeysaa sida loo buunbuuniya SYL ee aan loosoo qaadin Kheyriyadii, SNS.SNL,USP &NUF . Xisbiyadan oo qaarkood ka fac weynyihiin SYL lagama hayo soo hadalqaadkeeda kolka Idaajaa iyo qeyrkii ay ku andacoodaan taariikh iyo halgan Somaaliyeedbaanu ururinaa oo ka sheekeynaa
2.    Waxa murran ka taaganyahay oo la isku heystaa isdhex-yaacii Somaliland iyo Somalia ee 1960 ma guulbuu dhaxalsiiyey ummadda mise guuldarro? Waxa murran ka taaganyahay isdex-yaacaasi ma xaaraanbuu ahaa mise Xalaal?
3.    Tixda caanka noqotay ee ,AHN, ee Timacadde ee KAANA  SIIB KANNA SAAR ee ay ka turjumeysay wadaniyadnimadii iyo Somali jaceylkii reer Somaliland maxaa ka dambeeyey ee uu ka tiriyey gabayaagu ka dib kolkii uu arkay in lagu hungoomay? Maxaa fagaarayaasha kuwa beenta taariikhda ka sheegaa ay usoo qaadi waayaan gabayadaas?
4.    Waxa ka mid ah taariikhda loo sameeyo hororkii Af-Weyne ee isga iyo qeyrkii masuulka ka ahaayeen bur burka gaadhay gayiga geeska Africa gaar ahaan inta ay degaan dadyowga Af-Somaliga ku hadla ee ilaa maanta dhibaatadii ka dhacaday aduunkoo dhami ay furdaamin kar laayihiin. Idaajaa iyo colkiisu waxa ninkaa ay ku suntaan saciim ummadeed oon la arrag.
5.    Waxa ka mid ah taariikhaha beenta laga sheego dagaalkii 1977. Degaalkaas oo si xun loogu jabiyey askartii wadankii la isku odhan jiray Somali Repiublic ilaa imika dad badan ayaa kool kooliya oo yidhaa wuxu ahaa guul usoo hoyatay ummadda. Waxay dad badani ,oo aan anigu ka mid ahay, qabaan in ay aheyd guuldarro ciidan tii ugu weyneyd. Waxa kale oo la qariyaa dhaqan xumadii iyo baabi’ii uu ciidankaasu u geystay dadkii deganaa Ethiopia kolkii uu dagaalku socday. Waxa kale oo ogaan loo ilduufaa dhibaatadii ka dambeysay ee shacabka ay ku hayaan hadhaagii jabhad-ku-sheegii WSF ee dhaca ,boobka,dilka iyo kufsiga lahaa ee ay ku hayaan ummadda. Waxa taariikdu saxda ahi sheegeysay in dadkii degaanka xadka Ethiopia-Somaliland ay is-abaabuleen oo sameysteen ciidan iska-caabiya hagardaamada qowleystayaashaasu  ku hayeen. Ciidankaa waagaa la abaabulay waa kii bud-dhiga u noqday ciidankii jabhadii SNM ee hororkii Af-weyne ka xoreysay Somaliland
Gunaanad:
Waxa la yidhi beeni raad ma leh. Intaas iyo qaar kale oo badanba oo ka mid ahtaariikhaha la soofdarran habaabiyey waa la isku heystaa. Waxana daliil u noqon kara buuga uu dhowaanta qorey qoraaga weyn ee reer Somaliland Cabdiraxman Guri Barwaaqo iyo afkaartii laga soo celiyey durba halka ay mareyso.Waxa durba sida fiinta fooraha ka qeylisa afka kala waaxay kuwii doonayey in ay beentoodu waarto oo  dadka ku hilaaabnaadaan.
Dadka sooyaalka taariikda majarahabaabinaya ha ogaadeen in beentoodaasi soo afjarmi doonto. Ka Socanmeyso wixii ay la kaashadeen  dawladii Af-weyne oo waa la iskaga daba iman sida imikaba ifafaalaheedu muuqdo. Madaxweynaha iyo Dawladda Djibouti oo aad xodxodotaana ,oo aad  sirtaan, oo ad kolba geed isku marisaan, isaga iyo dad ku dhow-dowiba  meel idin gaadhsiin mayso. Si kasta oo loo maal galiyo daabacaadaa taariikh tahriib ah oo bug ah waxa ay ku danbeyn BEENI RAAD MA LEH. Waxa kale oo intaa idiin dheer in aad kashifantaan oo aad ku suntanaantaan dad ehel u ah been sheega.
Allaa Mahad Leh
A.    Aw  Hussein
Aragti © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.