Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Shanta Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay ku Kulmaysa Xuska 40-Guurada Far-Soomaaliga

Jabbuuti, December 13, 2012, (Weedhsan) – Qabanqaabada Xuska 40-guurada qoritaanka farta Soomaaliga oo dhowaan lagu qabanayo magaalada Jabbuuti ayaa ka socota meelo ka mid ah dhulalka ay Soomaalidu degto, iyada oo

lagu marti-qaaday Madaxweynayaasha Soomaaliya, Puntland, Somaliland iyo Dawladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo masuuliyiin ka socda gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.

Sidaasna lagu sheegay War-saxaafadeed ay Xog-haynta Guddida Qabanqaabada ee xuskaasi soo gaadhsiiyeen Mareegaha WEEDHSAN, kaas oo u dhignaa sidan:

“Xuska 40 guurada far-soomaalida ayaa lagu qaban doonaa magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti 17ka ilaa 22ka bishan Disambar ee 2012ka. Xuskan, oo noqon doona mid ballaadhan, waxa lagu martiqaaday madaxda Soomalida ee geeska Afrika, kuwaas oo kala ah: Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Somaliland, Madaxweynaha dawladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo mas’uuliyiin ka socda Gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.

Xafladda furitaanka oo uu guddoomin doono, haddii Alla yidhaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxa lagu daahfuri doonaa Qaamuuskii ugu weynaa ee afka Soomaaliga laga qoro. Qaamuuskan oo uu hindisihiisa iyo maalgelintiisaba lahaa madaxweyne Ismaaciil Cumar waxa wadajir u diyaariyey Machadka Afafka ee Jabuuti iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal’abuurka Soomaaliyeed Somali-speaking PEN Club, oo ka tirsan ururweynaha caalamiga ah ee PEN.

Maalmaha xusku socdo, waxa kale oo jiri doona buugaag cusub oo iyagana halkaa lagu gardaadinayo. Intaa waxa dheer oo barbar soconaya bandhig-suugaaneed ballaadhan.

Aqoonyahannada ka soo qaybgelaya xuska 40 guuraada farsoomaalida ayaa iyaguna yeelan doona dood-cilmiyeedyo ku saabsan sidii Afsoomaaliga iyo fartiisa loo qabyo tiri lahaa. Doodahaasi waxay ka dhici doonaan qolka shirarka ee Jaamacadda Jabuuti. Waxa kale oo jiri doona caweys-suuganeed ka dhici doona isla Jaamacadda Jabuuti oo ay soo bandhigayaan Abwaannada iyo hal’abuurka Soomaaliyeed ee la martiqaaday.

Xuska 40guurada Farsoomaalida ee Jabuuti martigelisay waxa ka soo qaybgelaya Barafasoorro, qoreyaal iyo hal’abuurro Soomaali iyo shisheeye ba ka kooban oo ay ka mid yihiin : Pr. Cabdalla Maansuur, Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Dr Maxamad Daahir Afrax, Boobe Yuusuf Ducaale, Pr. Giorgio Banti, Aw-Jaamac Cumar Ciise, Xuseen Sheekh Axmad “Kadare”, Axmad Faarax Cali “Idaajaa”, Dr. Jaamac Muuse Jaamac, Cabdillaahi Sheekh Axmed, Cabdillaahi Macallin “Dhoodaan”, Xasan “Ganey”, Pr. Annarita Puglielli, Xasan Cabdi Madar, Axmed Aw Geeddi, Maryan Caarif, Aamina Muuse Weheliye, Siciid Saalax Axmed, Seynab Daahir, iyo qaar kale oo badan.

Marka xusku dhamaado ka dib, oo martidu guryo noqoto ayaa waxaa la shaacin doonaa lana bilaabi doonaa qeybinta iyo iibinta Qaamuuska sharafta badan ee cusub ee howsha badan la geliyey, si eey uga faaiideystaan dhamaanba ummadda Soomaaliyeed.

Wixii faahfaahin ah kala soco website-ka guud ee SOMALI SPEAKING PEN www.sspen.org

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.