Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Shirkadda TELESOM oo Xannibaad Internetka ah ku soo rogtay Shabakadda SOMALILAND.ORG

Hargeysa, December 31, 2012, (Weedhsan) – Shirkadda Telesom ayaa khadadkeeda Internet-ka ka xidhay booqashada Mareegta Somaliland.org, sida lagu

sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Tifaftiraha guud ee Somaliland.org, Md. Cumar Maxamed Faarax.
War-saxaafadeedkaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Mareegaha WEEDHSAN, waxa uu u dhignaa sidan: “Waxa wax lala yaabo nagu noqday  Markii si lama filaan ah shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM ay khadkeeda Internet-ka  ka xidhay  shabakadda wararka ee Somaliland.Org, 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, iyadoo dadka isticmaala Internet-ka TELESOM aanay tahli karin inay Booqdaan Mareegta Somaliland.Org.
Ma garanayno asbaabaha shirkadda TELESOM ku dhaliyay inay khadkeeda Internet-ka ka xidho  shabakaddayada. Tallaabada TELESOM ayaanu u aragnaa mid taban iyo gabbood fal badheedh ah oo ay ka galeen shabakadda Somaliland.Org iyo akhristeyaasheeda. iyadoo shabakaddani  ay tahay Mareeg fahamsan ganacsiga isla markaana aan daabicin wax qoraal ah oo wax ka sheegaya shirkadda TELESOM iyo sharaa’iga kale ee Ganacsiga Somaliland-ba.
Way dhacdaa in TELESOM ay khadkeeda ka xidho in laga isticmaalo ama laga booqdo mareegaha wararka ee wax ka qora dhaliilahooda, hase yeeshee waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanu jirin wax war ah ama aragti ah oo lidi ku ah TELESOM oo aanu baahinay.
Shabakadda Somaliland.Org uma xidhmayso khadka TELESOM ka xidhay, waxa akhristeyaasheeda dalku ay ka daalacdaan khadka Internet-ka ee shirkadda SOMTEL.
Ma jiro wax tafaasiil ah oo ay shirkaddaasi ka bixisay markii aanu ku war-gelinay arrintan, waxase aanu halkan ugu soo jeedinaynaa inay masuuliyiintoodu raali-gelin buuxda ka bixiyaan Tallaabadan khaldan ee ay qaadeen.”
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.