Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Madaxwayne Siilaanyo Oo Shacabka Reer Somaliland U Diray Dhambaal Hambalyo Ah Curashada Sanadka 2013-ka

Hargeysa (Weedhsan) Dec 31,2012 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacabka ku hambalyeeyay dhalshada sanadka cusub ee Miilaadiga ee 2013-ka.

War-saxaafadeed Madaxwaynuhu soo saaray ayaa lagu yidhi sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu hambalyo ku saabsan munaasibada dhalashada sannadka cusub ee 2013-ka u dirayaa dhamaanba shacbi weynaha reer Somaliland, munaasibada bilowga sannadka cusub awgeed oo ka mida munaasibadaha fasaxa qaran, waxa uu hambalyo u dirayaa dhamaanba shaqaalaha kala duwan ee dawladda ee shaqooyinka ka nasanaya, Gollayaasha qaranka iyo dhamaanba shacbiga reer somaliland meel kastay joogaanba.

 

Madaxweynuhu waxa uu illaahay uga rajaynayaa in sannadkan kiisa kale ay ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo horumar, sidoo kale shucuubta aduunka waxa uu u rajeeyey horumar iyo nabadgelyo.

 

 

WA-BILLAAHI TAWFIIQ

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Weedhsan Magazine: Download Free

.