Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Maxaa ugu Qiimo iyo Qaayo weyn? – W/Q. Prof. Cabdi Cali Jaamac

Ma dahabkaa, ma dheemantaa, ma moodkaa mise waa noolka. Intaa midna ma aha ee waa dadka. Foqorka ugu xun waa ka dadka. Haddii aad qani ka

tahay xagga dadka, wax subaxaa saaka ah kaa maqan ma jirto. Sidaa darteed waa in aynu tacabka ugu badan galino dadka gaar ahaan dhallinta, rag iyo dumarba.

Waxa laga yaabaa inaad su’aal is weydiinayso. Talaw ma tirada dadka ayuu u jeedaa mise tayada. Runtii labaduba waa muhiim. Laakiin, aniga aragtiyada, waxa horraysa tayada. Haddii aanad labada isku helayn tayada raac. Haddii aad isku heli karayso labadaba ka sii fiican. Xagga cilmiga dhaqaalaha, labaduba macno weyn bay sameeyaan. Tirada badani waa suuq, dhinaca kalena waa xoog wax soo saar. Laakiin, haddii jeebku ka xun yahay, ceydhi suuq kuu noqon maso, saa waxba ma haystaan; sidoo kale, haddii aanay waxba baran, xooggoda laftiisu waa bar kuma taal. Taasi waa sababta aan u I idhi, tayada raac haddii aanad labada isku helayn.

Waxaynu wada ognahay waddamada dunidu inaanay sinnayn dhincac kasta oo laga eego.  Shaki  la’aan, waxa is dhaafiyay waa tayada  dadkooda (marka aynu tirada iska dhaafno) ee ma aha qaaradda ay ku yaallaan, ama indhahooda oo kala waawayn ama kala yaryar. Japan ma aha waddan ku yaal Yurub. China oo immika soo baxdayna ma aha caddaan.

Waxa laga yaabaa in aad is weydiinayso su’aashan:  maxaa looga jeedaa waxa la isku dhaafay waa dadka. Miyaanay sagaal bilood ku wada dhalan dadku? Waa runtaa, laakiin tayada dadka ayaan isku mid ahayn. Tayadaasina wax kale ma aha ee waa Tacliinta iyo rabbaayada oo lagu kala horreeyo. U fiirso maynaan odhan tacliin oo kaliya.

Rabbaayadda ayaa ka muhiimsan tacliinta. Iyada waxbarashada garanay oo waxa laga helaa dugsiyada iyo Jaamacadaha. Rabbaayadda iyada xaggee laga helaa. Waa dhaqan soo jireen noqday oo facyada kala danbeeyaa isu gudbiyaan. Oo maxaa ka mid ah? Waxaa ka mid ah shaqo jacaylka, run sheegga, daacadnimada, ixtiraamka iyo xaqdhawrka. Halka ummadi milgahaas isu gudbinayso, ummad kalena waxay isu gudbinaysaa shaqo nacayb, been sheegid, khiyaamo, xaqdhawr la’aan, damaacinimo iyo wixii la mid ah.

Dhaqanadaas aan kor ku soo sheegnay xaggee la isu mariyaa marka la isu gubinayo. Casharadan la isuguma dhigo sabuurad, wacdi iyo waanana waxba kama tarto. Waxase la isugu gudbiyaa ficil iyo dhaqanka qofba qofka kale uu ka arko . Waligaaba I wacdi oo I waani, anigu waxan daalacanayaa ficilkaaga ee qawlkaaga dheg u dhigi maayo.

Laakiin, waxbarashada iyadu waxay kaga duwan tahay waxa la isugu gudbiyaa qalin iyo buug ama wax sheegid. Iyada lafteeda, waa waxbarshada’e, waa ta la isku dhaafay, laakiin haddii aanay wehelin rabbaayaddii ama barbaarintii saxda ahayd, iyada lafteedu waa hal bacaad lagu lisay. Markaa waxa ugu qiimaha iyo qaayaha weyni waa rabbaayadda oo ah dhaqanka dadkaasi leeyahay.

WWW.profabdiali.blogspot.com

Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.