Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Hoggaaminta Fiican – W/Q. Cabdalla Xaaji Cusmaan

Xafladihii loogu dabbaaldegay 40-guurada ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay hirgelinta far-soomaalida ee dhawaan lagu qabtay Jabuuti,

waxa ka mid ahaa Bandhig-buugeed ballaadhan iyo daah-fur loo sameeyey buugaagta qaarkood oo ay qorayaashu goobjoog ahaayeen. Waxa ka mid ahaa buugga loogu wanqalay, ‘Hoggaaminta fiican’ (Good leadership) oo ay qortay gabadh Soomaaliyeed oo aqoonyahanad ah  isla markaana siyaasadda dalka Soomaaliya magac,maamuus iyo sumcad wanaagsan ku leh, waa Caasha Geelle Diiriye oo door weyn ka soo qaadatay aasaaskii dawlad-goboleedka Puntland, muddo toddoba sannadood ahna xubin ka soo ahayd baarlamaanka Puntland (1998-2005). Waxa kale  oo ay Caasha Geelle muddo toddoba sannadooda ka soo ahayd Puntland wasiirka wasaaradda horowmarinta haweenka iyo arrimaha qoyska.(2005-2012).
Maalmihii xuska iyo badhiggu socday ayaan ka mid noqday dadkii ay qoraagu ugu deeqday isla markaana ay u sexeexday buuggan HOGGAAMINTA FIICAN.Haddaba markaan akhriyey buuggan qiimaha iyo aqoonta xambaarsan baan jeclaystay inaan ereyo kooban  ka idhaa. Buuggan intaan loo dhaadhicin ba aqoonta uu xambaarsan yahay waxa si mug leh kuu soo jiidanaya muuqaalkiisa guud oo aad u qurxoon.  Magaciisa iyo sawirka ku xardhan ayaa ka tarjumaya farriinta uu gudbinayo buuggu.Sawirku waa shukaanta markabka laga hago, Hoggaaminta fiicanna waxa u taagan wadaha markabka.Haddii wadaha markabku gef sameeyo waxa halis gelaya markabka,dadkii iyo duunyadii saarrayd oo dhan.Sidaas oo kale haddii hoggaamiye qaran uu marin habaabo dalkii iyo dadkii oo dhan baa dheellinaya.Waa tusaale qiimo badan oo buugga korkiisa laga dheehanayo. Tayada waraaqaha buuggu waa kuwo  aad iyo aad u sarreeya oo qaaliya.Waa daabacaaddii labaad oo soo baxday 2010kii, bogaggiisuna waa toddobaatan.Inkastoo buuggu kooban yahay haddana waxa uu ka soo maaxday qalbi iyo maskax ballaadhan oo bulshada la raba hoggaan iyo maamul toosan.
Buuggan ‘HOGGAAMINTA FIICAN’ waa toddoba cutub amma qaybood. Qayb walba waxa cinwaan looga dhigay maahmaah amma murti soomaaliyeed oo kuu sahlaysa inaad laabta sii gashato qaybta soo socota casharka ay xambaarsan tahay. Qaabkan cutub walba maahmaahda amma murtida la raacinayo waa mid innagu cusub oo ku dayasho mudan, aqoonyahaanadda Caasha Geelle na waxaan leeyahay hambalyo.Aan soo qaato toddobada cutub iyo murtida cinwaanka looga dhigay si aynnu guud ahaan u fahamno aqoonta uu buuggani xambaarsan yahay.
Qaybta koowaad; Xirfadaha hoggaaminta fiican. (Hoggaanka fiicani waxa uu ku xidhan yahay hoggaamiyaha)
Qaybta labaad; Xirfadaha isgaadhsiinta iyo muhimadda ay u leeyihiin Hoggaan wanaagga. (Laba kala bariday, kala war la’)
Qaybta saddexaad; Agaasimidda,qoorshaynta shirka iyo Qorista warbixinnada. (Aqoon xumo abaar ka daran).
Qaybta afraad; Muhimadda mashruuca shuqul iyo hoggaamiyaha. (Shaqaa sharaf lagu gaadhaa)
Qaybta shanaad; U qareemidda iyo meel marinta ra’yiga. (Ra’yi midaysan baa reer lagu dhaqaa)
Qaybta lixaad; Lammanaha iyo ka-qaybgalka loo siman yahay. (Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan)
Qaybta toddobaad; Waajibaadka hoggaamiyaha shacabku doortay. (Nin xil qaaday eed qaad)     
Markaad sii dhex gasho toddobada cutub ee buugga ayaad ogaanaysaa in daraasad dheer qoruhu u gashay qorista buuggan. Waa daraasad laga bilaabay lammaanaha qoyska oo ah halka ay mas’uuliyaddu ka bilaabanto.
Waa daraasad xeel dheer oo lagu sameeyey ururrada bulshada,ha’adaha madaxa bannaan iyo kuwa dawliga ah ee gobollada Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo hoggaanka sare intaba. Intaa waxa dheer waaya-argnimadii iyo khibraddii ay aqoonyahaanaddu ka korodhsatay muddadii dhawr iyo tobanka sannadood ahaa ee ay ka tirsanayd maamul-dawladeedka Puntland.Intaa oo dhan natiijadii ka soo baxday ayuu buuggu gudbinayaa. Dhinac kale haddaad ka fiiriso,buuggu waa dugsi laga baranayo maamulka, dhaqaalaha iyo hoggaaminta toosan.
Waxa kale oo buuggan HOGGAAMINTA FIICAN uu na barayaa sifooyinka looga baahan yahay ruuxa raba inuu hoggaamiyo qaran,kuwaas oo lagu soo koobay toban sifo hal-ku-dhigna looga dhigay“Hoggaaminta Fiicani waxay ku xidhan tahay Hoggaamiyaha”
Cutubka lixaad, waxay qoruhu si muuqata ugu qeexaysaa kaalinta haweenka ee bulshada,lammaanaha iyo u sinnaan la’aanta xuquuqaadka aasaasiga ah. Faa’iidooyinka ay qoyska ku soo kordhiyaan haweenka hela fursadaha waxbarasho.Caqabadaha haweenka uga yimaadda ka qaybgalka siyaasadda iyo dadaalka laga rabo haweenka isku diyaarinaya kaqayb qaadashada hoggaaminta ummadda.Guud ahaan waxay haweenka ku dhiirrinaysaa inay doontaan oo u halgamaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda Ilaahay siiyey oo dhammays tiran.
U dambayn, aan is weydiinno, yaa u baahan buuggan inay iibsadaan,oo ay akhristaan isla markaan ku dhaqmaan? Waxay ila tahay cid kasta oo rabta inay hoggaan u noqoto ummadda marka laga bilaabo ururrada bulshada, hay’adaha, maamullada tuulooyinka,magaalooyinka waaweyn ilaa laga gaadho heer qaran way u baahan yihiin inay akhristaan oo ay ku dhaqmaan aqoonta buuggan ku duugan.
Cabdalla Xaaji
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.