Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Qaar ka mid ah Musharrixiintii XAQSOOR oo Madaxtooyada looga yeedhay iyo Baayactankii Wasiir-Xirsi

Hargeysa, December 31, 2012, (Weedhsan) – Md. Maxamed Axmed Yuusuf oo ka mid ah musharrixiintii hadhay ee urur-siyaasadeedka XAQSOOR uga sharraxnaa degmada Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan ay isaga iyo

4 musharrax oo kale la yeesheen Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Md. Maxamed Axmed Yuusuf oo galabta Warbaahinta WEEDHSAN ugu warramayay xafiiskooda magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sidoo kale daboolka ka qaaday lacago uu Wasiirka Madaxtooyadu u soo bandhigay inay qaataan, iyaga oo Warbaahinta marinaya inay ku qanacsan yihiin natiijadii doorashada, isla markaasna waxba-kama-jiraan ku sheegaya doodda odhanaysa “XAQSOOR waa la boobay!”

“Waxay ahayd toddobaadkii hore. Waxaannu ahay shan Xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannadii hadhay ee ururka XAQSOOR. Waxa noo yeedhay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan oo xafiiskiisa noogu yeedhay. Waxaannu u tagnay 4-tii galabnimo, waxaannanu la joognay illaa iyo 6-dii makhribnimo” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Md. Maxamed Axmed Yuusuf oo ka mid ahaa musharrixiintii urur-siyaasadeedka XAQSOOR uga sharraxnaa degmada Hargeysa, isaga oo intaas raaciyay: “Wuxuu noo sheegay inuu la kulmay badiba Xildhibaannadii ka sharraxnaa ururka XAQSOOR. Waxa uu nagu yidhi: ‘Waxaan si gaar ah u danaynayaa 9-ka Musharrax ee hadhay ee ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax ee la yidhi Data-dii (Xogtii) cod-bixinta ayaa luntay. Waxa uu na weydiiyay kharashkii nagaga baxay ololaha, annaguna waannu u sheegnay. Waxa uu nagu yidhi Kharashkiinnii annaga ayaa Xukuumad ahaan idiin celinayna oo waxaannu idin siin doonnaa min-labaatan kun oo Doollar ($ 20,000)”.
Musharrax Maxamed Axmed Yuusuf wuu sii watay hadalkiisa, waxaanu intaas raaciyay: “Wuxuu nagu yidhi khaladka oo dhan waxa iska leh Komishanka Doorashooyinka, fitnadana waxa keenay ‘Data-dii la waayay’. Waxaannu weydiinnay haddiiba aad khaladkaas dhacay ka garaabaysaan, maxaydun Xukuumad ahaan Maxkamad u saari weydeen xubnahaas Komishanka. Wuu ka garaabay, intaas dabadeedna waxa uu qortay Teleefannadayadii iyo Magacyadayadii” ayuu yidhi Md. Yuusuf.
Musharrax Maxamed Axmed Yuusuf waxa uu sheegay in kulankoodii 1aad halkaas ku dhammaaday, laakiin ay muddo saddex habeen laga joogo yeesheen kulankoodii labaad oo daba socday kaas hore.
“Habeenkaas hore arrintayadu dood iyo is barasho ayuunbay ku koobnayd, laakiin saddex habeen ka hor ayaa haddana 5-taydii Xildhibaanba loo yeedhay oo uu noo yeedhay Wasiirka Madaxtooyadu. Wuxuu nagu yidhi, lacagtii waan idin siinayaa, dawladdu way fara badan tahay, xilal baa jira, qandaraasyaa jira, xidhiidhkeennuna intan uun kuma koobnaanayo, heshiisna waynu gelaynaa. Laakiin waxaas oo dhan shuruud baa ka horreysa oo waa inaad saxaafadda ka hadashaan, deetana wuxu noo dhiibay warqad ay ku qoran tahay, ‘Nalama boobin, doorashadiina xor bay ahayd, codkana annaga ayaa lahayn ee muu ahayn mid Xasan Ciise lahaa, laakiin annaga ayaa hadhnay ee waxba kama jiraan waxa ay madaxda ururka XAQSOOR saxaafadda ka sheegeen. Waananu ku qanacsannahay natiijada Doorashada’” ayuu yidhi Musharraxu.
Maxamed waxa uu intaa raaciyay: “Halkaas markay marayso ayaan anigu kacay oo idhi codadkayagii waa la boobay, dad baa naga dhintay, wax badan oo aan milge ahaynna waa nalagu sameeyay, aniguna khiyaamayn maayo dadkii aan wakiilka ahaa, aniga, taageerayashayada iyo dadkii la dilayba waa nala dulmay, intaas ayaana nagu filan” ayuu yidhi, waxaanu sheegay in intaas dabadeed uu Wasiirku gorgortan badan la galay isaga oo ku dhiirrigelinaya inay lacagta qaataan, laakiin buu yidhi, “Arrintaas markii aannu isku fahmi weynnay, waannu ku kala kacnay, sidaas ayaanan kulankii kaga soo baxay” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Musharrax Maxamed Axmed Yuusuf oo ka mid ahaa musharrixiintii hadhay ee ururka  XAQSOOR uga sharraxnaa degmada Hargeysa.
Ugu dambayntii Musharrax Maxamed Axmed Yuusuf waxa uu xukuumadda ku dhaliilay in iyada oo qirsan khaladaadka badan ee ka dhacay doorashooyinkii ay haddana isku deyayso inay dadka majara-habaabiso, isla markaasna ay hantidii ummadda u adeegsanayso sifooyin khaldan.
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.