Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

HARGEYSA: ‘Unugga Waddaniyadda Somaliland’ oo 4-Jirsaday, Shahaado-sharafyana bixiyay

Hargeysa, December 31, 2012, (Weedhsan) – Munaasibad lagu xusayay sannad-guuradii afraad ee ka soo wareegtay aasaaska Ururka dhallinyarada ah ee “Unugga Wadanniyadda Somaliland” ayaa xalay lagu

qabtay Huteel Imperial ee magaalada Hargeysa.
Munaasibaddan oo sidoo kale shahaado-sharafyo lagu guddoonsiiyay shirkado iyo shakhsiyaad uu unugga Waddaniyaddu u aqoonsaday inay waxqabad muuqda ku soo kordhiyeen bulshada, ayaa waxa ka soo qaybgalay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) guddoonka Jaamacadda Cammuud iyo marti-sharaf kale.
Ugu horreyn waxaa munaasibaddaasi ka hadlay Guddoomiyaha Unugga Waddaniyadda Somaliland Md. Cabdirashiid Cumar Maxamed, isaga oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu jiray ururkani iyo waxyaabaha u qorshaysan Mustaqbalka dhow.
“Ururkani waxaa la aasaasay 2005 bishii 12aad soddonkeedii, waxaan asaasay da’yarta Jaamacadaha ee dalka ka qalinjebisay iyo kuwo xilligaasi ku jiray, waxaana lagu aasaasay caasimadda Hargeysa. Ujeeddooyinka Ururkani loo asaasay waxaa ka mid ah inaan maskaxda bulshada ku beerno dareen waddaniyadeed oo ay ugu midoobaan horumarinta difaaca dalkeenna hooyo. Waxa kale oo ka mid ah aasaaskiisa kobcinta garashada xaqa iyo xorriyadda muwaaddinku leeyahay ama lagu leeyahay iyo u-barbaarinta jacaylka waddaniyadeed ee da’yarta dalkooda hooyo.”
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isaguna ka hadlay munaasibaddaasi ayaa waxa ugu horreyn bogaadiyay ururkaas da’yarta iyo hoggaankooda, waxaanu tilmaamay in ururkani ay xisbi ahaan wax badan la qaban doonaan. “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan munaasibaddani idin kala soo qaybgalo. Waan ogahay ururradeennu badanaa yaraan bay ku saqiiraan, laakiin haddaad adkaysateen oo aad afar sanno ururkani marayo, waxaan filayaa inuu idin badbaadiyo.  Ururkanu waa mid ka duwan ururrada kale. Meelaha aad tidhaahdeen waannu ka shaqaynaynaa mujtamaceennuna aad buu ugu baahan yahay.”
Xildhibaan Axmed maxamed Diiriye (Nacnac) oo isaguna hadal ka soo jeediyay xafladdaasi ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE ku ololeeyay in da’yartu ay ka qaybqaatan siyaasadda dalka, waxaana u bogaadiyay mas’uuliyiinta ururkani waddaniyadda iyo waxyaabihii ay u qabteen bulshada muddadii ay jireen.
Ugu danbayntii waxa ay shahaado sharafyo guddoonsiiyeen guddoomiyaha xisbiga UCID, Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Salebaan Axmed Guuleed, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo ashkaas iyo shirkado kale oo ay ka mid ahaayeen:
1. Faadumo Siciid
2. Shirkadda ALNUUR Furniture
3. Shirkadda SOMTEL
4. Fannaanadda Sahra Ilays
5. Jaaliyadda reer Somaliland ee Jarmalka
6. Weriye Nimco Samriye
7. Weriye Hodan Abokor Xasan Caafi
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.