Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Suldaan DAAKIR “Somaliland Waxay Ku Faantaa Nabadgalyada, Dawladda Ha Lagu Garab Gallo Sugida Nabada iyo Xasiloonida dalka”

Hargeysa (Weedhsan) Dec 31,2012 – Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah Madax-dhaqameedka beelaha la hayb sooco, ayaa shacabka ku hambalyeeyay doorashadii deegaanka.

War-saxaafadeed uu Caawa soo saaray isaga oo ku sugan dalka Jabuuti ayuu ku sheegay sidan “Waxaan Ummada reer Somaliland Ugu hambalyeynayaa Doorashadii Golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28/11/2012kii, waxaan aad iyo aad uga xumahay rabshadihii ka dhashay Najiitada Doorashada iyo Khasaarihii ay keeneen, waxanan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Ehelada Dadkii ku dhintay Rabshadahaasi, waxa kale oo aan ILAHAY ugu baryayaa inuu caafimaad siiyo intii ku dhaawacantay shilkaasi.


Waxaan cambaaraynayaa fal kasta oo ka soo horjeeda Nabada galyaga Guud ee Qaranka oo ah mid aynu ku caano maalnay waxan ugu baqayaa shacabka iyo dawlada Somaliland inay ilaaliyaan Nabada iyo Midnimada guud ee Qaran.


Waxaan Bulshada ugu digayaa in aanu wadanka khalkhal ka Abuurin nin damac kursi hayo, waxanan leeyahay yaanu kaasi shacabka iyo dalkaba sahayan, Somaliland waxa qudha ee maanta ku faantaa waa Nabadgalyada walalayaal hala ilaashado nabada, waxana Nabadaasi ka Masuula Dawlada Somaliland waana in lagu Garab galo Sugida Nabad iyo Xasiloonida dalka.


Xukuumada Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay si Waayeelnimo leh ugu halw gasho sidii loo soo afjaro lahaa Tabashooyinka ka jira Deegaanada dalka Qaar si ay u sugnaato Midnimada iyo Qaranimada Somaliland.”

 

© Weedhsan Corporation

 

Weedhsan Magazine: Download Free

.