Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Guddoomiye-ku-xigeenka Somali Pen oo ka hadashay Xilka loo doortay iyo arrimmo kale: “Waxaan rajaynayaa inaannu...”

Hargeysa, December 31, 2012, (Weedhsan) – Guddoomiye-ku-xigeenka Ururka Qalinleyda Soomaaliyeed ee SOMALI PEN, Marwo Farduus Siciid Dirir ayaa markii ugu horreysay ka hadashay

dareenkeeda ku aaddan xilka loo doortay iyo mustaqbalka ururkooda labadaba.

Farduus Dirir oo Guddoomiye-ku-xigeenka ururka Qalinleyda SOMALI PEN loogu doortay shirweynihii ururkaas ee toddobaadkii la soo dhaafay ka qabsoomay magaalada Djibouti ayaa waxa ay sidoo kale ka warrantay kaalinta ay Somaliland ku leedahay ururkaas iyo faa’iidooyinka ugu jira dal ahaan labadaba.
“Waa Ilaahay mahaddii. Si fiican ayuu noogu soo dhammaaday shirweynahaas iyo xuskii afartan-guurada afka Soomaaliga ee isagana lagu qabtay isla Djibouti.  Waxaan rajaynayaa inaannu gaadhi doonno himilooyinkayaga iyo qorsheyaasha aannu urur ahaan hiigsanaynno, Insha Allah-na, wax badan ka tari doonno kobcinta afka Soomaaliga, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed intaba” ayay tidhi Marwo Farduus Siciid Dirir oo shalay galab warbaahinta ugu warramaysay qolka nasashada ee madaarka Berbera.
Farduus Siciid Dirir waxay sidoo kale ka hadashay xilka loo doortay, iyada oo ku tilmaantay horumar wax-ku-ool ah oo Somaliland u soo kordhay. “Maadaama aan ahay qof Somaliland ka soo jeeda, Xilka la ii doortay waa xil Somaliland u soo kordhay, waanan ku faraxsanahay runtii. Waxaan rajaynayaa inaannu wax badan qaban doonno, Mustaqbalkana aannu halkan (Somaliland) ka hirgelin doonno Somaliland PEN” ayay tidhi Farduus.
Ururka Qalinleyda Soomaaliyeed ee SOMALI PEN oo ay xaruntiisu tahay magaalada Djibouti ayaa waxa uu kulmiyaa qorayaasha iyo halabuurka ka soo jeeda guud ahaan deegaannada Soomaalidu degto, waxaanu ka shaqeeyaa hawlaha la xidhiidha afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.  
© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.