Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Midhaha iyo Macnaha Maansada ‘Siyaasad Curri’ – YAXYE YEEBAASH

Casar gaaban aniga oo fadhiya kobta aan ku noolahay oo markaas uun dardarsanaya hadhimo aan kala dhigtay ayaan maqlay iyada oo la leeyahay “caanihiina maanta kii curri

ahaaba kabbasho ku dhammeeyay intaynnu hurudnay.” Anoo dhegahaygu tii la yaabban yihiin, ayaa waxa qunyar dhankayga u soo tallaabsaday isla currigii in yar ka hor dhamay caanaha. Intuu si yar oo jabaq li’i ah ii soo ag fadhiistay ayuu indhaha isku qabqabtay adoo moodaya inaanu bil carrabkiisa afka saarin, isagoo intaa u tarrisaya cadka yaryar eek u jira cuntada aan cunayo. Malahayga waxan ku qiyaasay siyaasiyiinteenna iyo siyaasaddeennaba noocaas! Hantidii ummadda ee lagu aaminay ayaa laga waayay, markaasay markay Telefeeshinada fadhiyaan aad moodaysa mu’miniin yar. Ila arag iyada oo hawraaraysan:
Maxaa curri Land-ta jooga
Dadkoo casar gaaban seexday
Intuu caanaha dhammeeyo
Cad iyo hilibkana idleeyo
Ciddii fashay goor la-yaabay
Indhaha intuu soo caddeeyo
Cakuye ku idhaa ma joogin
Manaan cunin jiidh ayaamo

Maxaa curri Land-ta  jooga
Markuu curri kale dilaayo
Intuu afka uun ka caayo
Rassaastiyo qoriga caaggan
U dhiga wadhatada cadkooda
Hadhaw godka goor la ciiray
Islaantuna curadka wayday
Ku caan baxa way dileene
Cutiya tacsidayda qaado

Maxaa curri Land-ta jooga
Aroortii suudh ku ceesha
Caawiyo fiidkeena gaaban
Cimaamad intuu hagoogto
Beeshiisa caways la qaato
Suldaan iyo caaqil sheegta

Maxaa curri Laan-dta jooga
Dad caawi markaad tidhaaho
Ee aad cabashana u sheegto
Caydhiyo filin mooda gaajo
Abaarta ciyaar u haysta
Ku ciida dhibtaad ka oydo

Maxaa curri Land-ta jooga
Intuu bisadaha canaanto
Dadkana caammada kaxaysto
Caqaar iyo jaad ku keeno
I doorta kusoo cabaado
Kuwiiyoo caleemo saarka
Ku heesye currow halyay
Adaa naga hayya colkoo
Adaa caadila ifkoo
Cod iyo taageero buuxda
Mujaahid curroow ku siinay
Kollay cadka waad badhaaye
Adaan naga cunin bariiska

Maxaa curri Land-ta jooga
Ciddiyo miciyaha libaaxle
Cir iyo dalqadiisu wayntay
Haddana Genayow codkiisa
Marku ciyo aad qushuucdo

Maxaa curri Land-ta jooga
Caruurtisiyo gurboodka
U diray carabaha dalkooda
Ciyaalkagana gadoodsha

Maxaa curri Land-ta jooga
Kitaabka cadiim quraanka
Sagaal cisho gacanta saaray
Ku dhaartay casiiska uunka
Haddana cakisaaya diinta
Caantaynkiyo quud idlaada
Ka door biday eebe ceeshka

Maxaa curri Land-ta jooga
Ciyaarta garoon la buuxo
Da’diisoo gabaw ku ciiray
Ka soo bax markuu colaadshay
Huruuddana lagu ciqaabay
Markuu weli sii ciyaaray
Cassaan sow laguma saydhin
Intuu ciilkii gadooday
Tollaay sawmuu cabaadin

Maxaa curri Land-ta jooga
Curriga bisaddiisu qaado
Casaysooy dhaga barjayso
Hadduu caasiyo falkeeda
Amaba camalkeeda diido
Curriga dawarsada ficiisa
Haddana carshigeena seexda
Curriga xulashada ku faana
Talada u yaqaana cayda
Ammaantana caadi moodaa
Dhalliishana ceeb u haysta

Curriga sawirkiisu yaalo
Gidaarrada lagu caweeyo
Laabtiyo caqligii dadkiisu
Intooy karahdooy ka caagtay
Cidkale sudhatooy ku faanto
Curriga currinimo ku baaqa
Haddana curriyada layaaba
Markay ku daydaan cagtiisa
Curriga Engineer ka sheegta
Siyaasiyo ruug caddaaga
Dhul iyo cirmareenka buuxa
Cilmina ab-tiirsiin yaqaana
Ku caashaqa reer heblaayo
Ku doorta caddaalad waarta
Caynaanka u dhiiba tuugga
Islaan laba canbaa gadaysa
Gaajada laba cunug la goohsan
La baayicin caawo oo dhan
Xammaal iyo kuuli cawlan
Cashuurta saboolku dhiibo
Cir-weyne kusoo hagaaja
Baloodhka agoon ku ceesho
Dillaal iyo waalid caaqa
Cokane ugu geeya fooqa
Caddaanka madaw ka yeela
Cassila dacaaddo gumeeya
Dacaayad usoo cantoobsha
Ku caawiya beenta faafta
Cagkira oo kala dhantaala
Cadaadis culayska saara
Hanjaba oo caga jugleeya
Cabbaar suga mahadniqiina

www.yaxye.com
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Yaxye Cabdi Cali (Yaxye Yeebaash)
Halabuur © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.