Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Somaliland: Xanuunka Jadeecada oo ka dillaacay Gobolka Maroodi-Jeex & Wasaaradda Caafimaadka oo ka hadashay

Hargeysa (Weedhsan) Jan 13,2013 - Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in gobolka Maroodi-jeex uu ka dillaacay xanuunka jadeecadu.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qowdhan oo maanta shir-jaraa’id ku qabatay Hargeysa, ayaa tidhi “Wasaaradda Caafimaadku waxay shacabka gobolka Maroodi-jeex ugu baaqaysaa inuu gobolka Ka dillaacay cudurka Jadeecadu, taasi oo Wasaaradda caafimaadku ay fulinayso hawlgallo ay kaga hortagayso inaanu xanuunkaasi innagu fidin, waayo waa xili jiilaal ah oo aynu filayno inay bilaabmayaan roobabkii gugu, markaa waxaanu ugu baaqaynaa hooyo kastaa oo dareentaa inay addeegyada jadeecada ka helayso Gobolka, tagtana goobta caafimaad ee ugu dhow, halkaana waxay ka helaysaa tallaalkii carruurta ee jadeecada”

Wasiir ku xigeenku waxa kale oo ay sheegtay in kooxo Caafimaadka ahi ay u baxeen deegaannada miyiga si ay carruurta u tallaalaan “Deeganada Miyiga ah ee ku hareeraysan Hargeysana ay u baxeen kooxihii caafimaadka oo sita tallaalkii loogu talo-galay bulshada Somaliland, tallaalkaasi waxa la siin doonaa carruurta da’doodu u dhaxayso lix bilood ilaa 15 sanadood”

© Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.