Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Golaha Guurtida oo ka dooday Siyaasadda Arrimaha Dibadda & Xubno soo jeediyay in Wada-hadallada Soomaaliya laga fiirsado

Hargeysa (Weedhsan) Jan 13,2013 - Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta ka dooday siyaasadda arrimaha gudaha, dibadda iyo ammaanka guud ee dalka.

Mudanayaasha doodda ka qayb-galay, oo badankoodu diiradda saarayey siyaasadda arrimaha gudaha iyo xaaladda nabadgalyo ee dalku wakhtigan marayo, ayaa qaarkood soo jeediyeen in la joojiyo tartanka ciyaaraha Gobollada dalka ee la doonayo in lagu qabto Garoonka Hargeysa, halka qaarkoodna soo jeedyeen in xal laga gaadho tabashada dadka diiddan in Garoonka Hargeysa Stadium lagu qabto ciyaaraha Gobollada dalka.

Ugu horreyn xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, oo halkaasi ka hadlay ayaa ka faallooday aragtidiisa ku aaddan siyaasadda arrimaha gudaha ee wakhtigan iyo xaaladda nabadgalyo ee dalka “Siyaasadda arrimaha gudaha ma odhan karo sidii ay ahaan jirtay ayay tahay, mana odhan karo wax dhibaato weyni way jiraan, imika oo u dambaysay qalaanqal badanbaa jiray, waxaasina siyaasadda dibadda way saamaynaysaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Waxa kale oo aan leeyahay siyaasadda arrimaha guduhu saddex qaybood-bay ahaan jirtay, saddexdii qaybood qayb ayuunbaa ka soo hadhay, waxay lahayn jirtay nabadgalyadu Madax-dhaqameed, Guurtida iyo xukuumadda, maanta ma arko talo midaysan oo saddexdaa qolo ay leeyihiin, arrintaasina xukuumadda ayay ku soo ururtay oo hoggaan dhaqameedkii iyo Guurtidiiba gacmahooda way ka baxday, haddana haddii labadaasi ay farahooda ka baxday, haddana waxa xukuumaddu ku waajib ah inay bakhtiiso halkii ay wax ka kacaan ama iyadu sabab ha u noqoto ama cid kale ha u noqotee, markaa waxaanu xukuumadda waydiidaysanaynaa haddii aad adigu kicisana bakhtii, haddii cid kale kicisana bakhtiidee”

Xildhibaan Ibraahim Ciise Buux, ayaa isaguna si kooban u yidhi “Siyaasadda arrimaha guduhu waa mid ballaadhan, dhibaatada waxa keenayaana waa dadka oo aan runta loo kala sheegaynin”

Xildhibaan Caydiid, oo isagu ka hadlay tartanka ciyaaraha Gobollada dalka ee muranku ka taagan yahay iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa yidhi “Haddii la yidhaahdo halkaasi (Hargeysa Stadium) nabadgalyo daro ayaa looga joojiyey, anigu waxaan leeyahay dhibaatada iyo tabashada jirta hala xalillo oo yaan ciyaaraha la joojinnin, dalkana ciddii nabadgalyo daro wadaa haka dayso”

Xidhibaanku waxa kale oo uu soo qaaday: “Ninkaa arkaybaa la yidhi Waddada Xamar oo la samaynayo, markaasuu yidhi armoo la inoo soo raacaa, waxaan leeyahay Xamar wada-hadalkeedaasi waxa la inoo qaatay wada hadli karimaynadii, waar ninkaa reer Xamar waxba inooma oggola, inaguma waxba uma oggolin, waar-yaadhaheen wada-hadalkaa Xamar ma iska xidhnaa, Xamar wataa dawlad samaysatay ee Madaxwayne samaysatay ee raysal-wasaare samaysatay, wataa wax walba sidii ay u samaysan jirtay u samaysatay, wax alaale iyo wax inooga banaan oo inoogu hadhsani ma jiro, waar ninkii Ingiriiska ahaa ee lahaa waxbaan dhexdhexaadinayaa Xamar-buu degay, waar iska hubinaa oo i-iinyadeenii maku noqonaa”ayuu yidhi.

Xildhibaan kale ayaa isaguna soo jeediyay sidan “Waxaan soo jeedin lahaa in la joojiyo tartanka ciyaaraha Gobollada, haddii aan la joojinayna loo wareejiyo Burco ama Berbera, haddii aan laga hortaggin waxa soo guuxaya ka daba taggeedo macno malaha” ayuu yidhi.

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.